Natenyahu oo sheegay in heshiiskii lagu sii dayn lahaa maxaabiista haatan la isku afgartay

Xigashada Sawirka, EPA
Xafiiska ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in "heshiiska lagu sii daynayo la haystayaasha" la isku afgartay.
Netanyahu ayaa dib u dhigay cod u qaadida golaha wasiirada si ay u ansixiyaan heshiiska xabad joojinta ee Gaza, maalintii Khamiista, isaga oo ku eedeeyay Xamaas in ay raadinayso isbedel daqiiqadaha ugu dambeeya lagu sameeyo heshiiska.
Subaxnimadii Jimcaha, xafiiska ra'iisul wasaaraha ayaa sheegay in ay ku wargeliyeen kooxda wada xaajoodka in is af-garad laga gaaray heshiiska.
Waxa intaa lagu daray in Golaha Amniga ay kulan yeelan doonaan gelinka dambe ee Jimcaha, si ay u ansixiyaan heshiiska, ka hor inta aan ansixin dhamaystiran laga helin Xukuumadda. Qoysaska la haystayaasha ayaa sidoo kale la wargaliyay.
Wakiilada Israel, Xamaas, Maraykanka iyo Qatar ayaa si rasmi ah heshiiska ugu saxeexay magaalada Dooxa, sida ay ku warrantay warbaahinta Israel.
Heshiiska xabbad-joojinta ayaa markii ugu horreysay Arbacadii waxaa ku dhawaaqay dhexdhexaadiyeyaasha Maraykanka iyo Qatar.
Ra'iisul wasaaraha Qatar Sheikh Mohammed bin Abdul Rahman Al Thani ayaa sheegay in heshiiskan uu dhaqan gali doono maalinta Axada, isaga oo ay ansixin doonaan golaha wasiirada Israel.
Waqtigaas, Netanyahu wuxuu sheegay in faahfaahinta ugu dambeysa ee heshiiska weli laga sii shaqeynayo, laakiin wuxuu uga mahadceliyey Biden "sida uu u taageeray".
Netanyahu ayaa markaa dib u dhigay cod u qaadida golaha wasiirada si ay u ansixiyaan heshiiska maalinkii khamiista, isaga oo ku eedeeyay Xamaas inay isku dayayso inay "in ay six un uga faa'iideysato heshiiska daqiiqadaha ugu dambeeya".

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xamaas ayaa sheegtay inay ka go'an tahay heshiiska, balse BBC-da ayaa fahansan inay isku dayayso inay qaar ka mid ah xubnaheeda ku darto liiska maxaabiista Falastiiniyiinta ee lagu sii dayn doono heshiiska.
Inkasta oo matalayaasha Israel ay ogolaadeen heshiiskan oo daba socday wadahadalo bilo ah, haddana lama dhaqan gelin karo ilaa ay ka ansaxiyaan golaha wasiirrada iyo xukuumadda Israa'iil.
Labada wasiir ee garabka midig ee mayalka adag, Itamar Ben Gvir iyo Bezalel Smotrich, oo labaduba ka tirsan golaha amniga kana soo horjeeda heshiiska ayaa sheegay inay iska casili doonaan xilka.
Laakin waxay ka dhawaajiyeen inaysan ku biiri doonin mucaaradka - oo aysan hoos ugu dhigaynin dowladda – ayna sugayaan, ilaa iyo inta uu dagaalku dib u bilaabanayo lix toddobaad gudahood, marka wejiga koowaad ee xabbad joojinta iyo heshiiska sii deynta la haystayaasha uu dhammaanayo.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Anthony Blinken ayaa sheegay in uu rajaynayo in xabad joojintu ay bilaabato maalinta Axada ah sida uu qorshuhu yahay iyada oo la sii dayn doono saddexdii qof ee ugu horeeyay ee laga qafaashay Israa'iil.
Dad badan oo Falastiiniyiin ah iyo qoysaska la haystayaasha Israa'iil ayaa u dabaaldegay warka xabbad joojinta ka dib markii lagu dhawaaqay.
Wajiga ugu horreeya ee lixda toddobaad socon doona ayaa waxaa lagu sii deyn doonaa 33 maxaabiis ah- oo ay ku jiraan haween, carruur iyo dad da' ah - oo lagu beddelayo maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku jira jeelasha Israa'iil.
Ciidamada Israa'iil ayaa sidoo kale u bixi doona dhanka bari, iyaga oo ka fogaanaya goobaha dadku ku badan yahay ee Gaza.
Falastiiniyiinta barokacay waxay awood u yeelan doonaan inay dib ugu soo laabtaan guryahoodii iyadoo boqolaal gawaarida xamuulka ah loo ogolaan doono inay soo galaan dhulka si maalinle ah.
Wada xaajoodka wejiga labaad - ayaa ah in la sii daayo la haystayaasha haray, ka bixitaanka ciidamada Israa'iil si buuxda ee marinka Gaza iyo in la soo dabaalo "deganaan waarta" - ayaa bilaaban doona maalinta 16aad.
Marxaladda saddexaad iyo tan ugu dambeysa waxay ku lug yeelan doontaa soo celinta meydadka la haystayaasha haray iyo dib u dhiska Gaza - waxayna qaadan kartaa sanado.













