Trump oo baahiyey sawirkiisa rasmiga ah ee muddo xileedkan oo u muuqda mid farriin diraya

Xigashada Sawirka, EPA-EFE/REX/Shutterstock
Sawirrada rasmiga ah ee Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump iyo ku-xigeenkiisa JD Vance ayaa la soo bandhigay kahor caleema-saarkooda oo ku beegan Isniinta soo socota.
Labada hogaamiye ayaa lagu sawiray iyadoo ay wataan suudh buluug ah, shaati cad iyo taay buluug ah, iyada oo Trump uu sidoo kale ku xidhan yahay badhan sare oo calanka Maraykanka ah oo ku dheggan suudkiisa.
Sawirka Trump ee sannadkan ayaa ka duwan qaabka loo galay ka uu galay madaxweyne ku xigeenkiisa Vance.
Madaxweynaha la doortay ayaa madaxa hoos u yara foorarinaya, xilli sunniyihiisa aad mooddo in uu kor u yar qaadayo, isaga oo dibnahana isku haya.

Xigashada Sawirka, Shutterstock
Dhanka kale, Vance waa uu dhoolla-caddeynayaa, isaga gacmaha is dhaafsaday, taas oo u muuqata sawir nasasho muujinaya.
Muuqaalka cusub ee Trump ayaa la barbardhigay sawirkiisii caanka noqday ee 2023, ee laga qaaday xabsiga Fulton County kadib markii lagu soo oogay dacwad ah inuu isku dayay inuu beddelo natiijadii doorashada 2020 ee gobolka Georgia.
Trump wuu diiday eedeyntaasi. Sawirkaas oo caan baxay ayaa Trump u adeegsaday inuu lacag ugu ururiyo ololihiisa doorasho.

Xigashada Sawirka, Fulton County Sheriff's Office
Kooxda kala-guurka Trump ayaa soo bandhigtay sawirrada rasmiga ah ee Donald Trump iyo ku-xigeenkiisa JD Vance maalmo uun kahor caleema-saarkooda oo dhici doona 20-ka Janaayo.
Arrintani waxay ka duwan tahay habkii hore ee maamulka Trump, maadaama sawirrada rasmiga ah ee Trump iyo ku-xigeenkiisii hore, Mike Pence, aan la soo bandhigin ilaa sagaal bilood kadib caleema-saarkoodii.













