Faahfaahin kasoo baxaysa askar Soomaali ah oo ku dhaawacmay dagaal ku dhex maray Turkiga

Turkiga

Xigashada Sawirka, IHA

Askar tababar u joogtay Turkiga oo kubbad ciyaarayay ayaa dagaal ka dhex qaraxay, taasina waxay keentay in ay dhawacmaan ilaa iyo 24 askari sida ay sheegeen saraakiisha dalkaas.

Xafiiska duqa magaalada Isparta ee galbeedka Turkiga oo arrintu ka dhacday ayaa sheegay shalay in dagaalka ciidamada dhexdooda ah uu ka dhacay xerada Gen. Ihsan Alper halkaas oo ah meel askarta ay ku qaataan tababar.

Sida wararku sheegayaan dhammaan 24-kii askari ee dhaawacmay waxaa la geeyay isbitaalka magaalada marka laga reebo hal askari. Xaaladdooda ayaa la sheegay in ay caadi tahay, sida ay qorayaan warbaahinta dalkaas.

Xafiiska duqa magaalada wuxuu kaloo sheegay in walaac dhanka ammaanka ah uu ka jiray xerada iyadoo hadda ay wadaan maamulka ku shaqada leh baarisyo maamulka iyo sharciga ah.

Duqa magaalada Isparta Cabdullaah Erin ayaa dhaawacyada ku booqday isbitaalka Jaamacada Suleyman Demirel, wuxuuna u sheegay in askarta Soomaaliyeed ay ahaayeen kuw tababar u joogay xerada.

Markii ciidamada ay dhexdooda dagaallameen ayaa si degdeg ah loo kala dhexgalay. Qaar ka mid ah ciidamada Turkiga ayaa la sheegay in dhaawacyo fudud soo gaareen oo u baahan daaweyn.

Duqa magaalada Cabdullaahi Erin wuxuu kaloo sheegay in ciidamo degdeg loo geeyay goobta isagoo sidoo kale sheegay in labo ka mid ah askarta Soomaaliyeed uu xaalkoodu daran yahay.

"Ciidankeenna ayaa degdeg u kala dhexagalay dagaalka xaaladana caadi ku soo celiyay," ayuu yiri duqa magaalada oo intaas ku daray "ciidamada Soomaalida iyo kuweena waxaa soo gaaray dhaawacyo fudud".

Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya

xasan sheekh

Xigashada Sawirka, vs

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ankara ayaa ka mid ah dowladaha sida wayn uga shaqeeya dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. Sidoo kale waxay ku taageeraan qalabka ciidamada oo dhammaystiran.

Turkiga wuxuu sidoo kale Soomaaliya la leeyahay xiriir dhinaca ganacsiga ah. Markabka shidaalka baara oo Turkiga laga leeyahay ayaa bishii Oktoobar ee la soo dhaafay ku soo xirtay dekedda Muqdisho, si uu u fuliyo hawlgal lagu sahminayo saliidda iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha Soomaaliya.

Madaxweynaaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sanadkii 2022-kii ku booqday xerada militeriga Isparta ee ciidamada Soomaaliyeed lagu tababaro.

Magaalada Isparta waxay ka mid tahay meelaha lagu tababaro ciidamada Soomaaliya. Waa meesha la geeyo ciidamada loogu talogalay la dagaallanka kooxaha argagixsada. Bishii Maarso ee sanadkii 2021-kii waxaa xeradaas ka qalinjebiyay ciidamo kumaandoos ah.

Marka ay tababarkooda soo dhammaystaan ciidamada waxay ku biiraan garabka kumaandooska ee ciidanka caanka ah ee loo yaqaanno Gorgor oo Turkiga uu ku tababaro gudaha Soomaaliya iyo waliba waddanka Turkiga.

Bishii August ee sanadkii 2020-kii ayuu safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mehmet Yılmaz, sheegay in waddankiisa uu diyaar u yahay inuu tababaro saddex meelood hal meel oo ka mid ah ciidamada militeriga Soomaaliya.

Ciidamada kale ee sida aadka ah loo yaqaanno ee kasoo baxa dugsiyada tababarka ee Turkiga waxaa ka mid ah guutada sida gaarka ah ee Haramcad.

Turkiga oo ah dal xubin ah NATO ayaa xiriir dhow la leh Soomaaliya, waxa uuna saldhigga ugu weyn ee tabobarka ciidamada ku leeyahay Muqdisho, kaas oo lagu magacaabo TurkSom, hase yeeshee ciidamada gaar ah ayaa intooda badan lagu tabobaraa gudaha Turkiga.

Ciidanka Turkiga waxay ku jiraan kaalinta sagaalaad qiimeyn lagu sameeyay awoodaha milateri dalalka gaaraya 137 wadan, waxaana sandkiiba la sheegay in ciidanka Turkiga ay ku baxdo lacag dhan 8 bilyan oo doolar.

Dowladda Turkiga ayaa sanadihii dambe xoogga saartay maalgelinta ciidanka, kadib afgembigii dhicisoobay ee sanadkii 2016-ka, waxaana xukuumadda Ankara ay xiriir milateri la yeelatay dalal ay kamid yihiin Ruushka, Qatar iyo Soomaaliya oo ay ku leedahay saldhigga ugu weyn ee ku yaala meel ka baxsan Turkiga.