You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Markabkii MV Abdallah,oo la sii daayey iyo burcad baddeedii oo aan la ogayn halka ay ku sugan yihiin
Sida ay baahiyen warbaahinta dalka Bangaladesh, burcad baddeeda Soomaalida ee gacanta ku hayey markabka MV Abdullah ayaa sii daayey markabka iyo shaqaalahii saarnaa.
Mizanul Islam, oo ah la taliyaha warbaahinta ee Kooxda KSRM, ayaa xaqiijiyey sii daynta markabka sida ay ku warantay warbaahinta dalka Bangaladesh.
Wuxuu sidoo kale sheegay in dhamaan 23kii badmaax ee markabka saarnaa sidoo kale la sii dayey xilli danbe oo habeenimadii axada ahayd.
Sidoo kale laanta Laanta EUNAVFOR ATALANTA STRATCOM ee ciidamada badda Midowga Yurub ee ku sugan galbeedka badweynta Hindiya ayaa BBC u xaqiijiyay in markabka la sii daayay.
Warar aan si madaxbanaan BBC du u xaqiijin ayaa sheegaya in raggii burcad baddeeda ahaa ay markabka ku sii daayeen lacag madax furasho ah oo dhan 5milyan oo dollar.
Burcad baddeeda markabka gacanta ku hayey ayaa dhamaa ilaa afar nin sida ay horaan BBCda ugu sheegeen saraakiil ka tirsan Puntland oo deeggaanadooda markabka lagu haystay.
Markabka MV Abdullah ayaa gacanta burcad baddeeda galay bartamihii bishii Maarso ee sanadkan markii kooxdu ay markabka ka soo qafaasheen biyaha caalamigaa.
Markabka MV Abdullah ayaa hadda ku sii jeeda magaalada Dubai, iyadoo warbaahinta Bangaladesh ay intaas ku dareen in xogo dheeraada laga sugayo inay bixiyaan shirkada KSRM.
Lama ogga halka ay ku sugan yihiin burcad baddeedii ka dagay markabka MV Abdulah, BBC oo xiriir la samaysay maamulka Puntland uma suura galin inay ka jawaabaan arrintaasi.
Markabka MV Abdullah
Markabkaan la sii daayey ee MV Abdullah, ayaa la sameeyay sanadkii 2016-kii waxaana markiisii koobaad loo bixiyay ‘Golden Hawk’ kadib markuu ku biiray maraakiibta shirkadda SR Shipping, sanadkii teggay ayaana loo bixiyay magaca ‘MV Abdullah’.
Markabka ayaa 4-tii Maarso ayaa safarkiisa ka soo bilaabay dekedda Maputo ee dalka Mozambique ee Afrika. Waxaa lagu waday in 19-ka bishan Maarso uu gaaro dekedda Hamriyah ee dalka Imaaraadka Carabt, ka hor inta uusan gacanta u galin burcad baddeeda Soomaalida.
Wuxuu siday shixnad dhuxul ah oo dhan 55,000 oo tan sida shirkadda markabku shaaciyeen.
Weerarada burcad baddeeda oo xooggaystay
Burcad baddeeda Soomaalida ayaa dib u soo celiyey weeraroodii dhammaadka sanadkii 2023-kii markaas oo ay afduuben doon laga leeyahay dalka Iiran oo markii danbe ay soo furteen ciidamada badda ee Hindiya.
Sidoo kale burcad baddeeda Soomalida ayaa afduubay markab xamuul ah oo lagu magacaabi jiray MV Ruen, kaas oo aakhirkii ay howlgal ciidan ku furteen ciidamo ka tirsan kuwa badda ee Hindiya,kuwaas oo gacanta ku dhigay 35 ruux oo burcad baddeed ah oo markabka saarnaa.
Xooggaysiga weerarada burcad baddeeda ayaa bilowday markii ay korortay xiisada ka taagan badda cas oo ay kooxaha Xuutiyiinta Yemen weeraru ku qadeen maraakiib ganacsi oo gooshaysay marin biyoodkaas muhimka ah.
Bishii December labo dhacdo ayaa lagasoo wariyay xeebaha Soomaaliya. Mid waxuu la xidhiidhay markab ganacsi oo ay ku weerareen meel u dhow magaalada xeebta magaalada Eyl ee gobolka Bari. Midka kalena waxuu ahaa markab sitay calanka dalka Malta kaas oo isna la afduubtay una dhaqaaqay ugu danbayn xeebta Soomaaliya.
Biyaha Soomaaliya ayaa lagu arkay sare u kac budhcad badeedda sanadkii 2011-kii Hay’adda Qaramada Midoobay ayaana sheegtay in 160 weerar oo maraakiibta lagu qaaday la diiwaangeliyay. Weerada ayaase hoos u dhacay kadib markii howlgalo ciidamada Maraykanka iyo kuwa xulafadiisa ah ay yimaadeen biyaha Soomaaliya.
Budhcad badeeda ayaa xeebaha Soomaaliya Khalkhal ku galiyay maraakiibtii maraysay horaantii 2008-da iyadoon, balse howlgalo balaadhan oo ay siwadajir ah u sameeyeen dowladaha reer galbeedka ayaa hoos u dhigay weeraran iyadoo 2014-kii lagu guuleystay in budhcad badeeda howlgaladooda iyo dhaqdhaqaaqooda la joojiyo, kadib maraakiib badan oo ay afduubteen malaayiin lacag ahna ka qaadeen.