Digaagga lagu sameeyo sheybaar dhexdiisa oo la ansixiyay in la cuni karo

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hilibka lagu sameeyo sheybaarka ayaa markii ugu horreysay la ansixiyay in bani’aadamku cuni karo.
Maamulka Cunnada iyo Dawooyinka Mareykanka (FDA) ayaa ansixiyay cunidda digaagga unugyadiisa lagu sameeyay sheybaarka, kaddib markii ay sameeyeen 'qiimeyn laga baaraan degay'.
Digaaggan ayaa lagu sameeyaa taangiyo ay leedahay shirkadda Upside Foods, iyadoo la adeegsanayo unugyo laga soo dheegay digaag nool.
Waxay awoodi doonaan inay ka iibiyaan macaamiisha kaddib marka ay qiimeyn ku sameyso Waaxda Mareykanka ee Beeraha.
FDA ayaa sheegtay in go’aankeeda ay u adeegsatay xogta iyo warbixinnada ay ka aruurisay bulshada, isla markaana "aysan haatan qabin su’aalo dheeraad ah".
Aasaasaha iyo madaxa shirkaddaas Uma Valeti ayaa yiri: "Waxaan Upside billownay xilli ay dunidu aad uga cago jiideysay, haatanna, mar kale ayaan taariikh dhignay annagoo noqonnay shirkaddii ugu horreysay ee ka gudubta FDA."
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Upside Foods ayaa la kulmi doonta caqabado badan kahor inta aysan awoodin inay iibiso hilibkan digaagga – tusaale ahaan, halka lagu sameeyo hilibkan waa in si rasmi ah loo ansixiyaa - balse Mr. Valeti ayaa sheegay in warkaas uu la mid yahay "biyo ku qulqulaya ceel marka la eego taariikhda cunnada".
Hammiga ah in la sameeyo hilibkan oo kale

Xigashada Sawirka, EAT JUST
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dhowr shirkadood oo cunnada ah ayaa isku dayayay inay soo saaraan hilib sidan oo jale ah, taasoo mustaqbalka yareyn karta qiiqa hawada lagu sii daayo iyo isticmaalka biyaha, iyo sidoo kale dhulka.
Saynisyahannada ayaa sheegay in cadaadiska saaran dhulka uu yaraan karo boqolkiiba 80, haddii cunno sidan oo kale ah la isticmaalo, marka loo barbardhigo hannaanka cuntada Yurub.
Hilibka lagu sameeyay sheybaarka ayaa la filayaa inuu mustaqbalka qabsado suuqyada hilibka.
Shirkadda cusub ee Eat Just, oo ah mid la tartameysa Upside Foods, ayaa ahayd tii ugu horreysay ee hesha ansixinta in hilib macmal ah “hilib nadiif ah", ay ku sameyso Sinagapole sanadkii 2020. Hilibkeeda ayaa laga sameeyaa unugyo lagu sameeyay sheybaarka.
Labo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee hilibka sheybaarka ku sameynaya ayaa ah kuwo saldhiggoodu yahay Israa’iil waana Future Meat Technologies iyo Impossible Foods, kuwaasoo baagarkooda oo loo yaqaanno Impossible Burger la soo saaray sanadkii 2016 aad ayayna caan u noqdeen.
Sidaas darteed, shirkadda ayaa heshiis la gashay shrikadda Burger King.
Ernst van Orsouw, oo ah madaxa Roslin Technologies – oo ah shirkad cunto oo laga yeelahay Scotland ayaa ansixinta ay FDA ka heshay The Upside Foods ku tilmaamay "tallaabo weyn".










