Doodda ku saabsan ilmo iska soo rididda ee sida weyn u kala qeybisay Mareykanka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxkamadda ugu Sarreysa Mareykanka ayaa dabka usii hurisay kala qeybsanaanta dhaqanka ee ka jirta Mareykanka, iyadoo dood hor leh ka abuurtay arrinta ilmo iska soo rididda ee tobnaanka sano dagaalka lagula jiray. Maxkamadda, ayaa xukmisay inuusan jirin xaq dastuuri ah oo ilmo iska soo tuurid ah, iyadoo laashay xukunkii ahaa in go'aanka ilmo iska soo rididda uu la yaallo gobollada. Malaayiin haween ah ayaana haatan la filayaa inaan loo oggolaan inay ilmaha iska soo ridaan.
Haddii xukunkan uu wax ka beddelayo sharciga iyo haddii kaleba, ma joojin doono muranka ka taagan ilmo iska soo rididda, ee dab ayuu ku sii shidi doonaa.
Dadka ka soo horjeeda ilmo iska soo xaaqidda ayaa haatan ku guuleystay wax sanadihii hore aan suurtogal ahaan jirin. Waxay rumeysan yihiin in nolosha kumannaan carruur ah ay badbaadi doonto.
Halka dadka taageersanna ay aaminsan yihiin in xuquuqda haweenka dib loo riday 50 sano. Xilli haweenku ay u dhiman jireen sababo la xiriira ilmo iska soo ridid si qarsoodi ah loo sameeyay.
Ra'yi ururin dhowaan la sameeyay ayaa soo jeedineysa in ilaaa saddex meelood meel dadka Mareykanka ay doonayaan in meesha laga saaro xaqa dastuuriga ah ee ilmo iska soo rididda.
Go'aankan ayaa sidoo kale salka la galaya siyaasad. Waxaa oggolaaday 6 xaakim halka saddexna ay diidday. Kuwa xukunka riday waxaa ka mid ah saddex xaakim oo uu magacaabay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump. Wuxuu hore u sameeyay olole gaar ah oo lagu magacaabayo garsooreyaal laali doona Roe v Wade.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Saameynta siyaasadeed ee xukunka Maxkamadda ugu Sarreysa ayaa laga dareemi doonaa dhammaanba gobollada 50-ka ah ee Mareykanka, balse saameynta muuqata ee degdegga ah ayaa waxay u badan tahay in laga dareemo kala bar ka mid ah gobollada.
Gobolladaas waxaa ka mid ah Oklahoma, oo bishii la soo dhaafay meel mariyay sharciga ugu adag ee ilmo iska soo rididda ee Mareykanka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxa haatan ka dhacaya Oklahoma ayaa saameyn doona gobollada kale. Haatan Roe v Wade ayaa la meel mariyay, 26 gobollo ayaa laga yaabaa inay xaddidaan ilmo iska soo rididda, waxaana ka mid ah 13 gobol oo hore ka mamnuucaya sharcigaas marka uu saa u dhaco go'aanka maxkamadda.
Gobollada ay maamulaan Dimuqraadiyiinta sida California iyo New York ayaa iyago soo dhoweyn doona haweenka meelaha kale ee arrintan ay mamnuuc ka tahay. Waxaa jira 20 gobol oo weli ilmo iska soo rididdu ay ka tahay xuquuq lama taabtaan ah. Ilaa 26.5 milyan oo haween ah oo da'da dhalmada ku jira ayaana ku nool gobolladaas.
Qiyaastii 600,000 iyo 800,000 oo ilmo iska soo xaaqid ah ayaa ka dhacday Mareykanka sanadkii 2019. Sida laga soo xigtay Xarunta Xakameynta Cudurrada, lixdii uurba mid ka mid ah ayaa la soo ridaa, iyadoo 90% ay dhacaan saddexda bilood ee ugu horreeya uurka. In ka badan kala bar haweenka ilmaha iska soo rida waa hooyooyin, halka qaar kalena uuba u yahay ilmihii ugu horreeyay ee ay iska soo ridaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Go'aanka maxkamadda ayaan noqon doonin mid waqti ku xiran, iyadoo dadka Ameerikaanka ah ay dabayaaqada sanadkan u codeyn doonaan wakiilladooda Kongareeska.
Iyagoo guul ka soo hooyay doorashooyinkii November, Dimuqraadiyiinta ayaa aaminsan in haweenka taageersan ilmo iska soo rididda ay iyaga u codeyn doonaan. Balse waxay hore ugu guuldarreysteen isku day ah inay Konagreeska ku qasbaan inuu la yimaado sharci xuquuq dastuuri ah ka dhigaya ilmo iska soo rididda, kaas oo gobollada gaarka ah ka joojin lahaa mamnuucidda hannaankan.
Xitaa haddi Dimuqraaddiyiintu ay maamulaan Aqalka iyo Senate-ka, ma awoodi doonaan inay meesha ka saaraan xukunkan maxkamadeed. Dhanka kale, waxaa jira xildhibaanno badan oo Jamhuuriga ka tirsan oo jeclaan lahaa in la sharciyeeyo mamnuucid federaali ah oo ilmo iska soo rididda ah oo dhammaan gobollada ah.
Mareykanka maanta wuxuu dareemayaa inuu yahay sida hal dal balse ay ku nool yihiin labo qowmiyadood oo aad u kala duwan, ku kala qeybsan fekerka iyo hadafyada. Hadda, way uun sii kala fogaadeen.












