Muxuu Erdogan 20 sanadood kaddib ugu dagaallamayaa sii haynta awoodda Turkiga?

Madaxweyne Erdogan ayaa sameeyay mashaariic waa wayn oo lagu dhisay kaabayaasha dhaqaalaha dalkaasi oo ay ku jiraan mid lagu casriyeynayo waddanka Turkiga

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Erdogan ayaa sameeyay mashaariic waa wayn oo lagu dhisay kaabayaasha dhaqaalaha dalkaasi oo ay ku jiraan mid lagu casriyeynayo waddanka Turkiga

Bilowgii horaba Recep Tayyip Erdo waxa uu u xuubsiibtay siyaasi wayn oo aan la loodin karayn, isagoo hogaaminayay waddanka Turkiga muddo 20 sanadood ah wax badanna ka badelay dalkiisa, taas oo aanay jirin cid samaysay tan iyo Mustafa Kemal Ataturk, hogaamiyihii dib u soo nooleeyay jamhuuriyaddan casriga ah.

Hasayeeshee sicir-barar aad u daran iyo dhibaatada nolosha sii qaaliyoobaysa ayaa mugdi galisay fursadihiisa uu ku sii dheerayn karo maamulkiisa oo uu ku gaarsiin karo soddon sanadood. Tirada ra’yi uruurinta oo hoos usii dhacaysa iyo loollanka kaga imanaya mucaaradka xooggan ayey suuragal tahay inay ka hor istaagaan inuu ku guulaysto doorashooyinka May.

Hogaamiyahan dhiirran ee salka u dhigay kobaca xooggan ee noociisa oo kale aanan hore loo arag, kaalinta waynna ka qaatay horumarinta iyo casriyeynta dalkaasi, ayaa haatan wajahaya hoos u dhac ku yimid dhaqaalaha Turkiga taas oo horseedi karta halis wayn.

Waxa uu 2003-dii xilka ku bilaabay inuu noqday ra’iisul wasaare markii dambase waxaa 2014-kii toos loogu doortay inuu noqdo madaxweyne, mudadaas oo uu Recep Tayyip Erdogan uu Turkiga ka dhigay awood goboleed, isagoo hogaamiye u noqday Muslimiinta, sidoo kalana si degdeg ah uga adkaaday mucaaradka maxalliga ah.

Walow uu madax ka yahay dal ka tirsan gaashaanbuurta Nato, haddana waxa uu u kala dabqaadayay duullaanka Ruushku uu ku galay Ukraine, xilli uu Sweden iyo Finland ku qasbay inay ka dhursugaan codsigooda ay ku doonayaan inay ugu biiraan isbahaysiga gaashaandhigga ee reer Galbeedka. Awooddiisa diblumasi ayaa ka caraysiisay xulafadiisa ku sugan Yurub iyo kuwa ka baxsanba.

Xilli dad badan oo u dhashay waddanka Turkiga ay doonayaan mustaqbal uusan ku jirin Erdogan, haddana madaxweyne Erdogan ayaa ah nin ku guulaysta doorashooyinka, si fududna awoodda ku dhiibi maayo. Waxa uu iskudayay in maayirka magaalada Istanbul oo ah hogaamiye uu xifiiltan kala dhaxeeyo inuu ka hor istaago doorashada.

Aad buu u ogyahay halista ay leedahay inuu guul gaaro maayir firfircoon oo ay Istanbul leedahay, maadaama xilkaas uu ahaa midkii uu dadka isku baray markii uu magaciisa dhisayay 1990-meeyadii.

Sida uu awoodda dalka ku qabtay

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Recep Tayyip Erdogan oo dhashay bishii Febraayo 1954, ayaa aabihii waxa uu kamid ahaa ilaalada Badda Madow ee ciidammada qaranka Turkiga. Markii uu 13 jir ahaa, ayuu aabihii go’aansaday in reerkiisa uu u raro magaalada Istanbul, isagoo rajanaya in shantiisa carruurta ah ay korriimo fiican helaan.

Erdagon ayaa intii uu da’da yaraa wuxuu gadi jiray liin iyo sisin si uu lacag dheeraad ah u helo. Waxa uu galay iskuul Islaami ah ka hor inta uusan digriiga ka qaadan waaxda maamulka ee Jaamacadda Istanbul Marmara, sidoo kale waxa uu dheeli jiray kubadda cagta.

1970-meeyadii iyo 1980-meeyadii waxa uu xubin firfircoon ka ahaa Islaamiyiinta, waxaana uu ku biiray hay’adda khayriga ah ee u janjeerta dhanka Islaamka ee Necmettin Erbakan. Markii xisbigaas uu soo shaacbaxay 1990-meeyadii ayaa Erdogan waxay u doorteen inuu ku matalo tartankii loogu jiray maayirka Istanbul, 1994-tii ayeyna aheyd markii uu ku guulaystay doorashadii iyadoo uu afar sanadood magaaladaasi maamulayay.

Madaxweyne Erdogan ayaa si joogta ah u cambaaraynayay sida taban ee ay warbaahinta wax uga sheegto

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Erdogan ayaa si joogta ah u cambaaraynayay sida taban ee ay warbaahinta wax uga sheegto

Hasayeeshee muddo xileedkiisii ayaa dhammaaday kaddib markii loo xukumay inuu kicin waday maadaama uu meel fagaare ah ka akhriyay gabay waddinyad ay xambaarsan tahay.

Markii uu afar bilood ku qaatay habsiga kaddib ayuu dib ugu soo laabtay siyaasadda. Balse xisbigiisii ayaa la mamnuucay markaas oo lagu eedeeyay inay ku xadgudbeen nidaamka cilmaaniga ah ee lagu maamulayay dalkaasi Turkiga.

Bishii Agoosto 2001, ayuu sameeyay xisbi cusub oo uu saldhiggiisu yahay Islaamka markaas oo ay xulafo noqdeen Abdullah Gul. 2002, ayaa xisbiga AKP waxa uu ku guulaystay aqlabiyadda baarlamaanka halka sannadkii xiganay uu Mr Erdogan noqday ra’iisul wasaaraha Turkiga. Waxa uu weli yahay gudoomiyaha AKP ama Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka.

Tobankii sanadood ee ugu horreeyay xukunkiisa

Laga soo bilaabo 2003, waxa uu muddo xileed noqday ra’iisul wsaare, markaas oo uu sameeyay kobac dhaqaale oo ballaaran halka caalamku ku amaaneen inuu yahay nin isbadelsamaynaya.

Dabaqadda dhexe ee dalka ayaa korordhay halka malaayiin qof laga soo saaray saboolnimada, xilli Erdogan uu ahmiyad gaar ah siiyay mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha si uu u casriyeeyo Turkiga.

Hasayeeshee dadka dhaleeceeya ayaa ka digay inuu noqonayo kaligii taliye.

Taageerayaasha Erdogan ayaa jecel hadalladiisa adag iyo sida uu u difaaco qiyamka Islaamka

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Taageerayaasha Erdogan ayaa jecel hadalladiisa adag iyo sida uu u difaaco qiyamka Islaamka

Markii la gaaray 2013 waxaa waddooyinka isugu soo baxay dibadbaxayaal xilli ay dowladda qorshaynaysay inay wax ka badesho beerta aadka loo jecelyahay ee ku taal bartamaha Istanbul.

Dibadbaxyadaas Gezi Park ayaa ahaa kuwo isbadel ku keenay maamulkiisa.

Mr Erdogan ayaa sidoo kale waxa ay isku dhaceen wadaadka deggan waddanka Mareykanka ee Fethullah Gulen, kaas oo dhaqdhaqaaqyadiisa bulshada iyo dhaqanka gacan ka siiyay Erdogan guulaha uu doorashooyinka ka gaaray saddexda jeer ee xiriirka ah, waxa uuna si wayn milateriga uga saaray siyaasadda.

Dib u soo noolaynta Muslimnimada

Kaddib markii uu talada hayay muddo toban sanadood ah, xisbiga Mr Erdogan ayaa sidoo kale bilaabay inuu qaado xayiraaddii aheyd in haweenku aanay xafiisyada dowladda ku xiran karin xijaabka taas oo la soo rogay kaddib afgambigii milateriga ee 1980. Markii dambana waxaa xayiraaddii laga qaaday haweenka ku jira booliska, milateriga iyo garsoorka.

Dadka dhaleecaynayay ayaa ka cawday inuu Meesha ka saarayo tiirarkii Mustafa Kemal Ataturk ee jamhuuriyadda cilmaaniga ah. Maadaama uu Erdogan laf ahaantiisa yahay nin diimeed waxa uu markasta diidayay inuu doonayo inuu dalka ku soo rogo qiyamka Islaamiga ah, waxaana uu ku adkaystaa inuu taageeray xaqa ay dadka Turkiga ah u leeyihiin inay si furan u qeexi karaan diintooda.

Si kastaba xaalku ha ahaadee waxa uu si joogta ah u taageeray in dambi laga dhigo sinada, maadaama uu yahay aabe dhalay afar carruur ah, ayaa waxa uu sheegay in “qoys Muslim ah aanay ahayn” inuu xaddido dhalmada ama qaato dawooyinka lagu xaddido. “Waa inaynu badinnaa dadkayaga,” ayuu yiri bishii May 2016.

Xaaska Mr Erdogan Emine ayaa badanaa meelaha fagaaraha timaada iyadoo xijaaban

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Xaaska Mr Erdogan Emine ayaa badanaa meelaha fagaaraha timaada iyadoo xijaaban

Mr Erdogan ayaa muddo dheer horkacayay hirgelinta qiyamka Islaamiga ah – iyadoo kooxaha ay isku ra’yi dhawyihiin ay kamid tahay Urur Ikhwaanul Muslimiinka ay cabburisay Masar.

Bishii July 2020, waxa uu horkacay in goobta taariikhiga ah ee Hagia Sophia ee ku taal magaalada Istanbul laga dhigo masaajid, arrintaas oo ka caraysiisay masiixiyiin badan. Goobtaas waxaa 1,500 oo sanadood kahor loo dhisay kaniisad ahaan, waxaase masjid ka dhigay Cuthmaaniyiintii Turkiga, hasayeeshee Ataturk ayaa markii dambe u badelay matxaf – taas oo astaan u noqotay dowladda cusub ee cilmaaniga ah.

Markii uu sida xooggan dhidibada ugu aasay maamulkiisa

Markii sharciga uu u diiday inuu markale u tartamo inuu noqdo ra’iisul wasaare, ayuu 2014 waxa uu u soo istaagay inuu noqdo madaxweyne aanan awood badan lahayn oo toos ay dadku u soo dooranayaan. Waxaa u qorshaysnaa inuu wax badan jagadaas ka badelo, isagoo sameeyay dastuur cusub oo ay ka wada faa’iidayaan dadka Turkiga oo dhan, markaas oo uu dalkooda kamid dhigi doono 10-ka dal ee ugu dhaqaalaha buuran caalamka.

Hasayeeshee horraantii muddo xileedkaasi waxaa qabsaday Erdogan laba jug oo culus oo soo gaartay awooddiisa. Xisbigiisa ayaa lumiyay aqlabiyaddii baarlamaanka ay ku lahaayeen doorashadii dhacday 2015, halka bilooyin kaddib, bartamihii 2016, Turkiga ayaa waxaa ka dhacay iskudaygii ugu horreeyay ee milateri ee qulqulato wata oo dalkaas ka dhaca muddo tobannaan sanadood ah.

Ciidammo gadooday ayaa qarka u fuulay inay qabtaan madaxweynaha oo nasiino u joogay xeebta dalkaasi, balse isagoo badqaba ayaa halkaas laga soo saaray. Waxa ay aheyd saacadihii hore ee 16 July, markii Erdogan oo guulaystay uu ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Ataturk ee magaalada Istanbul. Afgambigaas waxaa ku dhintay kudhawaad 300 oo qof oo rayid ah kuwaas oo hor istaagay in ciidammadii afgambiga waday ay hammigooda fuliyaan.

Ankara, 16 July 2016: Taageerayaasha Erdogan ayaa si layaab leh uga hortagay afgambi milateri oo xilli habeen ah la sameeyay

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Ankara, 16 July 2016: Taageerayaasha Erdogan ayaa si layaab leh uga hortagay afgambi milateri oo xilli habeen ah la sameeyay

Madaxweynaha ayaa ka soo muuqday taleefishin dalkaas uu leeyahay waxaana ku hareeraysnaa taageerayaal isugu soo baxay magaalada Istanbul, markaas oo uu ku dhawaaqay inuu yahay “taliyaha guud” ee dalkaasi. Balse xanuunka uu dareemayo waxaa laga garanayay markii uu ilmeeyay xilli uu ka khudbaynayay aaska saaxiib ay isku dhawaayeen oo isaga iyo wiilkiisiiba ay toogteen askartii afgambiga samaysay.

Afgambiga ayaa waxaa lagu eedeeyay dhaqdhaqaaqa Gulen waxaana shaqadii laga eryay 150,000 oo qof oo ka tirsanaa shaqaalaha dowladda, halka 50,000 oo qof la xiray, kuwaas oo ay ku jiraan askar, weriyayaal, qareenno, boolis, aqoonyahanno iyo siyaasiyiin Kurdiyiin ah.