Erdogan maku hungoobay booqashadiisii Sacuudiga?

Erdogan

Xigashada Sawirka, Reuters

Telefishinka dalka Sacuudiga ayaa tebiyay in booqashadii madaxweynaha Tukriga Recep Tayyip Erdogan uu toddobaadkii hore ku tegay dalka Sacuudi Carabiya uu isagu dalbaday, taas oo ka hor imaaneysa warkii ka soo baxay dowladda Turkiga ee ahaa in madaxweynuhu uu casuumaad ka helay xukuumadda Riyadh.

Booqashadan ayaa imaaneysa kaddib sanado uu xumaa xiriirka labada dal, tan iyo dilkii sanadkii 2018 qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul loogu geystay weriye Jamal Khashoggi. Hay'adda CIA iyo dowladda Turkiga ayaa aaminsan in Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan uu amray dilka weriyaha.

Warbixin lagu baahiyay kanaalka Al-Ikhbariya ayaa lagu yiri: "Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa yimid Jeddah kaddib markii uu fuliyay rajadiisii ahayd inuu booqdo, iyadoo madaxda Masaajidda Barakeysan ee Boqor Salman ay soo dhoweyn doonaan madaxda dunida Islaamka 10-ka maalmood ee ugu dambeysa Ramadan."

Warbixinta ayaa waxay intaas ku dartay in booqashada, oo ahayd tii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2017, ay ku soo aadday kaddib markii Erdogan "uu ku celceliyay sida uu ugu hanweyn yahay inuu booqdo boqortooyada, taas oo ugu dambeyn lagu guuleystay shan sano kaddib".

Waxaa warbixinta sidoo kale lagu xusay in "booqashada uu aad ugu baahnaa Erdogan, iyo muhiimadda ay u leedahay inuu la hadlo hoggaamiyeyaasha Sacuudiga, si uu u soo celiyo xiriirkiisii dalalka Carabta".

Warkan ayaa ka hor imaanaya kan ka soo baxay dowladda Turkiga ee ah in booqashada Erdogan ay timid kaddib casuumaad uu ka helay dhanka Sacuudiga.

"Waxaynu booqannay Boqortooyada Sacuudi Carabiya annagoo casuumaad ka helnay madaxda Labada Masjid ee Barakeysan. Annagoo ah labo dal oo walaalo ah oo wadaaga taariikh, dhaqan iyo xiriir bani'aadannimo, waxaynu dadaal aan loo kala harin u galeynaa xoojinta dhammaanba xiriirka siyaasadeed, militari iyo kan dhaqaale, iyo inaan billowno waa cusub," ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga rasmiga ah ee barta Twitter-ka uu ku leeyahay Madxaweyne Erdogan.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Kaddib bilooyin ay socdeen dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu hagaajinayo xiriirka, Turkiga ayaa fuliyay mid ka mid ah dalabaadyadii ugu muhiimsanaa Sacuudiga ee horraantii bishan isagoo go'aansaday in maxkamadeynta kiiska Khaashuqji loo wareejiyo Sacuudiga, kiiskaas oo ay ku lug leeyihiin 26 qof oo looga shakisan yahay dilkiisa.

Jamaal Khaashuqji oo 59 jir ahaa waxna ku qori jiray wargeyska Washington Post ayaa lagu dhex dilay gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul 2-dii October 2018, dilkaas oo ka yaabiyay dunida.

Erdogan ayaa ku eedeeyay dowladda Sacuudiga inay amarka dilka bixisay, balse xukuumadda Ankara ayaa intaas kaddib debcineysay codkeeda iyadoo dooneysay hagaajinta xiriirka Sacuudiga oo qyen ka ah siyaasaddeeda cusub ee gobolka oo sare loogu qaadayo dhaqaalaha Turkiga.

Warbixin ay soo saareen sirdoonka Mareykanka sanad kahor ayaa lagu sheegay in Maxamed bin Salmaan uu ansixiyay holwgalka lagu dilay laguna soo qabtay Khaashuqji, balse dowladda Sacuudiga ayaa beenisay in dhaxal-sugaha uu ku lug leeyahay arrintaas.

'Muhiimad weyn oo dhaqaale'

Erdogan

Xigashada Sawirka, Reuters

Erdogan ayaa ka tagay Sacuudiga Jimcihii kaddib booqasho labo maalmood qaadatay oo uu kula kulmay Boqor Salmaan iyo dhaxal-sugaha, wuxuuna Cumrada ku gutay magaalada Maka.

Markii uu ka soo duulayay Sacuudiga, Erdogan ayaa weriyeyaasha u sheegay in dalkiisa iyo Sacuudiga ay rajeynayaan "hagaajinta xiriirka dhaqaale".

"Waxaynu isku raacnay Sacuudiga soo cusbooneysiinta xiriirka dhaqaale iyadoo loo marayo ururro isku keenaya maalgashadayaasheenna," ayuu yiri Erdogan, isagoo aan sheegin maalgashiyada qorsheysan.

Sacuudiga ayaa mamnuucid aan rasmi ahayn ku soo rogay badeecada Turkiga kaddib dilkii Kaashuqji.

Tna iyo bishii Oktoobar 2020, dowladda Sacuudiga ayaa ganacsiyada gudaha cadaadis ku saareysay inaysan xiriir ganacsi la yeelan shirkadaha Turkiga iyo in badeecooyinka Tukriga ay ka saaraan dukaamadooda taas oo saameysay dhaqaalaha Turkiga.

Tukriga iyo Imaaraatka Carabta ayaa soo celiyay xiriirkooda sanadkii hore kaddib muddo 10 sano ah oo uu xumaa, iyadoo sidoo kale Sacuudiga iyo Imaaraatka ay la heshiiyeen saaxiibka Turkiga oo ah Qadar.

Intii ay socdeen dadaallada hagaajinta xiriirka Sacuudiga iyo Turkiga, ayaa waxaa boqolkiiba 25 sare u kacay waxyaabaha uu Turkigu u dhoofiyo Sacuudiga.