Jamaal Khaashuqji: Turkiga oo go'aan aan la fileynin ka qaatay kiiska dilka weriyihii u dhahay Sacuudiga

File photo showing a poster demanding "Justice for Khashoggi" at a protest outside the Saudi consulate in Istanbul, Turkey, on 2 October 2020

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Jamal Khashoggi was murdered by a team of Saudi agents in Istanbul in 2018

Waxaa la hakiyay maxkamadeyn ka socotay dalka Turkiga oo ka dhan ahayd 26 u dhalatay Sucuudiga oo ku eedeysnaa dilka weriye u dhashay Sucuudiga Jamal Khashoggi. Maxkamadeynta ayaa ka socotay Istanbul tan iyo sanaddii 2018-kii.

Garsooraha ayaa sheegay in gal dacwadeedka lagu wareejin doono Sucuudi Carabiya oo horay u diiday inay eedeysanayaasha ku soo wareejiso Turkiga.

Jamal oo u shaqeyn jiray Wargeyska Washington Post ayaa lagu dilay gudaha qunsuliyadda Sacudiga. Dilkaasi oo ay gaysteen masuuliyiin ka tirsan dowladda Sucuudiga ayaa keenay caro ballaaran oo caalami ah.

Maxkamad ku taalla Suciidga ayaa xukun ku riday sideed qof oo aan la magacaabin sanaddii 2019.

Go'aanka garsooraha ayaa yimid ka dib markii wasiirka cadaaladda ee Turkiga u sheegay inuu aqbalay dalab ka yimid dacwad soo oogaha oo ahaa in la joojiyo maxkamadeynta maadama aysan eedeysanayaasha joogin Turkiga. Dacwad qaadaha waxa uu sheegay in masuuliyiinta Sucuudiga ay ballan qadeen inay eedeymaha loo haysta raggani ay qiimeyn donaan marka lagu wareejiyo.

Go'aanka waxaa si kastaba ha haatee aad u cambaareeyay dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqul insaanka.

Hay'adda Amnesty International ayaa ku tilmaantay go'aan siyaasadeed.

Ka bood X boggan, 1
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 1

, Ms Cengiz, oo ah gacalisadii u doonanayd Khashoggi ayaa warfidiyeennada u sheegtay inay go'aankaasi racfaan ka qaadan doonto.

Ka bood X boggan, 2
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 2

Arrintan ayaa timid iyadoo uu Turkigu isku dayaya inuu dib u hagaajiyo xiriirkii uu la lahaa Sucuudiga.

Maxaa ku dhacay Jamal Khashooqji?

Wali ma cadda. Balse Mr Khashoggi ayaa markii cid ugu war dambaysay galay qunsuliyadda Sacuudiga Istanbul 2-dii October sanadkii 2018, si uu ugas oo qaato warqado u oggolaanaya in uu guursado gabadhii u doonanayd ee Hatice Cengiz.

Saraakiisha Turkiga ayaa rumaysan in Khashooqji ay qunsuliyadda ku dhex dileen koox katirsan sirdoonka Sucuudiga, oo ay maydkiisiina meesha ka saareen.

Sucuudi Carabiya ayaa beenisay eedaymahaas, waxayn ugu horrayntii ku adkaysatay in Khashooqji uu safaaradda ka baxay asagoo xor ah.