Erdogan oo sheegay hadal ku saabsan carruurta oo aad looga carooday

Mehmet Ali iyo Erdogan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dhaleecayn ba’an kala kulmaya baraha bulshada, taasoo ka dhalatay talo uu u jeediyay nin la yiraahdo Mehmet Cali oo xisbigiisa ku soo biiray.

Mehmet Ali elebi ayaa dhawaan iska casilay xisbiga ugu weyn mucaaradka Turkiga ee Jamhuuriga wuxuuna ku biiray xisbiga cadaalada iyo horumarinta ee Erdoan horaantii bishaan.

Mehmet Cali ayaa Arbacadii si rasmi ah loogu soo dhaweeyay munsaabadda xisbiga.

Mehmet ayaa xaaskiisa la yimid munaasabadda xisbiga ee lagu soo dhaweynayay. Erdoan ayaa Mehmet waydiiyay imisa caruur ah oo uu dhalay? Isaga oo ka jawaabaya, ayuu u sheegay inuu haysto hal canug.

Kadib markii uu maqlay jawaabta, Erdogan wuxuu u sheegay xaaska Mehmet in ay tahay in carruur badan la helo. Mehmet waxa uu sheegay in xaaskiisa ay dhigato PhD, ayna muhiim u tahay xirfaddeeda.

Erdogan ayaa yiri, "Waa sax laakiin sidoo kale waa muhiim in la kordhiyo tirada carruurta, waxaan rajeyneynaa inay taasi fahantay, bal eeg, xubnaha xisbiga shaqaalaha ee Kurdiyiinta waxay dhalaan 5, 10 ilaa iyo 15 caruur ah.

Madaxweyne Erdogan laftiisu waa aabbe dhalay afar carruur ah.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

Dhammaadka X boggan

Mehmet Cali Silebi, oo 38 jir ah, waa xildhibaan, waxaana uu la soo shaqeeyay ciidammada. Sidoo kale waa duuliye diyaaradeed.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Hayaankiisii siyaasadeed wuxuu ahaa mid siyaasad ahana aad usu beddela. Sannadkii 2018, waxa uu noqday xildhibaan ka tirsan xisbiga Jamhuuriga. Sannadkii 2021, waxa uu ka baxay xisbiga Jamhuuriga waxa uuna ku biiray xisbiga waddani. Intaa ka dib, waxaa bishii February ee sannadkii hore loo doortay xildhibaan madaxbannaan.

Sida laga soo xigtay Greek News, sannadkii 2008-dii ayaa lagu soo oogay dacwad musuqmaasuq, waxaana lagu xukumay 41 bilood oo xabsi ah. Sannadkii 2014-kii ayaa lagu sii daayay xabsiga.

Muuqaal laga duubay wadasheekeysiga dhexmaray Edogan, Mehmet iyo xaaskiisa ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada.

Dhowr hoggaamiye oo mucaarad ah ayaa si kulul u weeraray Erdogan waxayna ku tilmaameen hadalkiisa mid cunsurinima ah. Meral Danish Bestas, oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Turkiga ee taageera Kurdiyiinta, ayaa cambaareeyay hadalka Erdoan.

“Erdogan si fiican ayuu ula socdaa in xubnaha xisbiga shaqaalaha Kurdishka aysan dhalin carruur badan. Erdogan waxa uu u arkaa in carruur badan ay dhalaann xisbiga shaqaalaha Kurdishka fal argagixisanimo, hadalka Erdoan waa mid ka dhan ah Kurdiyiinta oo midab takoor ah.

Xisbiga ra'iisul wasaarihii hore ee Turkiga Axmed Davutoglu ayaa sidoo kale dhaleeceeyay hadalka Erdogan.

Xisbiga Shaqaalaha Kurdida ayaa muddo dheer dalka Turkiga ka waday dhaqdhaqaaq uu ku raadinayo xuquuqdiisa. Xukuumadda Erdogan ayaa ku tilmaantay xisbigan inuu yahay urur argagixiso.

Axmed Dawatogalu waxa uu ka tagay xisbiga Erdogan, waxaanu samaystay xisbi u gaar ah sanadkii 2019-kii.

“Hadaladaadu waxa ay meel ka dhac ku yihiin haweenka iyo xuquuqul insaanka, ilmo kasta oo dhasha waa muwaadin ixtiraam leh oo dalkan u dhashay, Erdogan waxa uu xitaa takoor ka abuurayaa carruurta dhexdooda," ayaa lagu yiri Axmed Dawatogalu.

Erdogan wuxuu horay u daliishaday in Islaamka uu ogalyahay caruur badan.

Mar uu khudbad ka jeediyay Istanbul 2016, Erdoan wuxuu yiri, "Haweenka waxaa mas'uuliyad ka saaran in ay ilaaliyaan caafimaadka dadka Turkiga, waxaan u baahanahay inaan kordhinno tirada farcankeena, dadku waxay ka hadlaan dhimista tirada dadka iyo qorsheynta qoyska laakiin qoyska Muslimka ah ma aqbali karo taas, tani waa wixii Alle iyo Nebigeenu inoo sheegeen, dariiqanna waanu raacaynaa”.