Muxuu ahaa hadalka uu dhibsaday Isiaias Afwerqi ee wasiirkiisa arrimaha dibadda uu ka jeediyey Qaramada Midoobay

Xigashada Sawirka, AND
Hadalka wasiirka arrimaha dibadda ee Eritrea Cusmaan Saalax uu ka jeediyay shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay labo todobaad ka hor ayaa la sheegay in ay ka xumaatay dowladdiisa.
Mas'uul sare oo ka tirsan dowladda Eritrea ayaa khudbad ka jeediyay shirka 80-aad ee Qaramada Midoobay isagoo ku hadlaya magaca dowladda Eritrea. Hadalka Cismaan Saalax, ayaanu ku farxin Isaias Afawarqi.
Muxuu yiri wasiirka Eritereeya ee uu ka xumaaday Isaias?
Warbaahinta Eritrea ayaa si buuxda uga hadashay khudbadii wasiirka arrimaha dibadda ee uu ka jeediyay shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay.
Balse warbaahinta Eritereeya ayaa meesha ka saartay qayb muhiim ah oo ka mid ah hadalka sarkaalka.
Sheekada oo dhan waxaad ka heli kartaa bogga Qaramada Midoobay. Hadalka Cismaan Saalax ayaa ahaa mid ii Isaias u arkay in lagu weeraray dhaleecaynta uu Maraykanka u jeediyo daraadeed.
Sarkaalkan ayaa ugu baaqay Mareykanka inuu ka qaado cunaqabateynta muddada dheer saarneyd Eritrea iyo Cuba.
"Waxaan ku baaqeynaa in si deg deg ah loo qaado talaabooyinka caburinta iyo cunaqabateynta ka dhanka ah Eritrea iyo Cuba" ayuu yiri.
Arrintaas ma aysan ka farxin dowladda Eritrea; sababtoo ah Eritrea waxay dadaal ugu jirtaa sidii ay u wanaajin lahayd xiriirka kala dhexeeya maamulka Trump.
Isaias ayaa la sheegay in uusan dooneyn in la sheego wax ka careysiinaya maamulka Trump xilligan.

Xigashada Sawirka, X
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dublamaasigii hore ee Eritrea Zarasillase Radii Shikr ayaa sheegay in hadalka mas'uulka Eritrea uu keenay dhibaato sababtoo ah cabsi laga qabo inay uga sii dari karto qorshaha Isaias uu ku hagaajinayo xiriirka Mareykanka.
"Khudbadii wasiirka ee Qaramada Midoobay waxay ahayd mid dhib badan sababtoo ah Isaias wuxuu rabay inuu hagaajiyo xiriirka maamulka Trump, waxaana laga yaabaa inuu ka cadhaysiiyo Maraykanka" ayuu yiri.
Dublamaasigii hore ayaa sheegay in hadalka Cismaan Saalax uu la mid yahay aragtida Ishacyaah ee ku aaddan arrimaha caalamiga ah, wuxuuna u sheegay in uu sharraxaad ka bixinayo mowqifka Eritrea ee madasha Qaramada Midoobay.
"Waxay u hadleen sidii in golaha Qaramada Midoobay loo isticmaalayo inuu noqdo cod looga qaado cadaadiska dalalka sida (Eritrea iyo Cuba)," ayuu yiri Zarasillase Radi, oo sheegay in hadalka Cismaan Saalax uusan ahayn wax dhibaato ah.
Wasiirka arrimaha dibadda Eritrea Cismaan Saalax ayaa ku dhaliilay dowladda Mareykanka baaqa uu ku baaqay in laga qaado cunaqabateynta 60-ka sano ah ee saarneyd Cuba.
Isla markii maamulka Trump uu xukunka la wareegay, waxay xoojisay cunaqabateyntii xilligii Biden ee ka dhanka ahayd Cuba.
Dhanka kale, Eritrea waxaa cunaqabatayn saaray Maraykanka iyo Midowga Yurub, sababo la xiriira xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, gaar ahaan ka dib kaalintii ay ku lahayd dagaalkii ka dhacay waqooyiga Itoobiya.
Cismaan Saalax ayaa la sheegay in uu la kulmay la taliyaha ugu sarreeya ee Trump ee arrimaha Afrika, Masad Fares, ka dib shirmadaxeedka Qaramada Midoobay—waxaa la sheegay in la cusbooneysiiyay xiriirka labada dal.
Dhanka kale waxaa xusid mudan in Cusmaan Saalax uu ku guul dareystay in Israa'iil iyo Falastiin uu ku xuso khudbadii uu ka jeediyay shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay.
Hadda ka hor, Isayas Afawarqi iyo Osman Saleh labaduba waxay ka qaybgaleen shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay, waxayna khudbado kala duwan oo ay ka jeediyeen shirka . ayagoo ku taageerayey Falastiin.
Cismaan Saalax waxaa lagu eedeeyay inuu ka gaabsaday inuu si cad uga hadlo xiisadda u dhaxeysa Itoobiya iyo Eritrea ee ka taagan dalka Koonfur Afrika.
Andebirhan Waldagoorgis, oo ahaa safiirkii hore ee Eritrea u fadhiyay Midowga Yurub, ayaa BBC-da u sheegay: "[Waxa uu ku eedeeyay] in aanu kor u qaadin iafafaalaha dagaalka ee ku xeeran Eritrea, isaga oo aan xusin walaaca ay Itoobiya ka qabto Eritrea.
Cismaan Saalax ayaa la sheegay in uu la kulmay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo ay ka wadahadleen ammaanka dalka Koonfur Afrika inkastoo lagu dhaliilay khudbadii uu ka jeediyay Qaramada Midoobay.










