Mareykanka oo war kasoo saaray rag loo heystay weriye 11 sano ka hor lagu afduubtay Soomaaliya

Michael Scott Moore

Xigashada Sawirka, Michael Scott Moore

Qoraalka sawirka, Michael Scott Moore

Mareykanka ayaa dacwad dambi ah kusoo oogay labo nin oo Soomaali ah oo la sheegay inay ku lug lahaayeen tallaabo ay burcad badeed Soomaali ah ku afduubatay weriye u dhashay Mareykanka sanadkii 2012-kii.

Michael Scott Moore oo ahaa weriye ajnabi ahaa oo heystay dhalashada Mareykanka iyo Jarmalka oo ku dhawaad saddex sano magaalada Gaalkacyo afduub loogu haystay ayaa la siidaayay bishii September sanadkii 2014-kii.

Bayaan kasoo baxay xafiiska Xeer ilaaliyaha degmada Koonfureed ee gobolka New York ayaa lagu sheegay in Maxamed Tahliil Maxamed iyo Cabdi Yuusuf Xasan lagu helay dambi ah inay caawinayeen burcad-badeedii afduubatay weriyaha isla markaana ay ahaayeen labadii qof ee muhimkaa ahaa ee doorka weyn ka qaatay afduubkaas.

Michael Scott ayaa 2012-kii laga afduubtay meel u dhow garoonka Gaalkacyo sida ay xaqiijiyeen maamulkii xilliggaas.

"Maanta garsooraha wuxuu dambi ku helay labo qof oo door weyn ka ciyaaray afduubkii in muddo ah lagu heystay Soomaaliya weriye Michael Scott Moore kuwaasoo kal ah, Maxamed Tahliil Maxamed iyo Cabdi Yuusuf Xasan" ayaa lagu yiri war kasoo baxay xafiiska Xeer ilaaliyaha degmada Koonfureed ee gobolka New York.

Mareykanka wuxuu faahfaahin ka bixiyay dambiyada kala duwan ee loo heystay labada qof ee la sheegay inay ka qeyb qaateen falkaas, xafiiska xeer ilaaliyaha gobolka Koonfurta New York ayaa ka dhawaajiyay in Maxamed Tahliil uu xilliggaas ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidanka Soomaaliya kaalinna ka qaaatay in loo handado weriyihii u dhashay Mareykanka ee burcad badeeda qafaalatay.

 Burcad badeeda Soomaalida

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Burcad badeeda Soomaalida

"Tahliil, oo ahaa sarkaal ka tirsanaan jiray ciidanka Soomaaliya, wuxuu ka tagay shaqadiisa si uu u hago burcad badeedii afduubatay Michael Scott, wuxuu qaatay hub isugu jiray qoryaha iyo bambo gacmeed si loogu handado Moore oo gacanta ugu jiray burcad badeeda".

Dhinaca kale, Warbixinta ayaaa lagu sheegay in Cabdi Yuuusuf Xasan oo kamid ahaa mas'uuliyiintii Soomaaliya ee xilliggaas lagu helay dambi ah in burcad badeeda uu ku hoggaaminayay lacagtii madax furashada aheyd ee laga codsanayay qoyska weriyaha si loo sii daayo.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Xasan, oo ahaa wasiirkii arrimaha gudaha iyo amniga ee gobolkii lagu afduubtay Moore wuxuu ku takfiray awooddiisa, wuxuu burcad badeedda u horkacay dadaallo lacago madax furasho ah lagu weydisinayay hooyada dhashay weriyaha".

Xeer ilaaliyaha degmada Koonfureed ee gobolka New York ayaa intaa ku daray in Mareykanka uusan ka hari doonin cid kasta oo dhibaato u geysata muwaadiniintiisa.

"In dambi lagu soo oogay raggan waxay ka dhigan tahay in wakhtiga uu dhacay afduubka iyo masaafada dhulkii arrinta ay ka dhacday ay wax saameyn ku yeelaneyn in cadaallada la horkeeno dadka afduubka dibadda ugu geysta muwaadiniinta Amerikaanka ah si caddaallada ay u helaan dhibanayaasha ay waxyeellada kasoo gaartay weerarkaas ka dhanka ah shacabka Amerikaanka".

Weriye Michael Scott Moore markii lasii daayay sanadkii 2014-kii, waxaa garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo geeyay maleeshiyaad Soomaali ah oo hubeysnaa, xilliggii laga afduubayay Soomaaliya wuxuu cilmi baaris ku sameynayay buug uu ka qoray burcad badeeda Soomaaliya, waxaana xilliggaas waxaa deegaannada lagu afduubtay ka howlgeli jiray burcad badeeda Soomaalida.

Michael Scott Moore wuxuu markii dambe qoray buug uu ugu magac daray ‘977-dii maalmood ay afduubka igu heysteen burcad badeeda Soomaaliya’.