Iiraaniyiin u afduubnaa burcad-badeed Soomaali ah oo la sii daayay
Shaqaalahan ayaa la sheegay inay haatan ku sugan yihiin Itoobiya, ayna dalkood dib ugu laaban doonaan.
Tebin toos ah
Dowladda Libya oo xabbad-joojin la gashay janaraal Xaftar
Xigashada Sawirka, Getty Images
Dowladda uu caalamku aqoonsan yahay ee Libya ayaa ku dhawaaqday
xabbad-joojin ay la saxiixatay janaraalka mucaaradka ah, Khalifa Xaftar.
Madaxa dowladda GNA, Fayez al-Sarraj, ayaa ku amray ciidamada
dowladda inay si degdeg ah u joojiyaan xabbadda.
Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweysay tallaabadaas.
Horraantii sanadkan janaraal Xaftar, oo saldhiggiisu uu yahay
magaalada bariga dalkaas ku taalla ee Benghazi, ayaa ku guul darreystay inuu la
wareego caasimadda Tripoli, kaddib markii Turkiga uu xoojiyay taageerada
milatari ee uu siiyo ciidamada dowladda.
Qaar ka mid ah dhaqaatiirta isbitaallada Nairobi oo shaqo-joojin sameeyay,
In ka badan 300 oo dhaqaatiir ah oo ka howlgala isbitaallada
dadweynaha ee magaalada Nairobi, caasimadda Kenya ayaa sameeyay shaqo-joojin.
Shaqaalaha caafimaadka ayaa doonaya in loo kordhiyo mushaarka
lana wanaajiyo xaaladaha ay ku shaqeeyaan sida in la siiyo qalabka difaaca
qofka (PPE).
Kiisaska ugu badan ee xanuunka coronavirus ee Kenya waxaa laga
soo sheegay Nairobi.
Dhaqaatiirta ayaa sheegay inay u dulqaadanayeen maamulka Nairobi
ee ku shaqada leh adeegyada caafimaadka.
Thuranira Kaugira oo dhaqaatiirta ka tirsan ayaa bartiisa
Twitter-ka ku soo qoray in in ku filan ay dulqaateen shaqaalaha caafimaadka.
Dhaqaatiirta ayaa doonaya tababar iyo qalabka difaaca qofka oo
tayo leh marka ay la macaamilayaan bukaannada Covid-19.
Ma aha markii ugu
horreysay oo ay dhaqaatiirta Kenya shaqo-joojin sameeyaan iyagoo dalbanaya in
mushaarka loo kordhiyo iyo in wax laga qabto xaaladaha ay ku shaqeeyaan.
Dhaqaatiirta, kalkaaliyeyaasha iyo xirfadley kale oo caafimaad
ayaa ku baaqayay in la sameeyo guddi adeegyada caafimaadka ah oo wax ka qabta
dhammaan cabashooyinkooda, balse taas laguma guuleysan.
In ka badan 30,000 oo kiisaska Covid-19 ah oo laga soo sheegay
Kenya, ku dhowaad 700 oo ka mid ah waa shaqaalaha caafimaadka.
Dhowr shaqaalaha caafimaadka ah ayaa u dhintay fayraska.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan
Xudduudihii xirnaa ee dalka Mali oo maanta dib loo furayo
Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, Ciidamada ayaa ballan qaaday in doorashooyin cusub ay ku qaban doonaan "waqti macquul ah"
Saraakiisha ciidamada ee la wareegay xukunka dalka Mali ayaa
ku dhawaaqay in maanta la furayo xudduudaha dhulka iyo cirka dalkaas.
Xudduudaha ayaa la xiray kaddib afgembigii toddobaadkan ka
dhacay Mali.
Hoggaamiyeyaasha afgembiga ayaa sidoo kale sheegay inay wada
hadal kula jiraan madaxda mucaaradka oo ay kala hadlayaan soo magacaabidda
madaxweyne ku meel gaar ah.
Hoggaamiyeyaasha Afrikada Galbeed ayaa sii wada baaqooda ku
aaddan in si degdeg ah loo soo celiyo madaxweynihii xukunka laga tuuray,
Ibrahim Boubacar Keïta.
Urur-goboleedka Ecowas ayaa isaguna sheegay inuu ergo u
dirayo Mali si loo soo celiyo kala dambeynta dastuuriga ah.
Mucaaradka ayaa ku baaqay isu soo bax maanta qabsooma kaas
oo lagu taageerayo afgembiga.
Iiraaniyiin u afduubnaa burcad-badeed Soomaali ah oo la sii daayay
Xigashada Sawirka, AP
Saddex qof oo u dhalatay dalka Iiraan oo u
afduubnaa burcad-badeed Soomaali ah tan iyo sanadkii 2015 ayaa la sii daayay,
sida uu wakaaladda Reuters u sheegay la
taliye sare oo dhanka dembiyada ka dhaca badaha ah.
Raggan ayaa ahaa shaqaalihii ugu dambeeyay ee
saarnaa markabka kalluumeysiga FV Siraj
ee Iiraan laga leeyahay eeafduubka loo haystay, kaas oo ay burcad-badeeddu qabsadeen 22-kii March, 2015.
Qofkii afaaraad ee shaqaalaha ka tirsanaa ayaa
la sii daayay sanadkii hore, maaddaama uu u baahnaa daryeel caafimaad oo degdeg
ah.
"Tani waxay soo afjareysaa muddadii burcad-badeedda
Soomaaliya iyo xanuunka ay dareemaan dadka lagu afduubto Soomaaliya ee
la iska illaabay," ayuu yiri John Steed, oo xiriiriye ka ah hay`ad si gaar
ah loo leeyahay oo caawisa dadka la afduubto, saldhiggeeduna yahay Nairobi,
Kenya.
Steed, oo ah sarkaal sare oo ciidamada Britain ka tirsanaa, isla
markaana sanado ku bixiyay dadaalka sii deynta dadka ay burcad-badeedda ku
afduubtaan Soomaaliya, ayaa sheegay in raggan la sii daayay Sabtidii la soo
dhaafay, haatanna ay ku sugan yihiin dalka Itoobiya oo ay ku sugayaan
baaritaanka coronavirus kaddibna ay dalkooda u safri doonaan.
WHO iyo Unicef oo ku baaqay in dib loo furo iskuullada Afrika
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Dalalka qaar ayaa ardayda ku jirta sanadkoodii ugu dambeeyay u oggolaaday inay imtixaannada u fadhiistaan
Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo hay`adda arrimaha
carruurta u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa ku booqqiyay dalalka Afrika inay
ka shaqeeyaan sidii ayagoo taxadaraya ay dib ugu furi lahaayeen iskuullada,
xilligan oo uu jiro xanuunka safmarka ah ee coronavirus.
Waxay sheegeen in xirnaanshaha daba dheeraatay ee iskuullada
aysan u wanaagsaneyn ardayda ayna ka doonayaan dowladaha inay la yimaadaan hab
looga hortagi karo in xanuunka coronavirus uusan ku faafin iskuullada.
Labada hay`adood ayaa sheegay in xirnaanshaha iskuullada laga
dhaxlay dhibaatooyin ay ka mid yihiin nafaqo-darro, gabdho da` yar ah oo uur
qaaday iyo rabshado.
Xirnaanshaha muddada dheer ee iskuullada ayaa khatar ku ah
mustaqbalka carruurta iyo bulshadooda, sida uu qabo Agaasimah Unicef ee Afrika
Mohamed Fall.
Keliya lix dal oo Afrika ku yaalla ayaa si buuxda u furay
iskuullada, sida lagu sheegay qiimeyn ay WHO iyo Unicef ku sameeyeen ilaa 39
dal oo qaaradda ku yaalla.
Dalalka qaar ayaa furay iskuullada haddana si degdeg ah u xiray
kaddib markii ay kordheen kiisaska coronavirus.
Kuwo kale ayaa keliya u furay ardayda ku jira sanadkoodii ugu
dambeeyay si ay u sameeyaan imtixaanaadka.
Dalalka qaar sida Kenya ayaa gebi ahaanba meesha ka saaray
sanad-dugsiyeedka 2020.
Somalia: Mareykanka oo duqeymo cirka ah ku dilay xubin sare oo Alshabaab ka tirsan
Xigashada Sawirka, COURTESY DVIDS
Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa
sheegay in shalay ay gudaha Soomaaliya ku dileen xubin sare oo ka tirsan kooxda
Al Shabaab.
AFRICOM ayaa sheegay in ninkan oo aan magaciisa la shaacin
uu sameyn jiray walxaha qarxa, isla markaana uu ku howlanaa inuu bamboo ku
tallaalo waddo, kahor inta aan lagu dilin duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacday
meel u dhow deegaanka Kurtun Waarrey, ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Warsaxaafadeed ay AFRICOM soo saareen ayaa lagu sheegay in
weerarkaasi uusan wax dhib ah ka soo gaarin shacabka.
Weerarkii shalay ayaa waxaa sidoo kale gacan ka geystay
ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya sida lagu sheegay warsaxaafadeedka. AFRICOM
ayaa sidoo kale sheegtay in xoogagga Mareykanka ay ku talo jiraan in
mas`uuliyadda ammaanka ay ku wareejiyaan dowladda Soomaaliya.
Puntland oo beenisay in markabka Panama ay burcad badeed aftuubteen
Xigashada Sawirka, AFP
Maamul-goboleedka Puntland ayaa ka hadlay warar soo baxay oo sheegaya in burcad-badeed Soomaali ah ay fduubteen markab laga leeyahay
dalka Panama, kaas oo ka yimid magaalada Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta una soo socday dekadda
Muqdisho.
Injineer Maxamuud Saalax oo ah Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Puntland oo BBC-da u warramay ayaa beeniyay wararka sheegaya in la afduubtay markabka oo ay saarnaayeen 20 shaqaale ah. Wuxuu xusay in ay la soo deristay cillad farsamo uuna ilaa saddex maalmood ku laalaabanayay xeeb u dhow deegaanka Bareeda ee gobolka Bari.
"Xaashaa Lillaah, burcad-badeed goorta noogu dambeysay ma garaneyno, wararka la isla dhex marayo baraha bulshadana sal iyo raad malaha." ayuu yiri wasiirka.
Wasiirka ayaa intaas ku daray in markabka oo markii hore ay dadka deegaanka ka shakiyeen haatan la soo gabagabeeyay baaritaankii lagu sameeyay, isla markaana marka la xalliyo cilladda farsamada uu ku laaban karo halka uu ka yimid.