Mandheera: Isbitaalladii deegaanka oo culeys wajahaya

Xigashada Sawirka, WIKIPEDIA
Muddo toddobaad ka badan waxaa Ismaamulka Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari Kenya ka taagan koronto la'aan saamayn xoog leh ku yeelatay nolosha dadka, ganacsiga iyo goobaha caafimaadka, taasoo ka dhalatay roobabka da'daya ee daadadka wata.
Ismaamulka Mandheera ayaa korontada ay bixiso shirkadda korontada Kenya ee Kennya Power ka dhaliya matoorro waaweyn oo ku shaqeeya naftada kuwaas oo dabka siiya inta badan ismaamulkaasi.
Xaaladda ugu daran ayaa ka taagan goobaha caafimaadka ee Mandheera maaddaama shidaalku uu gabaabsi yahay.
Wasiirka caafimaadka Ismaamulkaas, Maxamed Cali Cumar, ayaa BBC-da u sheegay inay jirto khatar ka dhalan karta arrimahan, gaar ahaan dadka bukaannada ee ku jira cisbitaallada.
“Dadka bukaannada ee meelaha laga soo qaado waxay wajahayaan halis, dumarka dhalaya ee la keeni lahaa cisbitaalka ayaa iyana khatar galaya, waayo gaadiidka gurmadka deg degga ah ma haystaan shidaal ay istcimaaalaan,” ayuu yiri Maxamed Cali.
Waxuu sheegay in korontadu ay baxday iyadoo bukaanno ay ku jiraan qaybta tiyaatarka qalliinka, laakiin matoorrada kaydka ay isticmaaleen. "Waan sigannay marar badan" ayuu BBC-da u sheegay
“Waxaan isku dayeynaa inaan dhaqaatiirta geyno meelaha bukaanno daran ay joogaan sida Ceelwaaq iyo meelo kale, si dadka daran ee meelahaas laga keenayo wax loogu qabto, sababtoo ah shidaalka ayaan saamaxayn in gurmadka degdegga ah ay shaqeeyaan, waayo nafto lagu soo gaaro ma jiraan waayo 280 km qof laga soo qaaday Mandheera lama gayn karo sababtoo ah shidaal looma hayo” ayuu intaas ku daray wasiir Maxamed Cali.
Haddii toddobaadkan uusan magaalada imaan shidaal waxaa la galayaa xaalad adag sababtoo ah magaaladu waxay ka go'antahay dhinac kasta.
Xaaladda cisbitaallada Mandheera
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Mid ka mida dhaqaatiirta caafimaadka ee Mandheera ayaa BBC-da u sheegay in xaaladda cisbitaalladu ku sugan yihiin mid ka mid ah waqtiyadii ugu adkaa ee ay arkaan waayadii dambe
Wuxuu xusay in gabi ahaanba uu istaagay qaybta tiyaatarka qalliinka ee cisbitaalka Mandheera, sababta ugu badanna ay tahay koronto la'aan, iyadoo xaaladdu ka sii daraysay siduu tilmaamay.
“Matoorrada yaalla cisbitaallada waxay maalintii isticmaalaan ilaa lix kun oo liter oo nafto ah, marka hadda kuwa Kenya Power ee korontada bixiya, ayaa labo saacadood soo sii daaya kaliya marka ma samayn karaan qalliin ama xaalad deg deg ah” ayuu dhaqtarku sheegay.
Waxaa jirtay in haweenay uur lahayd oo qalliin u baahnayd loo adeegi waayey sababo koronto la'aana ka dibna loo wareejiyey cisbitaal gaarka loo leeyahay kuwaas oo haysta xoogaa kayd nafta ah, ayuu sheegay.
Sida wasiirka caafimaadku sheegay, waxaa jirtay dawo la gaarsiiyey cisbitaallada Mandheera taas oo loo adeegsaday diyaarad si aysan u go'in dawada.
Ganacsiga oo cakiran

Xigashada Sawirka, CABDIFATAAX NUUNOW
Cabdifitaax Axmed Nuunow oo ka mid ah ganacsatada Mandheera ayaa BBC-da u sheegay in suuqyada ay gabaabsi ka yihiin cunnooyinka quutul daruuriga ah, sida bariiska, burka iyo khudaarta.
“Saddexdii meelod ee wax nooga imaan jiraan waa go'an yihiin, dhanka Kenya waxaa ka imaan jiray burka iyo saliidda, halka Soomaaliya ay inta badan ka imaan jireen iyo dhanka Itoobiya dhammaan waa ka go'an yihiin Mandheera marka xaaladdu waa mid khatar ah,” ayuu yiri Cabdifataax.
Isagoo cabbirayey sida xaaladdu tahay wuxuu xusay Cabdifitaax in halkii xabbo oo yaanyada loo adeegsado cunnada ay marayso konton shilinka Kenya ah, haddana aysan jirin khudaarta taallada gabi ahaanba.
“Sida baahidu tahay waxaa ka dareemaysaa in raashin horey loogu qaatay tuulooyinka ku xeeran Mandheera, hadda dib loogu soo celinayo magaalada iyadoo hafka bariiska uu hore u ahaa 4,000 oo shilin hadda marayo 5,000 oo shilin,” ayuu intaas ku daray.
Roobab xooggan ayaa ka dhowrkii toddobaad ee tagay ka da'ay deegaanno badan oo Ismaamulka Mandheera kuwaas oo jaray waddooyin waaweyn oo isku xira Kenya.













