Waa kuma ninka loo saadaaliyo inuu beddelo Ismaaciil Haniya ee mar geerida ka badbaaday?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhaqdhaqaaqa hubaysan ee Xamaas ayaa waayay hoggaamiyahoodii garabka siyaasadda Ismaaciil Haniyah kaas oo ku dhintay gantaal ku dhacay guri uu ka daganaa magaalada Tehran ee caasimada dalka Iiraan.
Ninkan ayaa door muhima ku lahaa siyaasadda Xamaas, wuxuuna inta badan udub dhexaad u ahaa siyaasadda dibada ee kooxda. Dhimashadiisa ayaa sii kordhisay xiisadda u dhaxaysa Israa’iil iyo Xamaas.
Waddamada caalamka ayaa durba dalbaday is xakamayn deg dega iyadoo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kulan gaara ka yeeshay xaaladda Bariga Dhexe kulankaas oo ay dalbatay dalka Iiraan.
Ilo wareedyo Xamaas ah ayaa sheegay in Khaalid Mishcal, la filayo in loo doorto hoggaamiyaha ugu sarreeya ee kooxda si uu u beddelo Ismaail Haniyeh.
Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas Khaliil al-Hayya, oo fadhigiisu yahay Qatar, isla markaana madax ka ahaa wada-xaajoodyada Xamaas ee wada-hadallada tooska ah ee Qasa kula yeeshay Israa’iil, ayaa sidoo kale suurtogal u ah hoggaanka maaddaama uu yahay mid ay jecel yihiin Iran iyo xulafadeeda gobolka.
Shaac bixii iyo sumayntiii Khaalid Mishcal

Xigashada Sawirka, Reuters
Khaalid Mishcal, oo loo saadaalinayo inuu yahay hoggaamiyaha cusub ee Xamaas, ayaa caan ka noqday caalamka sannadkii 1997-kii, ka dib markii wakiillada sirdoonka Israa’iil ay ku dureen sun taas oo loo arkay isku-day dil oo qorshaysan.
Mishcal ayaa mareyey wado dhexdeed markii wakiilada Musaad ay la eegteen inay sunta ku buufiyaan.
Dadka looga shakisan yahay inay dilka geysteen ayaa waxaa gacanta ku dhigay booliska dalka Urdun.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Netanyahu, oo markaas ku jiray xilligiisii ugu horreeyay ee ra'iisul wasaaraha, ayaa lagu qasbay inuu wareejiyo daawada sunta ah, waxayna dhacdada Mishcal aal u rogtay geesi ka mid ah iska caabinta Falastiiniyiinta.
Dadka looga shakisan yahay inay dilka geysteen ayaa waxaa gacanta ku dhigay booliska dalka Urdun kadib markii Meshaal lagu duray sunta wadada dhexdeeda. Netanyahu, oo markaas ku jiray xilligiisii ugu horreeyay ee ra'iisul wasaaraha, ayaa lagu qasbay inuu wareejiyo daawada sunta ah, waxayna dhacdada Khaalid Mishcal ka dhigtay halyey geesi ah.
Weerarkaas isku dayga dil ah ayaa la sheegay inuu uu amray ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, ayaa ka careysiisay boqorkii Urdun ee xilligaasi Xussein Xussei.
Boqor Xuseen, ayaa ku goodiyey in uu ka baxayo heshiiskii nabada ee u dhaxeeyey dalkiisa iyo Israa’iil haddii aysan ka laaban ficiladaas.
Israa’iil ayaa ogolaatay dalabka boqorka iyadoo sii daysay hoggaamiyihii Xamaas Sheekh Axmed Yaasiin, balse toddobo sano kaddib ayaa Israa’iil ku dishay Qasa.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Israa’iil iyo xulufadeeda galbeedka ayaa Xamaas u arka urur argagixo oo halis ku ah jiritaanka Israa’iil.
Xidhiidhka Mishcal iyo Iran ayaa ahaa mid xumaaday kadib markii uu hore u taageeray kacdoonkii Muslimiinta Sunniga ahaa ee 2011-kii lagaga soo horjeeday Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-asad.
Israa’iil ayaa dishay ama isku dayday in ay disho dhowr hoggaamiyeyaal iyo hawl-wadeenno Xamaas ah tan iyo markii la aasaasay kooxdan 1987-kii xilligaas oo uu socday kacdoonkii ugu horreeyay ee Falastiiniyiinta oo lagaga soo horjeedo qabsashada Daanta Galbeed iyo Qasa.
Meshaal waxa uu udub dhexaad u ahaa hogaanka sare ee Xamaas ilaa dabayaaqadii 1990-meeyadii.
Diidmadiisii dalabyadii Israa’iil
Khaalid Mishcal,waxa uu diiday fikradda heshiis nabadeed oo joogto ah oo lala galo Israa’iil balse waxa uu sheegay in Xamaas, oo sagaashamaadkii iyo 2000-aadkii u soo dirtay Israa’iil dad is-qarxiyey, ay aqbali karto dawlad Falastiiniyiin ah oo ka dhisan Daanta Galbeed, Marinka Qaza iyo Bariga Quddus inay noqoto xal ku meel gaadh ah. xabbad joojin muddo dheer ah.
Waa kuma Khaalid Mishcal?
Khaalid Mishcal, waxaa ku dhashay magaalada Silwad ee daanta galbeed ee dhulka Falastiin xilligii deeganadaas ay hoos joogeen maamulkii Urdun, wuxuu deeganadaas ku qaatay kow iyo tobban sano oo ka mida yaraantiisii ka hor inta qoyskiisu aysan baxsan dalka Kuweyt daanta galbeed sanadkii 1967-dii markii ay qabsatay Israa’iil.
Mishcal aabihis, waxaa uu noqday shaqaale ka shaqeeya beeraha ilaa 1950-meeyadii, wuxuu sidoo kale aabihiisa ahaa nin diinta ku xeeldheeraa.
Mishcal. waxa uu u soo jiitay dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee Islaamka waxana uu ku biiray laanta Falastiin ee Ikhwaanul Muslimiinka Kuweyt isaga oo 15 jir ah.
Wuxuu maaadada Fiisigiska ka bartay jaamacada Kuweyt sanadkii 1974-kii basle Mishcal iyo asxaabtiisa islaamiga ahaa waxay isku dhaceen kooxihii cilmaaniyiinta ahaa ee wadaniga ahaa ee u badnaa ururka ardayda falastiiniyiinta ee jaamacada, waxayna aakhirkii ka go’een inay samaystaan urur arday oo u gaar ah.
Markii uu qalin jabiyay, Meshaal waxa uu ku hadhay Kuwait, halkaas oo uu ka dhigay barista fiisigiska, oo uu weli ka sii mid ahaado dhaqdhaqaaqii Islaamiyiinta Falastiin. Sannadkii 1984kii waxa uu joojiyay waxbarashadii si uu wakhti badan ugu bixiyo shaqadiisa siyaasadeed, taas oo ka koobnayd abaabulka iyo dhaqaale ururinta si uu u dhiso shabakad adeeg bulsho oo Islaami ah oo ku dhex taal marinka Gaza iyo Daanta Galbeed, iyo in la horumariyo awoodaha milatari ee Islaamiyiinta Falastiiniyiint













