Afar dal oo Soomaaliya ku jirto oo ay ka sii dhamaanayaan raashinka la siiyo carruurta nafaqo darradu hayso

Xarun ku taalla degmada Hodan oo ay maamusho hay'adda Save the children

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Xarun ku taalla degmada Hodan oo ay maamusho hay'adda Save the children

Ugu yaraan afar waddan oo Afrikaan ah ayaa waxaa ka dhammaan doona cunno naf-badbaadin ah oo gaar ah oo loogu talagalay carruurta ay hayso nafaqo-xumada ba'an saddexda bilood ee soo socda sababo la xiriira yaraanta ka dhalatay dhimista gargaarka, sida ay dhawaan sheegtay hay'adda Save the Children.

Sahayda ayaa aad hoos ugu sii dhacaysay Nayjeeriya, Kenya, Soomaaliya iyo Suudaanta Koofureed tasoo ah buskutka tamarta sare leh, lowska nafaqaysan ee ridqan ee loo yaqaano Plumpy'Nut iyo cunnada kale ee loo yaqaan (RUTF) oo ah cunno diyaarsan oo isla markiiba la cuni karo, kooxda gargaarka fadhigeedu yahay Ingiriiska ayaa sidaas sheegtay.

"Xilligan ay gaajada adduunka ka jirta cirka isku shareerayso, dhaqaaliha badbaadin kara nolosha carruurta waa la gooyay sababtoo ah gargaarkii dhawaan la jaray," Yvonne Arunga, oo ah agaasimaha goboleedka hay'addaas samafalka ee Bariga iyo Koonfurta Afrika ayaa sidaa tiri.

Save the Children kuma aysan magac dhabin deeq-bixiyeyaal gaar ah ama dhimista maalgelinta bayaankeeda. Xilligan uu madaxweyne Donald Trump xafiiska hayo, Maraykanku wuxuu yareeyay gargaarka bini'aadanimo sanadkan, quwadaha kale ee reer galbeedkana waxay sidoo kale jareen maalgelinta taas oo qayb ka ah dhimista muddada dheer.

Trump ayaa sheegay in dhimista gargaarka bini'aadantinimo loo baahan yahay si loo hubiyo in deeqaha ay la jaan qaadaan ajandihiisa "America First" iyo in dalalka kale ay qaadaan culeyska badan.

Qaar ka mid ah xarumaha caafimaadka ee afartan dal ee Afrikaanka ah ayaa u jeestay daawaynta uu waxtarkeedu yar yahay ee carruurta ay hayso nafaqo-xumada, sida ay sheegtay Save the Children.

Kenya oo lagu qiyaasay 2.8 milyan oo qof inay haysato hubaal la'aan xagga cuntada ah oo aad u ba'an intii lagu jiray xilli roobaadka Maarso-Maajo ee sanadkan, ayaa kaydkeeda la filayaa inuu dhammaan doono bisha Oktoobar, ayay raacisay.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in saadka RUTF ee dalalka Nayjeeriya, Soomaaliya iyo South Sudan uu ku dhammaan doono saddex bilood gudahood.

Saraakiisha dowladda ee afarta dal si degdeg ah ugama aysan jawaabin codsiyo su'aalo lagu weydiiyey.

Caalamka marka la eego guud ahaan, waxaa la filayaa la filayaa in la yareeyo cunnooyinka nafaqada leh ee ay isticmaalaan 15.6 milyan oo qof oo ku kala nool 18 waddan, oo ay ku jiraan 2.3 milyan oo carruur ay hayso nafaqo-xumo ba'an, ayay tiri Save the Children.

Ilmo yar oo la siinayo Lowska nafaqaysan

Xigashada Sawirka, Save the children

Qoraalka sawirka, Ilmo yar oo la siinayo Lowska nafaqaysan
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Jaridda dhaqaalaha ee maamulka Trump ayaa ka tagay 60,000 ilaa 66,000 metrik ton oo cunto ah, oo ay ku jiraan 1,100 tan oo ah buskud la xoojiyay, oo ku xayiran bakhaarro muddo bilooyion ah horraantii sanadkan sida ay tabisay wakaaladda Reuters bishii May.

Save the children wyaa sheegatay in Nayjeeriya ay aad ugu baahan tahay 629,000 sanduuq oo ah cunnada la siiyo carruurta aadka u liita.

Dhinaca Soomaaliya waxay hay'addu sheegtay in kala bar carruurta da'doodu ka hoosayso 5ta sano, ama 1.8 malyan ay macaluul khatar ugu jiraan.

Xukuumadda Maraykanka ayaa goor dambe waxay ogolaatay in 600 oo tan oo Buskut ah ay ku wareejiso barnaamijka qaramada midoobay u qaabilsan cunnaada adduunka ee WFP, laakinse waxay sheegeen inay tahay in la burburiyo ku dhawaad 500 oo tan oo ay sheegeen inay dheceen bishii Luulyo.

Goor sii horreysay ayaa waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanku waxay ku dhawaaqday inay bixin doonto raashinka loo yaqaanno RUTF ee diyaarka ah si loo siiyo in ka badan 800,000 oo ah carruur ay haysato nafaqo darro aad u ba'an, kuwaasoo ku kala nool 13 dal oo ay ku jiraan Naayjeeriya, Suudaan, Kenya iyo jamhuuriyadda dimoqaraadiga ee Koongo.