Lix dal ayuu baaskiil ku dhex maray si uu jaamacaddan u gaaro

Mamadou iyo baaskiilka uu ku dhex safray lix dal

Xigashada Sawirka, MAMADOU SAFAYOU BARRY

Qoraalka sawirka, Mamadou iyo baaskiilka uu ku dhex safray lix dal

Arday ayaa baaskiil ku maray 4,000km oo u dhiganta (2,500 mayl) guud ahaan Galbeedka Afrika, isagoo u dhabar adaygay xabsi iyo kulayl daran, si uu kaalin uga heli jaamacadii uu ku riyoon jiray.

Mamadou Safayou Barry ayaa ka soo kicitimay dalka Guinea isaga oo u ambabaxay Jaamacadda caanka ah ee Al-Azhar bishii May, isaga oo rajaynaya in la aqbalo.

Ardaygan oo 25 jir ah ayaa muddo afar bilood ah baaskiil ku dhex waday dalal ay ka arrimiyaan kooxaha Islaamiyiinta ah iyo kuwo ay xoog ku qabsadeen milatari afgambiyey.

Waxa uu BBC-da u sheegay in uu aad iyo aad ugu faraxsan yahay in la siiyay deeq waxbarasho markii uu ugu dambayn gaadhay Qaahira.

Aabahan xaaslaha ah ee dhalay hal caruur ah, ayaa sheegay in kastoo uusan awoodin in uu bixiyo koorsada Cilmiga Islaamka ee Al-Azhar, ama uusan u duulin Karin Masar, ay sumcadda jaamacaddu ku dhiirigelisay inuu fursad u helo inuu galo safarkii ugu fiicnaa ee uu ku marayo dalalka Mali, Burkina Faso, Togo, Benin, Niger iyo Jaad.

Al-Azhar waa mid ka mid ah xarumaha ugu saameynta badan ee barashada Islaamka Sunniga ah ee adduunka. Sidoo kale waa mid ka mid ah kuwa ugu da'da weyn, oo la aasaasay sannadkii 670.

Mamadou Barry waxa uu ka soo kicitimay gurigiisa “isaga oo raadinaya aqoon Islaami ah” balse waxa uu kala kulmay shaki iyo dhibaato dalalkii uu baaskiilka ku dhex maray.

Dalalka Mali, Burkina Faso iyo Niger, ayaa waxaa ku soo badanaya weerarada ay kooxaha hubaysan ku hayaan dadka rayidka ah, iyadoo afgambiyadii u dambeeyay ay horseedeen xasillooni darro siyaasadeed.

"In loo socdaalo dalalkan aad ayay u adag tahay sababtoo ah ammaan ma haystaan xilligan," ayuu yiri.

"Dhibaatooyin badan ayay qabaan, dadka halkaas ku noolna aad ayay u baqayaan - Mali iyo Burkina Faso dadku waxay ii arkayeen sidii inaan ahay nin xun. Meel walba waxaan ku arkayey ciidamada oo wata qoryo waaweyn iyo baabuur," ayuu yiri Mr Barry.

Waxa uu sheegay in la xiray oo saddex jeer la xabsi la dhigay sabab la’aan – laba jeer oo Burkina Faso ah iyo mar Togo lagu xiray.

Mamadou Barry oo ah qofka dhanka midig ka muuqda ayaa sheegay inuu aad uu faraxsan yahay fursadda uu helay

Xigashada Sawirka, NAHLA ELSEIDY/FACEBOOK

Qoraalka sawirka, Mamadou Barry oo ah qofka dhanka midig ka muuqda ayaa sheegay inuu aad uu faraxsan yahay fursadda uu helay
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Si kastaba ha ahaatee, nasiibka Mamadou Barry ayaa isbedelay markii uu gaaray Chad. Suxufi ayaa waraystay Mamadou oo sheekadiisa ku baahiyey khadka internetka, taas oo keentay in qaar ka mid ah dadka wanaagsam ay u aruuriyaan lacag uu diyaaradda ugu fuulo Masar.

Tani waxay ka dhigan tahay inuu ka fogaaday inuu baaskiil ku dhex maro Suudaan, oo qaybo ka mid ah hadda ay yihiin goobo dagaal.

5tii Sebtembar, wuxuu ugu dambeyntii yimid Qaahira. Go'aan kiisa adag wuxuu ku kasbaday inuu la kulmo madaxa daraasaadka Islaamka, Dr Nahla Elseidy. Ka dib markii uu la hadlay Mamadou Barry, Dr Elseidy waxa uu u soo bandhigay koorsada Al-Azhar ee Cilmiga Islaamka, isaga oo helay deeq waxbarasho oo buuxda.

Madaxa Kulliyadda ayaa baraheeda bulshada ku sheegtay in Jaamacaddu aad u daneyneyso in ay aqoonteeda u soo bandhigto ardayda adduunka oo dhan, falsafadaasi “ma ahan oo kaliya in ay khuseyso ardayda caalamiga ah ee Masar balse waxay ku fidsan tahay dibadda, Al-Azhar waxa ay qaabilaysaa ardayda dalalka oo dhan, waa ay xannaaneysaa. , waxayna siisaa deeqo".

Mamadou Barry ayaa sheegay in uu aad iyo aad ugu faraxsan yahay in uu helay deeqdan waxbarasho.

"Ma cabirir karo farxadda aan dareemayo, Ilaah baan u mahadcelinayaa," ayuu yiri.

Mamadou Barry ayaa intaa ku daray in dhibaatooyinka socdaalkiisa ay yihiin kuwo uu mar hore ilaaway - iyadoo ay masaxday farxadda uu u leeyahay inuu isku magacaabo caalim al-Azhar wax kasoo bartay.

Khariiradda halka uu ka baxay ila halka ay ku taal Jaamacadda uu u socday
Qoraalka sawirka, Khariiradda halka uu ka baxay ila halka ay ku taal Jaamacadda uu u socday