Maxay yihiin taalaaboyinka u furan Soomaaliya inay qaaddo ka dib khilaafkii ka dhashay galitaanka xarunta shirka midowga Afrika

Xigashada Sawirka, AFP VIA GETTY IMAGES
Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya aaya xumaaday ka dib bilowgii bishii Janaayo markii Addis Ababa ay heshiis is afgarad ah ku wada saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland, kaas oo gaaray heerkii ugu sareeyey markii Dowlada Soomaaliya ay ku eedeysay Itoobiya inay ku xad gudubtay Madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Itoobiya inay samaysay tallaabo xurmad darro ah oo ka dhan ah diblomaasiyadda oo ay qaadday Itoobiya ka dib markii is hortaag lagu sameeyey Madaxweynaha Soomaaliya isaga iyo wafdigiisa oo doonayey inay galaan Xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa.
Qoraal ay soo saartay wasaarada arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in talaabadaas ay tahay mid si cad loogu xadgudbay axdiga ururka Midowga Afrika.
Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka mida xildhibaanada Aqalka sare ee Soomaaliya, macallina ka ah jaamacad ku taal Maraykanka ayaa BBC-da u sheegay in wax ka dhacay Addis Ababa ay tahay wax ka fog sharciga diplomaasiyada.
“Tani waxay ka turjumaysaa in Itoobiya doonayso mar kasta inay qab jabiso Soomaalida, Midowga Afrika ayey masuuliyad ka saaran tahay waxa mesha ka dhacay, waan jariimo weyn” ayuu yiri Prof Samatar.
Marka shan meel loo qaybiyo arrimaha xadgububka diblomaasiyada ee lagula kaco madaxweyne ama raysal wasaare, sida maanta dhacday waxay noqonaysaa jariimada kowaad ee lagula kaco dal ayuu BBC u sheegay Prof Cabdi Ismaaciil Samatar.

Xigashada Sawirka, SOCAIL MEDIA
Sidoo kale Cabdirixmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hor inta uusan Madaxweyne Xasan Sheekh u ambabixin safarkiisa Itoobiya sheegay inaysan sinaba sax u ahayn in madaxweynuhu u safro Addis Ababa iyadoo aan la samayn wadatashi uu la yeesho barlamaanka.
“Annaga Itoobiya heshiis naga dhexeeya ma ogayn, waxaan ogayn inay ku soo xadgudbeen dhulkeena iyo madaxbanaanida dalkeena , waana inaan waydiin karnaa madaxweynaha waxaa ku riixaya inuu Addis Ababa shir ugu qayb galo, dowladahu marka xiriirkooda diblomaasiyeed uusan hagaagsanayn waxay hoos u dhigaan matalaada” ayuu yiri Xildhibaan Cabdirixmaan Cabdishakuur.
Cabdirixmaan Cabdishakuur ayaa sheegay haddiiba ay ahayd in shirka la aado in ay ahayd in la diro wasiir oo kale oo maqaamka matalaada hoos loo dhigo.

Xigashada Sawirka, BARAHA BULSHADA
Maxay tahay talaabooyinka u furan Soomaaliya inay qaado
Ka dib xiisada cusub ee ka dhex oogantay Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa muujinaysa sida Muqdisho iyo Addis Ababa ugu kala fogaanayaan khilaafaadkii soo bilowday bilowgii sanadkan.
Sida uu qabo Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo aqalka sare ee Soomaaliya xubin ka ah "waa in dowladu qaaddaa talaabooyin jawaab u noqon kara wixii maanta ka dhacay Addis Ababa".
Profasoorka ayaa BBC-da u sheegay in ay mudan tahay "in la xiro safaaradda Sooomalidu ku leedahay Addis Ababa, loona yeero safiirka iyo diblomaasiyiinta kale ee jooga sidaas oo kalana la eryo safiirka iyo diblomasiyiinta Itoobiya ka jooga Muqdisho".
Tan labaad ayuu ku sheegay inay tahay in dowlada Soomaalida "dalka ka saarto ciidamada Itoobiya ka jooga dalka ha ahaadeen kuwa ku jira ATMIS iyo kuwa kalaba" ayuu BBC u sheegay Prof Samatar.
“Sidoo kale waa in la joojiyaa duulimaadka shrikadda Ethiopian Airlines oo gabi ahaaba la joojiyaa" ayuu yiri Prof Samatar.
Maxaa la gudboon Midowga Afrika?

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES
Addis Ababa ayaa ah xarunta Midowga Afrika sida uu qabo axdiga Ururka, oo ah mid ay wadaagaan dalalka Afrika oo dhan taas oo ilaalisa wadajirka iyo midnimada Afrika.
Sida uu BBC-da u sheegay Prof.Cabdi Ismaaciil Samatar, arrinta inteeda ugu weyn waxay u talaa Midowga Afrika, lagana sugayo inay jawaab ka bixiyaan arintaasi adag.
“Diblomaasiyad ahaan waxaa la sameeyaa ‘ciqaab’ dowlada arintaas ku kacday waa in lagu ciqaabaa inay bixiso raali galin, tusaale ahaan in Ra’iisul wasaraha Itoobiya soo istaago oo raali galin uu siiyo Soomaaliya” ayuu yiri Prof Samatar.
"Tan labaadna waa in Soomaaliya farta ku goddaa in Itoobiya aysan noqon karin xarunta Midowga Afrika taasna waxay Soomaaliya ku helaysaa dowlado badan oo ku taageeraya".
Doorkii Soomaaliya ku lahayd in Addis Ababa Xarun u noqoto Midowga Afrika.
Dhamaadka bishii May 1963 ayaa la asaasay ururka Midowga Afrika oo xiligaas ahaa ‘OAU’ ka dib shir ay Addis Ababa ku yeesheen Soddon iyo laba dal oo xiligaas xor ahaa Afrika.
Soomaaliya ayaa ka mid ahayd dalalkii ugu horreeyey ee xubin ka noqda Ururka Midowga Afrika, isla markaana waxaa Muqdisho lagu qabtay mid ka mid shirarkii ugu muhimsanaa ee AU-da todobaaneeyadii.
Intaas ka dibna kow iyo labaatan dal ayaa ku biiray ururka ilaa sanadihii 2000, ka dibna waxaa loo bixiyey ‘AU’ oo ah Midowga Afrika.
Sida uu BBC-da u sheegay Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, Soomaaliya ayaa codkii ugu danbeyey siisay Itoobiya in Addis Ababa noqoto Xarunta Midowga Afrika.
Midowga Afrika ayaan wali ka hadlin hadalka Soomaaliya iyo sida Itoobiya uga jawaabtay toona.













