Suuriyaanka Hargeysa ku nool: 'Xitaa haddii ay Suuriya nabad noqoto kuma laabanayo'

Qaxooti Suuriyaan ah

Xigashada Sawirka, BBC/Saleebaan Saxansaxo

Qoraalka sawirka, Qaxootiga Suuriyaanka ee Hargeysa jooga
    • Author, Bushra Mohamed iyo Saleebaan Saxansaxo
    • Role, London iyo Hargeysa

Ibrahim Cali waa qaxooti Suuriyaan ah oo ku nool magaalada Hargeysa halkaas oo uu ku leeyahay maqaayad yar oo lagu iibiyo cuntooyinka fudud sida digaagga iyo kabaabka.

Waxa uu Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida yimid sanad ka hor markaas uu ka furtay maqaayad la yiraahdo Ibnu Sham. Hadda 12 qof oo shaqaale ah ayuu maamulaa.

"Xitaa haddii dalkeygu nabad noqdo, dib uma laabanayo," ayuu BBC-da u sheegay kaddib markii uu soo baxay warka sheegaya in taliskii kaligii taliye Bashar al-Assad uu dhacay, isaguna u baxsaday dalka Ruushka.

Ibraahim wuxuu ka sheekeeyay in markii saddexaad uu noloshiisa dib dhisayo ilaa markii uu ka soo tagay dalkiisa. Wuxuu sheegay hadii ganacsigiisu guuleysto in uusan ku laabaneyn Suuriya, xitaa hadii ay nabad tahay "Waa laga yabaa in aan salaan ugu tago qaraabadeyda balse si joogto ah dib uguma laabanayo".

Ilaa iyo 2011-kii, dagaal sokeeye ayaa kala jabiyay Suuriya, kooxo kala duwan ayaa la dagaallamay Assad si ay xukunka uga tuuraan. Kumannaan ayaa ku dhintay iyadoo malaayiin ay ka qaxeen dagaalka dalka ka socda.

Markii dagaalka Suuriya uu ka sii daray, Ibrahim waxa uu qaxootinimo ka raasaday Sudan balse markii uu dagaalka halkas ka bilowday ayuu ka soo tagay.

"Jid kale iima furneyn, waxaan doortay in aan Somaliland imaado sababtoo ah si fudud ayaan fiiso ku helay, waa meel ammaan ah oo ganacsiga ku fiican. Halkan ayaan hadda ka shaqeyneynaa," ayuu yiri.

Ibraahim waxa uu u muuqdaa mid ku faraxsan waxa ka dhacay dalkiisa balse wuxuu sheegay in uu hadda deegaan ka dhigtay Hargeysa.

Somaliland waxay ku dhawaaqday madaxbannaani markii la afgembiyay kali taliyihii hore Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre sanadkii 1991-dii. Inkastoo caalamku aqoonsaneyn hadana waxaa loo arkaa meel nabad ah marka la barbardhigo qeybo ka mid ah Soomaaliya.

Qaxooti Suuriyaan ah

Xigashada Sawirka, BBC/Saleebaan Saxansaxo

Qoraalka sawirka, Milkiilaha maqaayadda Ibnu-sham

Si kasta ha ahaatee, meel aan ka fogeyn waxaa jooga qof kale oo u dhashay Suuriya. Waa Mohamed Haytham Abdu-salaam. Wuxuu sheegay in uu sugu la'ahay in uu ku laabto, xitaa hadii ay booqasho oo kaliya tahay.

29-jirkan qaxootiga ah waxa uu magaalada joogay ilaa 9 sano. Gabar Soomaali ah ayuu guursaday waxa uuna haystaa labo ilmood.

"Ugu horeyn way igu adkeyd in aan barto Afka-Soomaaliga oo aan fahmo dadka, balse ma dareemin in aan ahay shisheeye- waxaan arkay bulsho isoo dhaweysa," ayuu yiri.

"Hadda waxaan ka fakarayaa in aan ku laabto dalkeyga marka wax walba hagaagaan," ayuu yiri Mohamed.

Mohamed Hatham

Xigashada Sawirka, Mohamed Hatham

Qoraalka sawirka, Mohamed Haytham
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Tirada guud ee Suuriyanka ku nool gobollada Soomaaliya lama oga maaddaama aysan jirin diwaan rasmi ah oo la marsiiyo marka ay dalka imaanayaan.

Agaasime ku xigeenka Waaxda Qaxootiga iyo Barakacayaasha, Caydaruus Cismaan Xuseen waxa uu sheegay in Somaliland oo kaliya ay joogaan 1,700 oo ka soo qaxay dagaalka sokeeye kuwaas oo loo diwaangeliyay qaxooti ahaan laga soo bilaabo 20115-kii.

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in xogtan ay la wadaageen hay'adda qaxootiga Qaramada Midoobay UNHCR taas oo taageero dhaqaale qoysaska qaxootiga u soo marsiisa hay'adda qaxootiga.

"Waxay ku xiran tahay sida qoyska u balaaran yahay, UNHCR waxay siisaa halkii qof 74 ilaa iyo 140 doolar bishii, lacgtaas waxay toos ugu dhacdaa bangigooda", ayuu yiri Cismaan Xuseen.

Sida laga soo xigtay hay'adda UNHCR, qaxooti Soomaali ah oo gaaraya 714,390 ayaa jooga dalalka dariska la ah sida Kenya, Itoobiya, Uganda iyo Yemen. Intaas waxaa dheer in barakacayaasha gudaha ay gaarayaan 3.8 milyan.

Qaxootiga Suuriyaanka

Xigashada Sawirka, BBC/Saleebaan Saxansaxo

Qoraalka sawirka, Qaxootiga Suuriyaanka ee Hargeysa jooga

Toddobaadkan boqollaal qaxooti Suuriyan ah ayaa isugu soo baxay bartmaha magaalada Hargeysa si ay ugu dabaaldegaan dhammaadka taliska Assad.

Axadii, ayey kooxda hubeysan ee Hayat Tahrir al-Sham (HTS) ku dhawaaqeen in Bashar al-Assad uu dalka ka cararay kaddib markii weerar kadis ah ay ku qaadeen taliskiisa iyagoo taageero ka helaya kooxo kale oo falaago ah.

Magaalada Hargeysa, rag, haween iyo carruur ayaa waddooyinka isugu soo baxay kuwaas oo sitay calankooda kuna dhawaaqayay: "Alle ayaa weyn, Suuriya waa xor".

In badan oo ka mid ah kuwa dabaaldegayay waxay BBC-da us heegeen in ay rajeynayaan in ay dalkooda dib ugu laabtaan..

Meel ka fog in ka badan 800 oo kiilomitir caasimadda Soomaaliya ee Mudisho, waxaa ku sugan Dr Xassan Abu-Ryad oo ku takhasusay daaweynta ilkaha, wuxuu BBC-da u sheegay in Soomaaliya ay aheyd dalka kaliya ee shuruud la'aan u siiyay ogolaasha uu ku soo galay.

"Markii aan imid Soomaaliya, waxay aheyd markii dalalka kale ka xirteen xuduudaha qaxootiga Suuriya, in Yurub la aadanaha culeys ayey aheyd," ayuu yiri Dr. Xassan.

"Ka sokow in ay nabad tahay, Soomaaliya waxaan kaloo ku doortay in aan ka sameeyo ganacsigeyga, lacag ayaan ka sameynayaa hadda."