BBC oo xog ka heshay geerida fannaanadda Hodan Afrika iyo gabadheeda

Filfil

Xigashada Sawirka, FACEBOOK

Tobaneeyo tahriibayaal Soomaali ah ayaa la sheegay in dooni ay kula degtay jasiiradda Mayotte ee Afrika ku taalla balse uu maamulo Faransiiska.

Dadka dhintay sida la sheegay waxaa ka mid ahayd fannaanaddii caanka ahayd ee Hodan Aadan (Hodan Afrika) iyo gabadh ay dhashay.

Hodan ayaa sanadihii u dambeeyay ku nooleyd magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wax faahfaahin badan lagaha hayo goorta ay rogmatay doonta iyo tirada saxda ah ee saarneyd, balse warar lagu baahiyay baraha bulshada ayaa sheegaya in dhowr iyo labaatan dhalinyaro Soomaali ah ay saarnaayeen doonta oo la sheegay inay ku wajahneyd xeebaha Faransiiska.

BBC ayaa isku dayday inay la xiriirto qoyska Hodan, balse nooma aysan suurto-gelin, hase yeeshee waxaa inoo xaqiijiyay oo aan ka wareysannay Cabdulqaadir FilFil oo ah muusikiiste si dhowna ay iskula shaqeynayeen fannaanadda.

Halkan ka dhegeyso wareysiga Filfil:

Qoraalka Codka, Jasiiraddan ayay ku geeriyoodeen dhalinyaro badan

Dabayaaqadii sanadkii hore ayay ahayd markii 24 qof oo Soomaali ah ay ku dhinteen xeebahaas markii labo doonyood oo ay la socdeen dad u badnaa Soomaali ay ku dageen xeebaha Madagascar, sida ay sheegeen maamulka deegaanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa wadday dadaallo inta badbaadday dib loogu celinayo dalka.

Labada doonyood ee ku qaraqmay xeebaha Madagascar ayaa la sheegay inay la socdeen dad gaaraya 70 qofood.

Maalmo kadib ayaa meel ka baxsan xeebta waqooyi ee Madagascar kana tirsan Badweynta Hindiya laga helay meydadkooda, wararka ayaana sheegaya in cillad dhanka matoorka ah ay ku timid doonyahaan.

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay dhacdadaas iyadoo ka xumaaday musiibada tahriibka ee dhalinyarada.

Maxaan ka naqaan Jasiiradda Mayotte?

Mayotte

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Mayotte waxay 70km (43.5 meyl) u jirtaa mid ka mid ah dalalka ugu saboolsan Afrika - waa jasiiradaha Comoros.

Waa jasiirad ay ku nool yihiin ilaa 300,000 oo qof taasoo qayb ka ah jasiiradaha Comoros ee ka baxsan xeebaha bari ee Afrika.

Comoros waxay kamid ahayd goobihii ay ka talin jireen Faransiiska tan iyo 1975, waqtigaas kadib waxa ay ku jasiiraddani ku dhawaaqday madaxbannaani.

Laakiin Mayotte waxay dooratay inay ka sii mid ahaato Faransiiska, codayn dhacday sanadkii 2009-kii xilligaas oo dadka ay siwayn ugu codeeyeen inay kamid ahaadaan Faransiiska, dadka xilligaas codeeyay ayaa sheegay in dhaqaalaha iyo waxyaabe kale ay ku dooranayaan kamid ahaanshaha Faransiiska.

Sannadkii 201, waxay noqotay waaxda 101aad ee Faransiiska, iyadoo la raacayo aftidii 2009.

Balse sababo la xiriira dhanka qulqulka tahriibayaasha ee in muddo ahba ay jasiiraddu la daalaa-dhacaysay, dowladda Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa qorsheyneysa inay meesha ka saarto qaanuunka lama taabtaanka ah ee sinnaanta ee Faransiiska.

Wasiirka arrimaha gudaha dalkaas Gérald Darmanin ayaa bishii February ee sanadkan booqday jasiiradda wuxuuna sheegay in wax laga beddeli doono xaqa ay dhalashada Faransiiska u leeyihiin dadka ku dhasha Mayotte.

Waa waddan ay u badan yihiin Muslimiin, inkastoo Faransiisku yahay luqadda rasmiga ah, keliya qiyaastii kala bar dadka ayaa akhrin kara ama qori kara luuqadda Faransiiska.