You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxaa lagu heystaa fannaanka caanka ah ee Diddy oo gurigiisa laga helay caagag badan oo saliidda carruurta ah?
Fannaanka caanka ku ah heesaha Hip-hop ee Sean "Diddy" Combs ayaa haatan ku jira xabsi heer federaal dalkaasi Mareykanka waxaana loo heystaa eedeymo la xiriira wax is dama marin iyo xad-gudubyo galmo.
Xiriddiisa toddobaadkii lasoo dhaafay ee magaalada New York ayaa imaaneysa iyadoo dacwado dhowr ah laga gudbiyay oo ku saabsan tacaddi galmo iyo kuwo jir ahaaneed, qaarkood ayaa loo heystaa inuu galay sanadihii 1990meeyadii.
Dacwoodaha 11aad ahna qofkii ugu dambeeyay, Thalia Graves, ayaa sheegtay in Combs iyo ilaaladiisa ay dhulka ku jiideen ayna kufsadeen sanadkii 2001, ayna duubeen dhacdada.
Fannaanka ayaa beeniyay eedeymahaas.
Muxuu ku saabsan yahay kiiskiisa dembi?
Combs, oo 54 jir ah, ayaa Isniintii 16 September lagu xiray hoteel ku yaalla New York isagoo loo heysto eedeymo ah ka been sheegid ganacsi, tacaddi galmo oo xoog ah iyo ka ganacsiga jirka.
Dacwad-oogayaasha heer federaal ee Mareykanka ayaa ku eedeeyay inuu "sameeyay ganacsi dembi ah" halkaasoo uu "tacaddi ugu geystay, ugu hanjabay, haween iyo qaar kale oo u dhowna uu ku qasbay inay u fuliyaan damaciisa galmo, dhowraan sumcaddiisa, ayna qariyaan dhaqankiisa".
Waxay sheegeen in Combs uu isticmaali jiray daroogo, sameynayay rabshado uuna adeegsaday magaciisa inuu "ku dhagro haweenka dhibbaneyaasha ah" inay sameeyaan falal galmo oo anshax-darro ah.
Waxay sidoo kale sheegeen inay guryaha Combs ee ku yaalla Miami iyo Los Angeles bishii March ka heleen qoryo, rasaas iyo in ka badan 1,000 caag oo saliido ah.
Dacwad-oogayaasha ayaa la sheegay inay xiriir la sameeyeen dhowr marqaati oo isaga lasoo shaqeeyay iyo qaar ka mid ah dadka haatan dacweeyay, waxaana laga yaabaa inay jiri karaan eedeymo dheeraad ah.
Fannaankan ayaa beeniyay eedeymaha loo heysto, qareenkiisa ayaana weriyeyaasha u sheegay inuu yahay dagaal-yahan aan ka baqeynin eedeymaha.
Combs ayaa haatan lagu hayaan xabsiga Metropolitan Detention Center oo ku yaalla Brooklyn, oo ah xabsi heer federaal oo lagu eedeeyay rabshad iyo inay ka jirto daryeel-xumo dhanka maxaabiista ah.
Xabsigan wuxuu leeyahay qeyb ammaankeeda aad loo adkeeyay oo loogu talo-galay maxaabiista gaarka ah, warbaahinta Mareykanka ayaana sheegay in Diddy uu qolka la wadaagayo ninka loo heysto wax is daba marin lacagta cryptocurrency-ga ah ee Sam Bankman-Fried.
Kooxdiisa sharciga ayaa doonaya in damaanad lagu sii daayo sababo la xiriira xaaladaha aan wanaagsaneyn ee xabsiga, balse dacwad-oogayaasha ayaa ku doodaya in laga yaabo inuu dalka ka baxsado, iyo in Combs labo jeer loo diiday in damaanad lagu sii daayo.
Haddii lagu helo dembiga, wuxuu wajihi karaa xabsi 15 sano ilaa xabsi daa'in.
Saaxiibta Combs ee mar ay kala maqnaan jireen marna isku soo laaban jireen ee, Cassie Ventura, ayaa markii ugu horreysay soo qarxisay ninkan sheegtay inuu yahay "wiilka xun noloshiisoo dhan".
Dacwad ay bishii November gudbisay, gabadhan iyadana fannaanka ah dharkana xayeysiisa waxay ku sheegtay inuu in ka badan 10 sano ku hayay tacaddiyo, rabshad iyo tacaddi galmo.
Combs ayaa mar walba beenin jiray eedeymaha. Maalin kadib markii eedeymaha la geeyay maxkamadda, ayay labadoodu sheegeen inay ka heshiiyeen wixii dhacay.
Balse bishii May, telefishinka CNN ayaa helay muuqaal ay kaarimada qarsoon duubtay oo muujinaya fannaanka oo tacaddi jireed u geysanaya Ms Ventura sanadkii 2016.
Combs ayaa ugu dambeyn qirtay dhacdadaas kadib muuqaal uu soo dhigay bartiisa Instagram labo maalmood kadib, isagoo sheegay inuu "aad uga xumaaday" wixii uu sameeyay.