Nolosha iyo fankii gabadhii lix jir ka heesaha ka bilowday iyo sida ay u nuurisay fanka Banaadiriga

    • Author, Muna Axmed Cumar
    • Role, Qoraa

Waa sanadihii 80-meeyadii, waana xili maqrib ah iyo magaalada qurxoon ee Muqdisho. Neecawda badda ayaa qaboojisay magaalada, dadka intiisa badana waxa ay ku raaxaysanayaan bannaanka.

Muusiggii quruxda badnaa ayaa ka soo baxaya kooxda fanka oo tumaysa laxanka Banaadiriga, dhawaaq u eeg codka bariga dhexe, balse waxa cawayska quruxda ka dhigay waa gabadha ku labisan dhar dhalaalaya iyo codka quruxda badan ee dahabiga ah; Faadumo Qaasim.

Iyadoo codka xamaasadda leh ee Faadumo Qaasim uu hawada buux dhaafiyay, ayaa dadweynihii isugu soo baxay ay aad ula dhacsanyihiin bandhiggeeda xamaasadda leh.

Fanka Banaadirigu waxa ay si isku mid ah isugu daraan garaacista laxanka, iyagoo abuuraya jawi farxad iyo raynrayn saafi ah.

Laydha hawadda magaalada ayaa ah mid macaan oo la kala qaado, iyada oo dadku ay qoob-ka-ciyaaraan oo ay heesayaan, soona dhaweynaya dareenka firfircoon ee nolol-maalmeedka maggaalada Muqdisho.

Fadumo Qaasim waxa ay caan ku ahayd oo ay aad u jeclaayeen Fanka. Fadumo Qaasim waxa ay ahayd fannaanad hal-abuur leh xilligan.

Kartida gabadhan da'da yar waxay ka dhex jirtay tobankii sano ee fanka Soomaaliya uu ahaa meeshii ugu wacnayd.

Hibada Faadumo Qaasim Hilowle waxa ay ka gudubtay xuduud dhaqameed, iyada oo la falanqeynaysa dhageystayaasha meel walba oo ay joogaan.

Awoodeeda ay kula xidhiidho dhagaystayaasha heer shucuureed qoto dheer ayaa marag u ah fankeeda caalamiga ah.

Haddii ay Muqdisho ku qabanayso ama ay tahay Masrax Caalami ah, Faadumo Qaasim Hilowle codkeeda xamaasadda leh waxa ay sii waddaa in ay raad joogto ah ku reebto cid kasta oo mudnaanta u leh in ay la kulmaan fankeeda.

Faadumo waxaa loo yaqaanay “Faynuuska fanka”. Faadumo waxa ay ahayd qof u gaar ah dhinacyo badan oo kala duwan: Waxa ay lahayd cod dahabi ah, waxa ay qabatay bandhigyo cajiib ah, waxa ay bilawday in ay heesto iyada oo aad u yar, waxa ay ka soo jeedday qoys fannaaniin ah. Aabaheed Qaasim Hilowle waxa uu ahaa fanaan weyn, walaasheed Muslima Qaasim waa fanaanad.

Sidoo kale caruureeda ilma Karaama waa fannaaniin. Aabaheed Qaasim Hilowle waxa uu ahaa abwaan iyo fanaan caan ah.

Heesihiisu waxay u badnaayeen heeso wadani ah, wuxuuna ku heesi jiray saddex luuqadood oo kala ah; Soomaali, Talyaani iyo Carabi. Waxaa aad loogu xusuustaa in uu qaadi jiray heesta calanka Soomaaliya;

‘Soomaliyeey Toosoo

Toosoo isku tiirsada-eey

Hadba kiina taagdaranee

Taageera weligiineey’

‘Soomaaliyeey toosa,

Kaca iskuna tiirsadaa

Ku alla kii kuugu liita

Waligaa waad taageertaan'

Faadumo waxa ay ahayd lix jir markii ay bilowday heesaha, waxayna ka mid ahayd gabadhihii ugu horeeyay ee ka heesi jiray Radio Muqdisho.

Qayb ka mid ah taageerada qoyskeeda, Axmed Naaji; Laxamaystihii weynaa ee Soomaaliyeed iyo fannaaniintii ayaa taageeray safarkii faneed ee Faadumo.

Hibada Faadumo iyo xiisaha ay u qabto muusiggu waxa ay soo shaacbaxday yaraanteedii, waxaana shaki la’aan sooyaalka faneed ee qoyskeeda saamayn ku yeeshay socdaalkeeda faneed.

Markii hore ee ay la soo baxday mihnadda ayaa u saamaxday in ay ka mid noqoto codadka haweenka ee hormuudka ka ah fanka Soomaaliyeed, taas oo saamayn weyn ku yeelatay muuqaalka dhaqanka ee Soomaaliya.

Markii ugu horeysay ee aan maqlo hees Banaadiri ah waxaan isla markiiba ka helay anigoon ogayn in ay tahay hees Banaadiri ah.

Waxaan ogaa inay ahayd hees gaar ah, heestaasi waxay ahayd; “Aaway hee, inankii aan is arkoonaayeey”—Fadumo Qaasim.

Waxa aan jeclaaday heesaha Faadumo aniga oo xiisaynayay codkeeda gaarka ah, nasteexada leh iyo waxqabadkeeda.

Waxa xiiso leh in markii ugu horreysay ee aan arkay bandhig faneedka Banaadiriga ay ahayd markii aan daawaday heesta ‘’Ceelka soo jiidee’’ mar kale Faadumo Qaasim.

Ma ku fikiri karo fanka Banaadiriga anigoon Faadumo ka fikirin. Heesaheedu waxa ay noqdeen kuwo la mid ah nooca faneedka Banaadiriga.

Hibada iyo fanka Faadumo Qaasim ayaa si dhab ah u qabsaday nuxurka fanka Banaadiriga, taasoo ka dhigtay mid taariikhdeeda ku suntan.

Faadumo waxa ay bishii October-2011 ku geeriyootay magaalada London ee dalka Britain.

Sinaba ugama hadli karno inaga oo xusin fanka Banaadiriga iyo abwaaniintii qoray heesah Banaadiriga ah: Qaasim Hilowle, Axmed Naaji, Axmed Shariif, Shimaali Axmed Shimaali, Sulfa, Caasha Cabdoow, Luul Jaylaani, Maki Xaaji Banaadir, Dr Raafi, Aweys Geedoow, C/qaadir Nuuraani, iyo qaar kale oo badan oo dhidibada u taagay fan faneedka Soomaalida.

Ma iloobi karno kooxda caanka ah ee Shareero. Fannaaniintan iyo kooxaha fanka ayaa door muhiim ah ka qaatay baahinta fanka Banaadiriga oo aan ahayn bulshada Soomaaliyeed oo keliya balse xitaa gobollada deriska la ah.

Isku-darkooda gaarka ah ee laxan-dhaqameedka Soomaalida oo leh qalab casri ah iyo habayn ayaa abuuray dhawaaq gaar ah oo weli saamayn ku leh muusigga Soomaalida ee casriga ah ee ilaa maantadana la joogo.

Muusiga Banaadiri waa nooc ka duwan muusiga Soomaalida. Muusiga noocaan ah waxa uu caan ku yahay bandhig faneedka, jilidda iyo laxanka iyo codka gaarka ah.

Laxanka waxaa la rumeysan yahay in ay saameyn ku leeyihiin qaabab farshaxan oo kala duwan gaar ahaan: Kiswahili, Carab iyo Hindi.

Sababta uu bandhiggu door weyn ugu leeyahay fanka Banaadiri waa iyadoo lagu saleeyay bandhig faneedka.

Taariikh ahaan, waxaa la sheegaa in fanka Banaadiriga uu ka soo bilaabay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ee bulshada koonfurta Soomaaliya oo beeraley ahaa.

Beeraleydaasi waxay asal ahaan ka soo jeedaan Bantu; koox laga tiro badan yahay Soomaaliya.

Beeraleydan ayaa markii ay dabaaldaga ku guda jireen isu soo bax ay ku soo bandhigi jireen ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka oo ay wehliso tumashada durbaanka iyo agabka kale ee dhaqanka.

Muddo ka dib, qoob-ka-ciyaarkani waxa ay u xuubsiibteen nooc muusiko ah oo loo yaqaan Banaadiri, oo ay ku astaysan tahay habaynteeda firfircoon iyo hab-dhaqankeeda qoob-ka-ciyaarka tamarta leh.

Maanta, inkastoo ay yihiin bulsho laga tiro badan yahay Soomaaliya, waxa ay wax badan ku soo kordhiyeen qaybaha beeraha, farshaxanka, xirfadaha farsamada iyo muusigga reer Banaadiriga ayaa weli ah mid la jecel yahay oo loogu dabaaldego qayb muhiim ah oo ka mid ah hidaha dhaqanka Soomaaliyeed.

Muusiga iyo Suugaantu waxa ay ka mid ahaayeen, welina ay yihiin Dhaqanka Soomaalida.

Ereyga lagu hadlo, gabayada iyo heesuhu waa il maaweelo, waxbarasho iyo wacyi gelin weyn leh.

Dib u milicsiga bandhigyadii wacnaa ee Faadumo iyo riwaayadaha kale ee faneedka sida Waaberi 'Dib u milicsigoodu waxa ay ku xasuusinaysaa wixii ay Soomaaliya lumisay sanadihii lasoo dhaafay, burburkii ka dib.

Muusigga iyo suugaanta fir-fircoon ee Soomaaliya ma ahayn oo keliya maaweelo balse waxay sidoo kale u adeegtay sidii aalad awood badan oo dhanka muujinta dhaqanka, sheeko-wadaagga iyo wacyi-gelinta.

Waxay kaalin mug leh ka qaadatay kobcinta aqoonsiga iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Nasiib darro, colaado iyo xasillooni la’aan sannado badan soo jirtay awgeed, waxa soo gaadhay hiddaha faneedkan hodanka ah dhibaatooyin aad u dhib badan, taas oo ka dhigta y meel bannaan oo qaranku si weyn u dareemayo.