You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dalkan Muslimka ah ee gabdhaha Xijaaban u diidaya waxbarashada iyo halganka ay haweenku u jiraan inay is-asturaan
Dalkan waxa uu ka mid yahay dalalka tirada yar ee Muslimiinta ah ee soo rogay mamnuucida xirashada xijaabka gabdhaha dhigta dugsiyada
Mamnuucidda ayaa la soo rogay sanadkii 2016-kii, waxaana weli taagan muran xooggan oo ku saabsan arrintan, iyada oo qaar ka mid ah waalidiinta ay isku dayayaan inay difaacaan xuquuqda dastuuriga ah ee caruurtooda ay u leeyihiin waxbarashada.
Doodani waxay ka tarjumaysaa aqoonsi raadinta Kazakhstan ee hoggaanka dalka, in kasta oo ay muujiyeen sida ay uga go'an tahay ku dhaqanka diinta Islaamka ee taxnaha tan maalmihii Soofiyeedka.
Anelia oo da'dadeedu tahay 13 jir dhigta fasalka toddobaad ee Karaganda, ayaa rumeysay riyadeedii, iyada oo ay u suurta gashay in ay ku biirto dugsiga sare ee Nazarbayev Intellectual School.
Dugsiga ayaa loogu magacdaray madaxweynihii hore ee Kazakhstan Nursultan Nazarbayev, qorshaha Anelia wuxuu ahaa inay raacdo wadadiisa oo ay noqoto haweeneydii ugu horeysay ee madaxweyne ka noqota dalkaasi.
Anelia, oo ah gabar dheer, caato ah, ayaa si wanaagsan uga soo muuqatay tartamada waxbarasho ee heer degmo iyo heer qaran, iyadoo gashay kaalinta 16-aad kadib tartan waxbarasho oo ay ka qeyb qateen ku dhawaad 800 oo codsadeyaal arday ah.
Bishii Agoosto ee sanadkii hore waxay iska diiwaan gelisay fasalka koobada ee dugsiga sare, laakiin maalintii ugu horreysay waalidkeed ayaa laga soo wacay taleefanka gacanta si ay u yimaadaan dugsiga waxaana loo sheegay in gabadhoodu aysan awoodi doonin inay halkaas wax ku barato.
Sababta loogu diiday dugsiga waxa ay ahayd xijaabka oo ay bilowday in ay xirato iyada oo 13 jir ah.
Diinta Muslimka ayaa dhigaysa in habluhu ay madaxa asturaan marka ay qaan-gaaraan.
"Markii aan xirtay xijaabkayga ma dareemin wax ka duwan dadka kale, waa uun dhar, wax saameyn ah kuma laha waxbarashadayda ama xiriirka aan la leeyahay ardayda kale ee aan isku fasalka nahay way ku qanacsan yihiin." ayay tiri Anelia.
Dadka ku nool Kazakhstan inta badan waa Muslimiin marka loo eego tirakoobkii 2022.
69% ka mid ah wadarta guud ee dadka Kazakhstan waxay isu aqoonsan yihiin inay yihiin Muslimiin, in kasta oo, sida laga soo xigtay daraasado kale, in ka yar saddex meelood meel dadka Kazakhiyiinta ah ayaa ah kuwa aad ugu ad adag arrimaha diinta.
Madaxweynaha dalkaasi Kassym-Jomart Tokayev waxa uu si cad u muujiyey sida ay uga go’an tahay ku dhaqanka Islaamka.
Mar uu xajka aaday sannadkii 2022-kii oo uu marti qaad afur ah uu gurigiisa ugu sameeyay mas’uuliyiin iyo dadwayne kale ayuu arrimaha kaga hadlay, balse dastuur ahaan, Kazakhstan waa dawlad cilmaani ah.
Tobanaan arday ah sida Anelia oo kale ayaa dhibaatooyin la mid ah kala kulmay Karaganda, oo ah magaalo warshadeed oo ay ku nool yihiin dad u badan kuwa ku hadla luqadda Ruushka.
Bishii Oktoobar, waxaa la shaaciyay in waalidiinta 47 gabdhood oo dhigta dugsiyada ay wajaheen dacwado madani ah ayaga oo lagu eedeeyay inay gudan waayeen mas'uuliyadooda "sida ku cad sharciyada waxbarashada ee Jamhuuriyadda Kazakhstan".
Sannadkii 2016-kii, Wasaaradda Waxbarashada dalkaasi waxay soo saartay awaamiir sheegaysa in " labiska diinta ee koox kasta aan la oggolayn in lagu daro dharka dugsiyada".
Waalidiinta iyo u doodayaasha xuquuqul insaanka, ayaa wax aan la aqbali Karin ku tilmaamay in awaamiir wasaaradeed ay ka sarreeyso dastuurka Kazakh, kaas oo u dammaanad qaadaya muwaadiniinta xuquuqda waxbarasho bilaash ah.
Anelia aabaheed ayaa waydiistay cadeyn ku saabsan sababag gabdhiisa dugsiga loogu diiday xafiiska xeer ilaalinta guud iyo wasaarada waxbarashada, laakiin ma uusan helin jawaab.
Kiisaska ah in waalidiinta lagu ciqaabo xirashada xijaabka ee gabdhahooda ayaa ah arrin muddo soo soctay .

2018- kii gobolka Aktoobe, waalidiinta ayaa lagu ganaaxay "in ay u hoggaansami waayeen shuruudaha dharka dugsiga", halka gobolka Akmola, la isugu yeeray guddi ka tirsan maamulka degmada si ay uga hadlaan arrin la mid ah isla sanadkaas.
"Waxaa jira kiisas badan oo gabdhuhu ay xijaabka iska bixiyaan cadaadis kaga imaanaya maamulka iskuulka dartiisa," ayuu yiri Zhasulan Aitmagambetov oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha "Qaar yar oo ka mid ah way diidaan, laakiin way joojiyaan imaanshaha fasallada” ayuu hadalkiisa si raaciyay.
Xukuumadda Kazakhstan waxay xoogga saartaa dhaqan galinta hanaanka cilmaaniga ah ee dawladda, sidoo kale dastuurka dalkaasi ayaa dammaanad qaaday marka ay ka hadlayo arrinta xijaabka ee dugsiyada.
"Waa inaan mar walba xasuusannaa in dugsigu uu ugu horrayn yahay machad waxbarasho oo ay carruurtu u yimaadaan inay aqoon ka bartaan," ayuu yiri madaxweyne Tokayev bishii Oktoobar"
“Waxaan aaminsanahay inay u fiican tahay carruurtu inay doorashadooda sameeyaan marka ay koraan oo ay yeeshaan aragtidooda adduunka." ayuu hadlkaan sii raaciyay .
"Ma jirto qeexitaan cad oo la taaban karo oo macnaheedu yahay 'dawlad cilmaani ah “ayay tiri Aseltay Tasbulat, oo ah cilmi-baare ku takhasusay cilmiga diinta oo tirsan Machadka Falsafadda, Sayniska Siyaasadda iyo Diinta ee Jarmalka.
Wadamo dhowr ah ayaa soo rogay xayiraad ku saabsan xirashada noocyada qaar ka mid ah dharka dumarka muslimiinta ah ee lagu dhex gashado goobaha dadweynaha,dharkaas ayaa waxaa ka mid ah niqaabka iyo xijaabka .
Waa naadir in dowladda muslim u badan ay sameeyaan mamnuucid noocaas ah, laakiin waxaa horey u sameeyay dalalka deriska la ah Kazakhstan ee , waddamadii hore ee Soofiyeedka ee Uzbekistan iyo Tajikistan.
Dhaqanka ah in arrimaha diinta ay dawladdu gacanta ku hayso ayaa dalka Kazakhstan ka jiray tan iyo xilligii Midowga Soofiyeeti. Waqtigaas, shanta Jamhuuriyadood ee Bartamaha Aasiya waxa ay hoos imanayeen maamulka ruuxiga ah ee Muslimiinta Aasiyada Dhexe (Sdom), kaas oo la aasaasay 1943-kii, looguna talagalay in lagu xakameeyo dhaqdhaqaaqa diimeed.
Xornimada ka dib, maamulka Kazakh wuxuu joojiyay cadaadiskii lagu hayay culimada dalkaasi,.
Ururo diimeed ayaa kobcay oo bilaabay in la dhiso masaajido,ilaa dhowr iyo toban wakhtiyadii Soviet, hadda waxaa jira ku dhawaad 3,000 oo masaajida ah.
Dhanka dawladda Kazakhstan gacan ku haynta diinta waa arrin ku saabsan amniga qaranka, Cilmi-baarayaashu waxay xuseen in tan iyo 2005-tii, oo ay saameyn ku yeesheen dalkaas dhaqdhaqaaqyada Islaamiyiinta ee Waqooyiga Caucasus, Afgaanistaan-pakistan, iyo sidoo kale Suuriya iyo Ciraaq, dhacdooyinka rabshadaha ee xagjiriinta diimeed ayaa ku soo badanaya waddanka.
Sannadkii 2011-kii, Kazakhstan waxay la kulantay qaraxii ugu horreeyay ee ismiidaamin ah, sannadkii 2016-kii, 25 qof ayaa ku dhintay weerarro hubeysan oo lagu qaaday dukaamada hubka iyo saldhig milateri, Madaxweynihii xilligaas, Nursultan Nazarbayev, ayaa ku dhawaaqay in ragga weerarka geystay ay yihiin kuwa raacsan garabka salafiga ah ee Islaamka.
Sannadihii xigay, dawladdu waxay soo rogtay xannibaado kala duwan oo dhinaca arrimaha diinta oo ay ka mid yihiin in dadka qaar ay iska diwaan galiyaan lamaahaa amaanka dowladda.
Dhanka kale Maamulka dugsiga NIS ee Karaganda ayaa diiday inay ka hadlaan cayrinta Anelya, wasaaradda waxbarashadu kama aysan jawaabin codsiyadii BBC-da ee ahaa in ay faallo ka bixiso arrintan.
Aabaha gabdhaan ayaa aaminsan in ceyrinta gabadhiisa ay tahay mid sharciga ka soo horjeeda, wuxuu gudbiyay dacwado ku baaqaysa in la baabi'iyo awaamiirta gudaha ee dugsiga ee mamnuucaya xirashada xijaabka.