Fannaan Yuusuf Xaybaro oo shaaciyay fikir ka duwan ra’yigii Sharma Boy

Yuusuf Maxamuud Maxamed oo loo yaqaanno “Yuusuf Xaybaro” oo ka mid ah fannaaniinta Soomaalida, ahna abwaan iyo Laxamiiste ayaa BBC-da uga warramay waayaha fankiisa iyo noloshiisa.

Isagoo u warramayay barnaamijka Muusigga iyo Salaamaha ayuu sheegay in uusan cid kale oo qoyskiisa ka mid ah uga dayan mihnadiisa faneed.

"Ma jiro wax dhaxal qoys ah oo fankeyga la xiriira dhinaca hooyada iyo dhinaca aabaha labada. Balse hiwaayad buu fanku ii ahaa, waxaana jeclaa in aan mar uun dadka Soomaaliyeed u heeso,” ayuu yiri.

Yuusuf Xaybaro ayaa ku taliyay in wax laga baddalo sida uu ku socdo fanka.

Labo talo oo muhiim ah

Waxa uu soo jeediyay labo talo oo uu ku tilmaamay kuwo wax-ku-ool u noqon kara fanka.

"Fanka maanta wuxuu u baahan yahay labo arrin, oo aan ahayn wax fannaaniinta keliya u yaalla balse u xitaa u baahan in ay dowladuhu ka shaqeeyaan. Midda koowaad oo ah inuu fanku yeesho cuquuqda min guurinta (Copy Right) iyo tan labaad oo ah in fanka la faaf reebo,” ayuu yiri.

Dhanka kale, fannaankan fadhigiisu yahay Muqdisho ayaa dhaliilay qeybo ka mid ah nooca heesaha waayadan dambe la qaado.

Isagoo taas sharraxaya ayuu yiri: "Anigu waxyaabaha aan fanka ka reebi lahaa waxaa ka mid ah heesaha raabka ah ee suugaan la’aanta ah, sidoo kalena ay fannaaniintu noqdaan kuwo aan fanka iska soo gelin oo loo qabto tartan la mid ah kii ay fannaaniintii hore kusoo bixi jireen.”

Sharma Boy

Hase yeeshee fikrad taas gebi ahaanba ka duwan waxaa horay u shaaciyay Sharma Boy oo ka mid ah fannaaniinta ugu caansan Soomaalida oo qaada heesaha raabka.

Mar uu Sharma Boy goor sii horreysay wareysi siiyay BBC-da ayuu sheegay in uu heesihii hore ka door bidayo kuwa raabka ah.

"Aniga waxaan murti u aqaanaa raabka, waana waxa dhallinyarada oo dhan ay rabaan in ay noqdaan,” ayuu yiri.

Fannaankan da’da yar ayaa aaminsan Wuxuu aaminsan in hadal oo dhan uu yahay murti marka laga reebo aflagaado iyo caay.

"Wixii uu qofka fahmi karo, aniga murti baan u aqaanaa. Maanta Raabka iyo heesaha caadiga ah, waxaan murti u aqaanaa raabka", ayuu u sheegay BBC Somali.