AUSSOM: Dalalkee ciidankoodu ay ka mid noqonayaan, muxuuse uga duwan yahay howlgalladii hore ee nabad-ilaalinta?

Midowga Afrika

Xigashada Sawirka, AU

Sanadkii 2007-dii ayey ahayd markii ay tageen ciidamadii ugu horreeyey ee ka socda Midowga Afrika xilligaas oo Soomaaliya ay ka jirtay dowladdii Kumeel gaarka ahayd, howlgalkaas ayaa loo bixiyey AMISOM.

Howlgalkaasi AMISOM ayaa ahaa kii ugu dheeraa oo ciidamo xiran sumadda Midowga Afrika ay kaga howlgalaan Soomaaliya muddo 15 sano ah.

Markii howlgalka AMISOM uu dhammaaday waxaa loo beddelay mid cusub oo ku meel gaar ah oo loo bixiyey Howlgalka Nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS, kaas oo waajibaadkiisu ahaa inuu xoogga saaro sidii amniga dalka ay ula wareegi lahaayeen ciidamada Soomaaliya.

Sanadkii 2022-kii, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa qaraar ku soo saaray howlgalka cusub ee ATMIS, kaas oo isaguna dhammaaday dhammaadka sanadkii 2024-kii.

Howlganka cusub ee AUSSOM ayaa la wareegay hoggaanka ciidamada nabad ilaalinta ee Soomaliya, kaas oo hadda la shaaciyey tirada ciidamada iyo dalalka ay ka kala socdaan

Lataliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya Xuseen Macallin Maxamuud oo la hadlayey telefishinka qaranka ayaa sheegay in la soo gabagabeeyey howlaha howlgallka AUSSOM.

''Maanta waxaa la soo gabagabeeyey howlahaas, oo ay ka mid yihiin shan dal oo shan qaybood kala hoggaamiya oo kala ah Uganda, Kenya, Itoobiya, Jabuuti iyo Masar. Shantaas dal ayaa tiradii iyo goobihii la soo dhammaystiray, maanta marka inaan ognahay howlgalkaasi qaabkuu u howlgalayo ciidamada tiradoda iyo goobihii ay noo dhammaatay" ayuu yiri Xuseen Macallin.

Mar uu ka hadlayey waxa howlgalkan cusub ee AUSSOM kaga duwan yahay kuwii ka horreeyey ee muddada dheer soo shaqaynayey ayuu yiri ''December 2023-kii markii aan New York u joognay qorshaha aan rabnay inaan ku soo afjarno howlagalkan daba dheeraaday ayaa waxaa uu noqday in ciidamnada Afrikaana ah ee dalka joogay qaabka ay meesha u joogayeen ayaan cayinay, tiradii meelaha la joogo oo aad loo yareeyey. Waajibaadkooda loo baddelayey in uun xarumaha kaabayaasha dhaqaalaha loo isticmaalo inay ku ekaadaan iyo meelo ay meelahaas ka difaaci karaan qorshaha howlgalkan," ayuu intaas raaciyey.

Lataliyaha amniga Qaranka

Xigashada Sawirka, SONNA

Qoraalka sawirka, Lataliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Macallim
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Masar ayaa ah dalka kaliya ee ku cusub howlgalka marka loo eego dalalka kale oo horey qayb ugu ahaa howlgalladii ka sii horreeyey ee AMISOM iyo ATMIS.

Axmed Kaboole, oo ah falanqeeye arrimaha ammaanka ayaa sheegay in marka la eego doorka hadda ee Masar ay aad u danaynayso inay samayn ku yeelato Soomaaliya.

''Marka la fiiriyo taariikhda Masar ee ciidamada Afrika mar la eego xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya ilaa dowladihii hore, runtii Masar aad ayey u danaynaysaa inay saamayn ku yeelato Soomaaliya, marka dhanka faa'iidada la eego inay leeyihiin khibrad cidamada, waxay soo biirin karaan waxay tahay tababarradooda qayb ka qaataan waxayna keenaysaa aragtida ay ka leeyihiin siyaasadeed iyo juquraafi ahaan Soomaaliya aad ugu soo dhawaadaan," ayuu BBC-da u sheegay Kaboole.

Howlgalladii kala magaca duwanaa ee Midowga Afrika waxa ay dowladda Soomaaliya ka taageereen sugidda amniga goobaha muhiimka ah ee caasimadda, sida garoonka diyaaradaha, dekadda iyo xafiisyada madaxda sare. Waxaa kale oo ay al-Shabaab ka saartay magaalooyin muhiim ah.

Hase yeeshee, waxaa lagu dhaliilay in aysan wax badan ka qaban wiiqidda awoodda al-Shabaab.