Sida kooxdan ma naxayaasha ah looga dhaadhiciyay in ay 'Jannada' galayaan haddii ay dilaan Muslimiinta iyo Masiixiyiintaba

Kooxda Gacankudhiigleyaasha

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Kooxda Gacankudhiigleyaasha

Koox qarsoodi ah oo gacan ku-dhiigleyaal ah oo hoggaamiyeyaasha Muslimiinta iyo Masiixiyiinta u laayay Xasan Sabah 'Jannat' dartiis.

"Ninkaas marka uu rabo in uu dilo shaqsi saameyn leh, waxa uu doortaa dhalinyarada ugu geesisan." Wuu diri jiray si ay qof usoo dilaan, waxa uuna u sheegi jiray in ay jannada galayaan”.

Hal abuurihii talyaaniga ahaa ee Marco Polo waxa uu buuggiisa ku xusay koox Muslimiin ah oo argagaxisa Masiixiyiinta iyo Musliminta kale ee Bariga Dhexe.

Intii lagu jiray Abriil, 1192-dii, Hoggaamiyihii Montferrat wuxuu isku diyaarinayay inuu u dabaaldego inuu noqdo Boqorka Quddus ee (Lubnaanta maanta). Sida ku cad taariikhda wakhtigaas, waxaa u yimid laba qof oo lasoo diray oo warqad wata. Intay akhrinayeen ayay tooreeyo la soo baxeen oo ku dhufteen.

Marna ma cadda cidda soo dirtay ragga weerarka soo qaaday, balse waxaa la ogaaday in ay gacan ku dhiigleyaal yihiin. Sheekadu waxay dhiirigelisay qorayaal badan, filimaan iyo agaasimayaal telefishan.

Kala qaybsanaanta Muslimiinta

Kaddib geeridii nebiga (NNKH) Muslimiinta waxaa dhex martay dood ku saabsan cidda noqon doonta Khaliifka umadda.

Sida laga soo xigtay Ignacio Gutierrez de Taran, oo ah barafasoor cilmiga Islaamka ka dhiga jaamacada ismaamulka Madrid, tani waxay keentay kala qaybsanaan u dhexeeya Shiicada iyo Sunniga.

Qarnigii 9-aad, mad-habka Shiicadu aad buu u fiday, laakiin markaas waxaa ka dhashay khilaaf hor leh oo ka dhashay habka hoggaaminta kaas oo horseeday aas-aaska dariiqada Ismaaciiliya, waxaana loogu magac daray Imaam Ismaaciil Ibnu Jacfar.

Markii ay sii kala fogaadeen, qayb ayaa ku soo uruurtay amiir la dhihi jiray Nizar, kaas oo ay taageerayaashii walaalkii ka yaraa ku dileen Qaahira, wax yar ka dib markii uu xukunka ku qabsaday Alexandria (Masar).

Naasiriyiintu waxay ku biiriyeen qaybo falsafada Giriigga ah iyo caqiidadooda Islaamka.

Si looga fogaado cadaadis iyo faafinta caqiidadooda, kooxdu waxay samaysteen shabakad dacwooyin ah. Markii uu aqbalay caqiidadaas, Xasan Sabaax, oo ahaa nin dhallinyaro ah oo reer Faaris ah, ayaa aas-aasay ururka Hashasheen, oo ah koox qarsoon oo gacan ku dhiiglayaal ah.

Emilio González, oo ah barafasoor cilmiga Islaamka dhiga kuna sugan Spain, ayaa sheegay in kooxda Hashashinku ay xag-jireeyeen Naasiriyiinta.

Kala qayb sanaan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, .

Dadka deggan buuraha

Naasiriyiintu waxay isku dayeen in ay samaystaan maamulkooda gaarka ah, balse way ku guuldaraysteen. Xasan Sabaax ayaa markaas u dhaqaaqay dhanka buuraha Faaris, wuxuuna qabsaday qasrigii Alamut, oo ku yaallay buuraleyda Alborz oo qiyaastii 100 km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Tehran.

Qasrigan 'aan la dhicin' waxa uu xarun u ahaa shabakad ay Naasiriyiintu isku fidiyeen ee haatan ah Suuriya iyo Lubnaan.

Si uu hadafkiisa u gaaro, Xasan Sabaax waxa uu sameeyay maleeshiyaad aad u tababaran oo weerar ku ah dowladaha Muslimiinta iyo dhulalka Masiixiyiinta si ay u gaaraan hadafyo gaar ah.

Xasan Sabaax

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, .

Emilio ayaa sheegay in 'maadaama aan loo ogolayn in ay la wareegaan awoodda oo aysan haysan awood ay ku xakameeyaan kadib markii ay qabteen, waxay ku weerareen hawlgallo abaabulan. Waxay layn jireen qof kasta waliba si qarsoon.

Taariikhyahanku waxa uu sharraxay in dhaqdhaqaaqa uu hoggaamiyo Xasan Sabaax uusan markaas ahayn caan, balse “uu ahaa mid fikir sare leh oo leh dhaq-dhaqaaq diimeed taasoo keentay xagjirnimo”.

Waxaa jira sheekooyin iyo halyeeyo badan oo ku saabsan ciidankan. Ilaha muslimiintu waxay dhaleeceeyeen nidaamka xubnaha.

Ignacio ayaa yiri, 'Waxaa la sheegay in Xasan Sabaax uu u sheegay maleeshiyaadkiisii in ay galayaan jannada markii uu tababarka ku jiray, kadibna uu qabadsiiyay daroogo. Caleemo ayay cabi jireen amaba calalin jireen.

Hay’adda sirta ah

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Soo iibsashada ama afduubka carruurta beeralayda ah ayaa ka mid ahaa siyaabaha Xasan Sabaax iyo kooxdiisa ay u ballaariyeen safka maleeshiyada.

Marka la qorayo askarta cusub lama bari jirin oo kaliya dagaal iyo dil ee waxaa sidoo kale la siin jiray aqoonta luqadda, dhaqanka iyo caadooyinka magaalooyinka loo diro.

"Waxa uu la mid ahaa dagaalyahannada qarsoon oo yaqaana sida ay isu qarin karaan oo ay iskugu dhex milmin karaan dad kale," ayuu yiri Emilio.

Ignacio wuxuu ku tilmaamay in ay yihiin 'dad wanaagsan oo dhaqan leh' oo yaqaannay caadooyinka iyo xitaa habka ay u hadlaan iyo sida ay u dhaqmaan dadka deggan meelaha ay doonayeen in ay weerarradooda ka fuliyaan.

Gacan ku dhiiglayaasha ayaa awood gaar ah u lahaa in ay si dhuumasho ah ku galaan goobta la weeraray. Waxa ay caan noqdeen sida taxadarka leh ee uu ay u raadin jireen bartilmaameedyada iyo sheekada dilka oo ahayd mid cabsi leh.

Waxay ku daydaan dhaqdhaqaaqyada, lebbiska, afafka, caadooyinka iyo ficillada quruumaha iyo dadyowga kala duwan, sida iyagoo isku ekaysiinaya dharkooda. Waa la dilaa markii la aqoonsado.'

Emilio ayaa ku tilmaamay kuwa daacadda u ah kooxda inay yihiin 'argagixisadii ugu horreysay taariikhda' iyadoo qaar badan oo ka mid ah falalkooda ay fuliyaan maalin cad si ay cabsi ugu abuuraan shacabka.

Waxa uu yiri, “Haddii guddoomiye uu suuqa soo maro isaga oo ilaaladiisa wata, waxa iman kara gacan ku dhiigle meel uu kasoo baxay aan la garaneyn, oo mindi la soo baxay isla markaana qoorta ka jaraya.

Sida laga soo xigtay Ignacio, way wanaagsanayd in la dilo gacan ku-dhiiglayaasha marka la arko si saldhigga hawlgalladani u ahaado qarsoodi.

Qiimaha jannadu waa dhiigaaga

Xasan Sabaax

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, .

Si uu ruux kasta uga dhigo mid isxilqaame ah, Xasan Sabaax waxa uu diinta ku bari jiray qasriga Alamut dhexdiisa. Marco Polo waxa uu buuggiisa ku qoray in qasriga loo dhisay ujeeddo tan lamid ah.

Waxa uu qoray in Xasan Sabaax 'uu ka dhisay inta u dhaxaysa laba buurood iyo dooxo, halkaas oo ay ku taal beer aad u qurux badan. Halkaa waxaa ku yaallay miraha ugu wanaagsan ee dhulka kasoo baxa. Beerta dhexdeeda waxaa ku tiil ilo ay ka soo butaacaan webiyo khamri ah, iyo caano, iyo malab iyo biyo ah, halkaas oo uu ka dhaadhiciyay in ay tahay Jannadii.

“Waxay meeshaas keeneen hablaha ugu quruxda badan adduunka oo ku ciyaari kara dhammaan agabka muusiga oo u heesi kara sida fannaaninta.

Sida laga soo xigtay isaga, 'qofna ma geli karo beerta, kooxdiisa gacan ku-dhiiglayaasha ah mooyee.'

Si kastaba ha ahaatee, markii ay qof ka doonayaan hawl, waxay ka saari jireen daroogada. Kan la soo saaray marka ay ka baxdo daroogadu waxaa loo sheegi jiray haddii uu doonayo in uu ku noqdo jannada in uu sameeyo wax kasta oo laga doonayo.

Marco Polo waxa uu qoray in uu qofku aqbalayay hawshan sababtoo ah 'qofna ma rabo in uu jannadan isaga tago'.

Marco Polo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Marco Polo

Labaatan sano oo dil ah

Amarka Nizari waxa uu socday 166 sano. Dabadeedna cadawgoodii Mongols ayaa baabi’iyey.

Ignatius wuxuu sharaxay in Mongols ay ahaayeen khatar weyn. Way ka arxan badnaayeen oo waxay ka yimaadeen meel u dhow oo galbeed ka xigta. Markaa Naasiriyiintu waxay isku dayeen inay heshiis la galaan, laakiin way ku guulaysan waayeen.

Genghis Khan oo uu awoowe u yahay Halaku Khan ayaa ciidankiisu waxa ay dhulka la simeen qasrigii si aan la qiyaasi Karin.

Laakin intaas ka hor waxaa la dilay hogaamiyayaal badan oo Muslimiin iyo Masiixiyiin ah oo ay dileen gacan ku dhiiglayaashan.

Sida laga soo xigtay Ignasio, Suldaan Saalaxudiin Ayuubi waxa uu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii Muslimiinta ee ay gacan-ku-dhiiglayaashan isku dayeen inay dilaan, laakiin waxa uu nasiib u yeeshay inuu naftiisa badbaadiyo oo markii dambe loo aqoonsaday inuu yahay mid ka mid ah shakhsiyaadka ugu muhiimsan taariikhda Islaamka. Waxa uu Qudus dib ugu soo celiyay Muslimiinta qarnigii 12aad.