Sida ciidamada Israa'iil ay ku heleen godkii ugu weynaa ee Xamaas iyo inta uu la'egyahay

Xigashada Sawirka, Reuters
Ciidamada Israa’iil ee dagaalka kula jira Xamaas ayaa sheegay in ay heleen god ka sameysan shamiito iyo biro aadna u weyn, qiyaasta godka oo lagu tilmaamay mid aad u weyn ayaa loogu talagalay in ay maraan gawaari ay saaran yihiin dagaalyahannada Xamaas ee ka yimid Qasa ilaa xadka.
Burburinta ama baabi’inta boqollaal kiiloo mitir oo marinnada dhulka hoostiisa ah iyo dhufeysyada ayaa ka mid ah ujeeddooyinka weerarka Israa'iil ay billowday kadib markii rag hubaysan oo Xamaas katirsan ay dil iyo afduub ka geysteen magaalooyinkeeda koonfureed iyo saldhigyada ciidamada 7-dii Octoobar.
Goobaha ay Xamaas weerarrada ku garaacday waxaa ka mid ah marinka Erez ee xadka Qasa iyo Israa’iil.
Meel 100 mitir u jirta dhanka koonfureed ee isgoyska, oo lagu qariyay godad ciid ah, ayay ciidamadu tuseen warbaahinta, waxa ay muujiyaan halka laga galo iyo halka laga baxo iyagoo ku sheegay mid kamida mashruucyada Xamaas.
Godka ayaa waxa uu si qoto dheer hoos ugu qodan yahay 50 mitir, halkaa dheerar ahaan uu ku fidsan yahay ilaa 3 mitir oo dherer iyo ballac ah.
Waxa uu godku leeyahay qalab koronto sida ay muujinayaan muuqaallada lagasoo duubay, kuwaas oo loogu tala galay in ay ciidamadu isticmaalaan.
Afhayeenka guud ee milatariga Rear Admiral Daniel Hagari ayaa dhererka godka ku tilmaamay 4 km oo ku filan in lagu gaaro waqooyiga magaalada Qasa, oo mar xuddun u ahayd maamulka Xamaas oo hadda ah goob dagaal oo burbursan.
Waxa uu ahaa, "godka ugu weyn ee aan ka helnay Qasa, kaas oo loo qorsheeyay in lagu beegsado isgoyska Erez," ayuu yiri Hagari, isagoo aan sheegin in ay Xamaas u adeegsatay weerarkii 7-dii Octobar.
"Malaayiin doollar ayaa lagu maalgeliyay dhismaha godkan, waxay qaadatay sanado in la dhiso bohoshan intaa la’eg gawaariduna waa ay dhex mari karaan”.
Guud ahaan godadkii ay ciidamada Israa’iil tusi jireen warbaahinta kadib marka lasoo helo, waxay ahaayeen kuwo ciriiri ah oo aad u hooseeya, iyadoo loogu tala galay dhaqdhaqaaqa hal qof oo ragga hubeysan ah isla markaana lugeynaya.

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Godadku waxay caqabad ku noqdeen injineerrada Israa'iil, iyagoo ka walaacsan in lagu qariyo la haystayaasha ay Xamaas gacanta ku heyso. Taasi waxay hoos u dhigtay duullaanka khasaaraha badan ee dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta ka soo gaaray quwadaha adduunka.
Hagari ayaa weriyeyaasha u soo bandhigay muuqaal Maxamed Sinwar ah kaas oo la dhashay hoggaamiyaha Xamaas Yaxye Sinwar iyo isaga oo ah sarkaal sare oo ka tirsan kooxda, isagoo ku fadhiya kursiga rakaabka ee baabuur uu sheegay inuu ku dhex waday gudaha godkan weyn ee haatan la helay.
Oktoobar 29-keedii, shabakada wararka ee Israa’iil ee Ynet ayaa sheegtay in ciidamada ay dileen dhowr nin oo hubaysan oo weeraray Erez kadib markii ay ka soo galeen aagga god weyn. Xafiiska Hagari kama jawaabin su'aal ku saabsan in taasi muujineyso godkan haatan la helay iyo in kale.
Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa sidoo kale sheegay in ay heleen tiro badan oo hub ah oo ku kaydsanaa godka hoostiisa.
Sannadkii 2013 milateriga Israa’iil waxay heleen god dhererkiisu yahay 1.6 KM, qotadiisuna tahay 18 mitir kaasoo saqafkiisa sare iyo darbiyadiisu ay shub yihiin. Wuxuu ka soo baxayey marinka Qasa, wuxuuna soo gaarayey beero dhinaca Israa’iil ku yaalla. Waxaa laga warhelay markii dadka deegaanku ay maqleen sharqan aan caadi ahayn oo godkaas ka soo baxaysay.

Xigashada Sawirka, Reuters
Godadka Qasa gudaheeda ku yaalla badankood waxaa la rumaysan yahay in ay gaarayaan 30 mitir, ayna meelo laga galo ku leeyihiin meelaha ka hooseeya guryaha, masaajidda, iskuullada iyo dhismayaasha kale ee dadweynaha, waxaana loo dhisay si aan mintidiinta loo qaban.
In god la dhiso kharashka ku baxa waxaa la sheegay in uu ka yimaado dadka deegaanka. Milateriga Israa’iil wuxuu Xamaas ku eedeeyey in malaayiin doolar oo Qasa la siiyey ay u leexiyeen inay ku bixiyaan godadka, iyo tobanaan kun oo tan oo shamiinto ah oo loogu tala galay in dib loogu dhiso guryihii ku burburay dagaalladii hore.
Waxaa aad loo aaminsan yahay in godadkaas xudduudda ka tallawsan ay xamaas isticmaaleen markii ay Sabtida weerarka kuqaadeen Israa’iil.













