Waxa la isku afgartay ilaa iyo hadda kulankaii Qatar ee DR Congo iyo Rwanda

Xigashada Sawirka, Qatar's Ministry of Foreign Affairs
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo Félix Tshisekedi iyo dhiggiisa Rwanda Paul Kagame ayaa ku baaqay "xabad joojin degdeg ah" oo laga sameeyo bariga DR Congo, ka dib markii ay wadahadalo toos ah ku yeesheen Qatar.
Waa markii ugu horreysay oo laba hoggaamiye ay kulmaan tan iyo markii fallaagada M23 ee Rwanda ay taageerto ay kordhiyeen duullaanka gobolka, halkaas oo maamulku sheegay in 7,000 oo qof lagu dilay tan iyo bishii Janaayo.
Ma cadda in M23 ay u hoggaansami doonaan baaqa xabbad joojinta, ka dib markii fallaagada ay diideen inay ka qaybgalaan wadahadal nabadeed oo Angola ka dhacay Talaadadii.
DR Congo ayaa ku eedaysay Rwanda inay hubaysay jabhadda M23 oo ay ciidamo u dirtay si ay u taageeraan fallaagada dagaalka kula jira. Marka laga yimaado hadalka Qaramada Midoobay iyo Maraykanka, Rwanda waa ay diiday inay taageerto M23.
Rwanda ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay iska difaacayaan ciidamada DR Congo iyo maleeshiyaadka xulafada la ah. DR Congo waxa ay sidoo kale Rwanda ku eedaysay inay si sharci darro ah uga faa'iidaysanayso macdanteeda bariga dalkaasi, taas oo Rwanda ay sidoo kale beenisay.
Bishii Disembar ee lasoo dhaafay, wadahadallada nabadeed ee ay garwadeenka ka ahayd Angola ayaa burburay ka dib markii Rwanda ay dalbatay in dowladda DR Congo ay si toos ah ula hadasho M23.
Kooxda fallaagada ayaa markaas si degdeg ah horumaro u sameeyay, iyagoo la wareegay gacan ku haynta laba magaalo oo muhiim ah - Goma iyo Bukavu - labadii bilood ee la soo dhaafay.
Sida lagu sheegay war-murtiyeed ay wada jir ah ay ay baahisay wasaaradda arrimaha dibadda Qatar Salaasadii, labada madaxweyne ee Afrikaanka ahi waxay dib u xaqiijiyeen inay ka go'an tahay xabbad-joojin degdeg ah oo shuruud la'aan ah, balse ma cadda sida ay taasi u dhaqangeli doonto ama loola socon doono.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Madaxda dowladaha ayaa markaas isku raacay in loo baahan yahay in la sii wado wada-hadalladii ka billowday Dooxa si loo sameeyo aasaas adag oo lagu helo nabad waarta," ayay lagu yiri warka.
Kulankaan ayaa dad badan la yaab ku noqday iyadoo labada mas'uul ay u muuqdeen kuwo meel uga soo wadajeesanay khilaafka oo inta badan baraha bulshada laga dareemo marka ay hadalo adag is waydaarsadaan.
Iyadoo la xaqiijinayo wada-hadallada ka socda caasimadda Qatar, madaxtooyada Rwanda waxay ku adkaysatay bayaan gaar ah oo ay soo saaratay in wadahadallada tooska ah ee DR Congo iyo M23 ay "furaha u yihiin wax ka qabashada sababaha khilaafka".
Madaxweyne Kagame ayaa muujiyay sida uu u aaminsan yahay in "dhammaan dhinacyadu ay wada shaqeeyaan, si ay arrimuhu si degdeg ah ugu socon karaan".
Af hayeenka madaxtooyada DR Congo Tina Salama ayaa sheegtay in wadahadalka uu bilaabay Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, iyada oo ku sifaysay wadamada khaliijka kuawa "isbahaysi istiraatijiyadeed u ah labada wadan".
War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada, ayay xukuumadda Kongo ku sheegtay in kulanku uu astaan u yahay tallaabadii ugu horreysay ee saldhig u noqon lahayd nabad waarta oo ka dhacda aagga, iyadoo ka dhawaajisay in wadahadallo kale la yeelan doono.
Kulanka labada mas'uul ayaa ku soo beegmaya iyadoo isku daygii hore ee la doonayay in la isugu keeno dowladda DR Congo iyo fallaagada M23 si ay wada-hadallo nabadeed u yeeshaan uu fashilmay.













