Isbadalkii ganacsi ee ugu waynaa dunida muddo qarni ah ayaan cagta saaranay - Tifafaraha arimaha dhaqaalaha ee BBC

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Faisal Islam
- Role, Tifaftiraha arimaha dhaqaalaha
Saamaynta canshuurahan ku yeelan doonaan dhaqaalaha adduunka ayaa noqon doona mid aad u weyn.
Waxaa lagu cabiri karaa arrintaan jaantuska ku qoran shaxda dakhliga canshuuraha Maraykanka oo u boodaya heerar aan la arkin muddo qarni ah – oo ah kuwa ka baxsan kuwii la arkay intii lagu jiray mudadii loo yaqaanay ilaalinta sare ee 1930-meeyadii.
Waxa ay sidoo kale sababeen hoos u dhac habeen gudihii ku yimaada suuqyada saamiyada, gaar ahaan kuwa Aasiya.
Laakiin qiyasaadka isbeddelladani waxay noqon doonaan kuwa si dhab ah u yimaada oo saameeya waddooyinka caalamiga ah ee ganacsiga.
Sida caadiga ah, tani waa canshuur caalami ah oo gaarsiisan 10% taas oo dul saaran dhammaan alaabada loo soo dhoofiyo Maraykanka taas oo dhaqan galaysa habeenka Jimcaha. Intaa waxaa dheer daraasiin "dambiilayaasha ugu xunxun ah" oo lagu soo rogi doono canshuuro ciqaab ah maadaama ay soo dhoofiyaan badeecooyin ka badan kuwa loo dhoofiyo dalalkooda.
Canshuruaha lagu soo rogay wadamada Aasiya runtii waa kuwo cajiib ah. Waxay jebin doonaan nidaamyada ganacsi ee kumanaan shirkadood, warshado, iyo xitaa sida suuragalka ah quruumo dhan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qaar ka mid ah nidaamyada wax daabulo ee ay abuuraan shirkadaha waaweyn ee adduunka ayaa isla markaaba hakan doona. Saamaynta lama huraanka ah ayaa hubaal ah inay ku riixi doonto Shiinaha.
Kani ma wada xaajood weyn baa? Hagaag maamulka Maraykanku wuxuu u muuqdaa inuu dalbanayo dakhliga canshuuraha ee la saaro badeecooyinka la soo dhoofito, si uu u fuliyo qorshahiisa canshuur dhimista. Baaxadda dib u habayn degdeg ah oo la sameeyo waxay u egtahay mid xadidan. Balse sida mid ka mid ah saraakiisha Aqalka Cad uu si bareer ah u yiri: "Tani ma ahan gorgortan mid laga galayo, ee waa xaalad degdeg ah oo qaran".
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ujeedada siyaasadda Teump ayaa ah in la helo hoos u dhaca ku yimaada badeecadda loo soo dhoofiyo Maraykanka heer ay ka gaarto "eber". Tani waxay wax wayn ka badali doontaa dhaqaalaha adduunka.
Laakiin in isbadalo rasmi ah ay dhacaan oo ay warshaduhu qorshooyin cusub la yimaadaaan ayaa waxay qaadan doontaa sanado. Canshuuraha culus ee lagu soo rogay Bariga Aasiya ee gaaraya 30 ama 40% waxay si dhakhso ah u kordhin doonaan qiimaha dharka, alaabta lagu ciyaaro iyo elektiroonigga.
Su'aashu hadda waxay tahay sida dunida kale uga jawaabto.
Waxaa jira fursado qaar ka mid ah macaamiisha Yurub ay uga faa'iideysan karaan arrintaan maadaama badeecooyinku ay toos ugu imaan doonaan. Dharka iyo elektiroonigga ayaa ugu imaan doona qiimo jaban. Marka laga yimaado Maraykanka oo ka fikiraya gudaha dalkiisa oo kaliya, wadamada kale ee waawayn ayaa haysta fursad ay iyagu diiradda ku saaraan ganacsiga ay wadaagi karaan in ay xiriirkooda xoojiyaan.
Sida ku dhacday shirkadda Tesla oo kale, dowladda isbadaleeda oo kaliya ma ahan waxa qaabeynaya ganasiga. Macaamiisha ayaa iyaguna door leh, oo badali kara habdhaqanka wax iibsigooda. Macamiisha ayaa iyaguna dhankooda awood ka helaya baraha bulshada oo ay adeegsan karaan, waxaana ay u egtahay in tani noqoneyso dagaal ganacsi oo baraha bulshada ka dhaca.
Europe ayaa sidoo kale door u leh in ay go'aansato iska joojinta badeecooyinka shirkadaha Maraykanka ee caanka ah ee dunida oo dhan laga jecel yahay.
Awoodsheegadka shirkadaha waaweyn ee bixiya adeegyada baraha bulshada ee Maraykanka ayaa laga yaabaa in la wiiqo.
Sidoo kale, dowladda Maraykanka ayaa laga yaabaa inay kor u qaaddo heerarka dulsaarka si ay ula tacaasho sicir-bararka soo socda.
Waxay u egtahay in aan la huri doonin dagaal ganacsi oo qarriban oo dunida oo ka dhaca.













