Sida Soomaalida Kenya ay ugu kala codeysay Raila iyo Ruto

Qaar kamid ah Soomaalida Kenya ku guuleystay

Xigashada Sawirka, Facebook

Qoraalka sawirka, Qaar kamid ah Soomaalida Kenya ku guuleystay

Soomaalida Kenya ayaa u kala codeeyay musharraxiinta madaxtinimada doorashada Kenya, waxay u muuqaataa in gobolka Waqooyi Bari Kenya uu ku horreeyay Ra’iisul Wasaarihii hore Raila Odinga, sida ku cad natiijada uu shaaciyay guddiga doorashada Kenya.

Waxaana gobolka laga soo doortay xildhibaanno kala duwan oo kasoo jeeda labada isbaheysi ee ugu weyn siyaasadda Kenya ee kala ah Azimio la Umoja iyo Kenya Kwanza ee ku tartamayay doorashadii dhawaan dhacday.

Inta badan deegaannada gobolka Waqooy bari waxaa ku horreeyay isbaheysiga Azamio ee uu hoggaamiyo Raila Odinga oo kamid ahaa musharraxiinta ugu cad cad.

Tusaale ahaan, Raila Odinga wuxuu Gaarisa ka helay boqolkiiba ku dhawaad 79 codadka la dhiibtay halka Wajeer iyo Mandheera uu ka kala helay boqolkiiba 56 iyo 71 sida ay u kala horreeyaan.

Dhinaca kale, William Ruto wuxuu helay Garissa, Wajeer iyo Mandheera ka kala helay codadkii la dhiibtay boqolkiiba, 20, 43 iyo 27 sida ay u kala horreeyaan.

Dhammaan guddoomiyeyaasha saddex gobol ee Waqooy Bari ku guuleystay waxay kasoo jeedaan isbaheysiga siyaasadda ee Raila Odinga.

bbcb

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta caanka ah e eku soo baxay xisbiga Raila odinga uu hoggaamiya:

Faarax Macalin-Waxaa muddo toban sano ah kaddib loo doortay xildhibaanka degmada Dhadhaab ee gobolka Waqooyi-bari Kenya, wuxuu ku tartamayay xisbiga uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaarihii hore Raila Odinga.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Faadumo Cabdi Jeexow- waxay ku guuleysatay kursiga wakiilka haweenka ee Wajeer, waxay ka guuleysatay ugu yaraan 10 gabdhood uu xilkan kula tartamayay oo ay ku jirta ahweenydii horay xilkaasi u haysay, Faaduma Geedi. waxay ka tirsa tahay xisbiga ODM ee isbaheysiga ee Raila Odinga.

Maxamed Aadan Khaliif- wuxuu ku guuleystay kursiga barasaabnimo ee maamulka Mandheera, wuxuu ka tirsan yahay xisbiga UDM ee ka tirsan Azimio, wuxuu doorashada kaga adkaaday ilaa saddex musharrax oo la tartameysay.

Cabdul Khaadir Maxamed Yuusuf Xaaji-wuxuu ku guuleystay sanatarka Gaarisa, wuxuu ka tirsanaa isbaheysiga uu horkacayo Raila Odinga.

 Junet Maxamed- waa nin si weyn ugu dhaw Raila Odinga, wuxuu ka tirsan yahay isbaheysiga Raila Odinga ee Azimio, wuxuu markii saddexaad ku guuleystay kursiga xildhibaanimo ee deegaanka baarlamaaneedka Sunna ee ka tirsan Migori Galbeedka Kenya. Dadka inta badan soo doortay Junet ma ahan dad Soomaali ah maadama deegaankaas ay ku nool yihiin qowmiyadda uu kasoo jeedo Ra’iisul Wasaarihii hore Raila Odinga.

Yuusuf Xasan- Xildhibaanka degmada Kamakunji ee magaalada Nairobi oo ay xaafadda Islii ka mid tahay markii afaraad ayuu ku guulaystay kursiga.

Yuusuf Xasan wuxuu xubin ka yahay xisbiga Jubilee ee haatan ka tirsan isbaheysiga uu hoggaamiyo Raila Odinga.

b

Axmed Cabdullaahi (Axmed Jiir): wuxuu markii labaad ku guuleystay kursiga barasaabnimo ee maamulka Wajeer, wuxuu ka tirsan yahay xisbiga ODM ee isbaheysiga Azimio, waxaa uu ka guuleystay ilaa 8 qof oo kale oo la taagnaa.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta kusoo baxay xisbiga William Ruto

Aadan Barre Ducaale-ayaa kursigiisii xajistay. Waxaa laga soo doortaa magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya .Waxaa kursiga doorkan kula tartamayay ilaa saddexmurashax oo kale oo uu uga adkaaday, waxay saaxib dhaw yihiin William Ruto, wuxuu ka tirsan yahay xisbiga UDA.

Xuseen Cabdi Barre-Waxaa xildhibaan laga soo doortay deegaanka Tarbaj ee hoostaga magaalada Wajeer, wuxuu kusoo galay xisbiga UDA ee madaxweyne ku xigeenka William Ruto.

 Saalax Yacquub Faarax- waxaa laga soo doortay deegaan baarlamaaneedka Faafi ee ka tirsan Gaarisa, wuxuu ka tirsan tahay isbaheysiga siyaasadda ee uu hoggaamiyo William Ruto ee UDA.

bbc

Soomaalida maxay ka filayaan Ruto haddii uu la dhaariyo?

Xildhibaanka Gaarisa, Aadan Barre Ducaale, oo saaxiib dhow la ah Ruto, ololaha doorashadana kula jiray, ayaa BBC-da u sheegay inay kasoo bixi doonaan ballantii la qaaday.

"Maanta waxaan u sheegayaa ummadda Soomaalida ah sida aan ballan-qaadnay, arrinkii kibaandhaha iyo baasaboorka ee ummadda Soomaalida ah lagu kala soocayay iyo ummadaha Kenyaanka ah way dhamaan doontaa," ayuu yiri Ducaale

"Weliba waxaan sameynaynaa guddi soo baari doona raggii ka dambeeyay dilkii faraha badnaa ee lagu sameeyay ummadda Soomaalida iyo ummadda Muslimiinta in dib loo baaro oo raggaas maxkamad la keeno, hooyooyinkii iyo haweenkii raggooda iyo wiilashooda maqan yihiinna dib loo keeno," ayuu sii raaciyay.

Waxa uu Ducaale sheegay in guusha usoo hooyatay ay ku timid waxyaabaha ay dadka u ballan qaadeen.

“Wakhti kasta Soomaalida waxaan ku dhahaa sahankeygu waa mid fiican meesha dowladda ay u socoto ayaan dadka ku hoggaamiyaa , farxad weyn bey ii tahay in saaxibkey oo aan wakhti dheer siysaadda iskula jirnay ayaa maanta ku guuleystay in uu noqdo Madxweynihii shanaad ee waddanka Kenya, waa nin la aqaanno, waan nin baddalay siyaasadda Kenya.”

Raila Odinga oo doorashada kula loolamayay Ruto ayaa qaadacay natiijada waxaana lagu wadaa inuu maxkamadda ugu sarreysa Kenya ka dalbado inay meesha ka saarto natiijada, doorasho hor lehna la qabto.