Faahfaahinta baaritaanka dilka wiil Soomaaliyeed oo ku dhintay Cardiff ka dib markii ay boolisku sii daayeen

Xigashada Sawirka, Qoyska
Baaritaan lagu samaynayey nin Soomaaliyeed oo geeriyooday saacado ka dib markii la xiray, dhaawacyna ay soo gaareen ayaa lagu sheegay “inuu u muuqdo in sun lagu garaacay” sida baaritaanka lagu sheegay.
Maxamuud Maxamed Xasan oo ahaa 24 jir ayaa geeriyooday 9 Janaayo 2021, ka dib markii laga helay isagoo aan nuuxsanayn guri ku yaalla Newport Road Cardiff.
Habeennimadii ka horreysay ayaa la xiray, ayadoo looga shakiyey in uu jebiyey nabadda, waxaana la sii daayey ayadoo aan eedeyn lagu soo oogin.
Laba markhaati ayaa baaritaanka u sheegay in Maxamuud Xasan uu u sheegay in boolisku ay garaaceen, nabarrana ay gaarsiiyeen.
Saleebaan Maxamed oo adeer u ah Maxamuud ayaa isna baaritaanka uga warramay xilligii shaqaalaha caafimaadku ay isku dayayeen inay dib u soo kiciyaan, isagoo tilmaamay in “Xuddunta iyo wixii ka korreeya iyo jirkiisa oo dhan uu gaduudnaa”.

Xigashada Sawirka, X
Maxamed wuxuu dhaawacyada gaaray wiilka uu adeerka u yahay ku tilmaamay kuwo waaweyn, wuxuuna intaa ku daray in “faruurtiisa ay go’nayd” dhiigna uu ku yaallay dharkiisa, uuna u muuqday mid “mid daallan, naxsan oo kaalmo u baahan”.
Wuxuu kaloo sheegay markii wax lag weydiiyey wixii dhacay in wiilkiisa uu yiri “Booliska booliska”.
Markii su’aal laga weydiiyey sidii uu wiilku u ekaa wuxuu Maxamed sheegay in uu dhiig ku yaallay, jirkiisana uu gaduudnaa, isagoo intaa ku daray “xaaladda uu ku sugnaa waxay ahayd mid aanan jeclayn in aan qof kale ku arko”.
Xeerbeegtida waxay kaloo dhegeysteen Maxamuud eeddadii oo la yiraahdo Seynab Xasan, taasoo aragtay saacado ka hor intii aan la sii deyn. Waxay sheegtay inay isku dayday in gargaar caafimaad loo fidiyo, balse uu diiday, isagoo sheegay inuu daallan yahay.
“Waxaan ka welwelsanaa inuu dhaawac gudaha ah qabay” ayey ku tiri xeerbeegtida.
Xeerbeegtida waxaa la tusay muuqaallada kaamerada qarsoon oo uu ka muuqday Maxamuud oo ka soo baxaya saldhigga booliska Cardiff Bay, ka dibna Taxi u raacaya Newport Road.

Xigashada Sawirka, Google
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Samantha Taylor oo ka tirsan madaxda booliska waxay baaritaanka u sheegatay inay ku aragtay Maxamuud meel u dhow saldhigga, laakinse aysan arkin wax dhiig ah oo dharkiisa ku yaallay. Mar bay sheegatay inay aragtay isagoo “rucle orod ku gudbaya jidka”.
Bashiir Yuusuf oo darawal Taxi ah, kana soo qaaday Maxamuud Cardiff Bay ayaa isna caddayn so bandhigay, wuxuuna sheegay in labiska maxamuud ee isboortiska uu dhinaciisa hoose ku arkay dhiig.
Wuxuu sheegay inay af-Soomaali ku wada hadleen, markii la weydiiyey waxa ku dhacayna uu ku jawaabay “booliska ayaa sidan ii galay”.
Talaadadii ayaa xeerbeegtida waxay dhegeysteen faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan wixii ku dhex maray askartii booliska iyo Maxamuud saldhigga booliska ee Cardiff Bay.
Waxay dhegeysteen sida uu mid ka mid ah askarta madaxiisa ugu riixay dhulka, ayadoo laga soo dejiyey gaariga booliska, jeelkana lagu xiray, sida laga arkay kaamerada qarsoon.
Askari la yiraahdo Saajin Russell O’Rourke, ayaa sidoo kale soo saaray hadal qoraal ah oo uu ku sheegay in uu sharqan maqlay, isagoo u qaatay in Maxamuud uu wax tufayey.
“Degdeg ayaa u eegay Maxamuud madaxiisa, waxaana u soo jeleeciyey xaggayga si aan u xaqiijiyo inuusan wax ku tufin, ama aniga ama dadka ila shaqeynayey, bacdamaa la igu wargeliyey in uu candhuuf ku tufayey gaariga” ayuu u sheegay xeerbeegtida.
“Markii aan hubsaday in wajigiisa uu ka jeedo xageenna ayaa wajigiisa hoos loo jeediyey”.
Hadalkiisa ayuu sii watay saajinka, wuxuuna sheegay inuu rumaysan yahay in ficilladiisa ay ahaayeen kuwo “isku dheelli tiran oo sababaysan”.
Qiyaastii 300 oo ruux ayaa bartamaha magaalada Cardiff ku bannaan baxay ka dib markii uu soo ifbaxay warka ku saabsan dhimashada wiilkaas horraantii 2021.













