12-kii sawir ee ugu cajiibsanaa ee la qaaday 2024

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Laga soo bilaabo sawir naxdin leh oo laga soo qaaday nin dalxiis ah oo ku suganaa Tahiti ilaa muuqaalkii caanka ahaa ee madaxweynaha la doortay ee Maraykanka oo laga qaaday isku day dil ka dib, halkan waxaan ku soo gudbin doonaa 12 ka mid ah sawiradii ugu cajiibsanaa 2024-ka.

Dayax-madoobaadka Abriil 8 ayaa laga arki karaa Waqooyiga Ameerika.

Xigashada Sawirka, Reuters

1. Qorrax madoobaad, Indiana, Mareykanka

Diyaarad ayaa ku duuleysa guud ahaan qorrax-madoobaad iyadoo dul maraysa Bloomington, Indiana, 8-dii April .

Dabcan, maaha markii ugu horeysay ee ay maraan wadooyinka diyaarada, Dayaxa, Qorraxda iyo Dhulka.

Bishii Jannaayo 1925-kii, ciidamada badda ee Maraykanka, USS Los Angeles, ayaa waxaa tadabo seynisyahan ku rakibay telescopes si ay ugu dhowaadaan sida ugu macquulsan qorrax-madoobaadka oo la sugayay. Waddada ayaa si toos ah uga gudubtay magaalada New York, taasoo ka dhigaysa, sida ay dadka qaar sheegeen, waa dayax-madoobaadkii ugu daawashada badnaa taariikhda.

Muuqaalkan afladdii furitaanka ee Paris 2024

Xigashada Sawirka, Thomas Jolly

2. Dionisio furitaanka Paris 2024

marka al eego taariikhda fanku kama badbaadin walbahaar iyo xanuun badan. Taasi waxay ahayd mid ka mid ah casharadii laga bartay khilaafkii ka dhashay sawir laga qaaday xafladdii furitaanka ciyaaraha Olombikada Paris.

Guddiga qabanqaabada Paris 2024 ayaa caddeeyay u jeedada sawirka iyo khalad uu dhacay.

3. Xarunta ay ku sii hakadaan qaxootiga ee Koonfurta Suudaan

Qaxooti Suudaani ah oo sugaya gargaar iyaga oo ku jira safaf dhaadheer gaar ahaan Xarunta Transit Center ee Renk, South Sudan, bishii February.

Horraantii 2024-kii, in ka badan nus malyuun qof ayaa ka qaxay dagaalka u dhexeeya ciidamada Suudaan iyo xoogaga taageerada degdega ah ee ka socda koonfurta Suudaan.

Dharka midabka cad iyo daabacaaddoodu waxay si aad ah uga duwan yihiin xaaladda muhaajiriinta badan.

xooganaanta sawirku waxa ay dib u xasuusanaysaa laxanka iyo qaab-dhismeedkii hawlihii aan cajiibka ahaa ee fannaanka iyo filim-sameeyaha reer Suudaan ee Xuseen Shariiffe, kaas oo sawiro iyo sifeyn cajiib ah ku biixn jiray gabayadiisa.

Dharka midabbada leh waa dhaqan Suudaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images

4. Fulkaano ka qarxay Indonesia

Sawirada Volcano ka qaraxday Buurta Ruang ee weyn ee Indonesia, oo dhowr jeer qarxay bishii April, waxaa hawada u baxay holac iyo dhimbilo halis badan.

Xaaladda cabsida leh ee dhaqdhaqaaqa foolkaanaha iyo qulqulka dhimbilaha dabka ah ayaa soo jiitay dad badan.

Foolkaano

Xigashada Sawirka, AFP

5. Weerarkii lagu qaaday Donald Trump ee Pennsylvania

Qaar ka mid ah ayaa is-qeexaya, iyaga oo dareemayo inay noqon doonaan hal-abuur sare.

Waxa maskaxda ku soo dhacaya, tusaale ahaan, kor u qaadista calanka Maraykanka ee jasiiradda Japan intii lagu jiray dagaalkii labaad ee aduunka, ama feerkii ciyaartoyda Afrikaanka ah ee Maraykanka ah ee helay billadaha ciyaaraha Olombikada 1968 ee Mexico City.

Markii madaxwaynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump la weeraray waxa laga qaaday sawir cajiib ah oo isaga oo dhiig uu ka da'ayo islamarkana gacanta kor u tagaya, waxana gadaashiisa ka muuqda calanka Mareykanka .

Donald Trump was shot by a gunman at a rally in Pennsylvania.

Xigashada Sawirka, AP

6. Xero qaxooti Falastiiniyiin ah oo ku taal Gaza

Laba gabdhood oo Falastiini ah, oo isu diyaarinaya Ramadaanta, watana feynuus si ay u qurxiyaan teendhooyinka qaxootiga ee dadka badan ee koonfurta Gaza 29-kii Febraayo.

Iftiinka khafiifka ah ee faynuusyadu waxa uu si aad ah uga duwan yahay mugdiga naxdinta leh ee qorrax dhaca . Xagaagii hore, 90% dadka Gaza deggan (ilaa laba milyan oo qof) ayaa ku barokacay dagaalka.

Sawirkan ayaa waxaa uu noqday mid ka mdi ah sawiradii ugu cajiibsanaa ee la qaado sanadkan sii dhamaanaya ee 2024.

Tan iyo dabayaaqadii 2023, waxaa Qaza ka socday barakac ballaaran oo Falastiiniyiin ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images

7. Ciyaartoyga Olombikada ee Tahiti

8. DANA ee Valencia, Spain

October 30-keedii, haweeney ku nool Valencia ayaa la sawiray iyada oo balakoonkeeda ka dib fatahaado ku dhuftay xaafadeeda , halka baabuurtii ay la tageen biyuhu ay isku dhacayeen.

Haweneydan ayaa u muuqata mid dusha ka eegaysa burburka ay fatahaadaha geysteen.

Dalka Spain waxaa ku dhuftay sanadkan fatahaado

Xigashada Sawirka, AP

Sawirka xiisaha leh ee Gabriel Medina oo u dhashay dalka Brazil oo cirka isku shareeray ka dib markii uu mawjad aad u weyn ku dhex wareegayay jasiiradda Tahiti ee dalka Faransiiska 29 bishii July si degdeg ah ayuu u faafay.

Si lama filaan ah, sawirka Medina wuxuu noqday mid ka mid ah kuwii ugu fiicnaa Ciyaaraha Olombikada Paris 2024.

8. DANA ee Valencia, Spain

October 30-keedii, haweeney ku nool Valencia ayaa la sawiray iyada oo balakoonkeeda ka dib fatahaado ku dhuftay xaafadeeda , halka baabuurtii ay la tageen biyuhu ay isku dhacayeen.

Haweneydan ayaa u muuqata mid dusha ka eegaysa burburka ay fatahaadaha geysteen.

Si lama filaan ah, sawirka Medina wuxuu noqday mid ka mid ah kuwii ugu fiicnaa Ciyaaraha Olombikada Paris 2024.

Xigashada Sawirka, Getty Images

9. Muuqaalka Billie Eilish, New York

Xaflad lagu soo bandhigayey albamkeeda Hit Me Hard and Soft magaalada New York bishii March, fanaanadda Mareykanka ah ee Billie Eilish waxay u muuqataa inay ku milmaysay riyo iftiin ah oo qiiq ku dhex qariyey.

Sawirka fanaanadda ayaa waxaa uu noqday mid soo jiita dad badan.

Billie Eilish

Xigashada Sawirka, Getty Images

10. Taaladii Suuriya ee la burburiyay

Iyaga oo muujinaya quudhsi qoto dheer, koox muwaadiniin ah oo ku sugan Suuriya ayaa kula tuntay kabahooda madaxa taallada la dumiyey ee sawirka madaxweynihii hore ee Hafez al Assad, 9-kii December.

Kadib burburkii nidaamka Baath Party ee dalka Suuriya iyo ka cararkii qoyska reer Asad ee dalka Suuriya, ayaa waxaa la arkayay dadka reer Suuriya oo garaacaya sawirada Aabbihii Madaxweyne Bashaar Al Assad oo ka taagnaa magaalooyinka dalkaasi.

Bashaar al-Asad oo ah wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee dalkaasi Xafiz Al-asad ayaa bishii December ka qaxay dalka Suuriya kadib 24 sano oo uu xukunka hayay.

Xigashada Sawirka, Getty Images

11. Isku imaatinka qoob ka ciyaarka, New York

Bishii April, in ka badan 350 qoob-ka-cayaarayaal ah ayaa isu soo baxay si ay u jebiyaan rikoorka Guinness ee tirada ugu badan ee qoob-ka-cayaarka waxaa hal mar laga qaaday sawir.

Sawir laga qaaday qaar badan oo ka mid ah tartamayaasha oo si xamaasad leh ugu diyaar garoobaya tartanka ayaa soo jiitay quruxda iyo tamarta munaasabadda qiimaha leh.

Qaar ka mid ah 350 qoob-ka-cayaaraha ayaa si wada jir ah ugu soo bandhigay New York si ay u dhigaan rikoorka Guinness.

Xigashada Sawirka, Bess Adler

12. Haweenayda Golaha baarlamaanka ee Seoul

Haweeney u dhalatay Kuuriyada Koonfureed ayaa si cabsi la'aan ah u qabsatay afka qorigii uu watay askari afaafka hore ee baarlamaanka. arrintan ayaa ka dambeysay ka dib markii madaxweyne Yoon Suk Yeol uu ku dhawaaqay xaalad militari o degdeg ah.

Sawirka ayaa muujinaya Ahn Gwi-ryeong, oo 35 jir ah, oo ah afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee Dimuqraadiga, oo la xarbinaysa askar aad u hubaysan oo xubnaha baarlamaanka ak hortaagnaa inay kulmaan.

Wxa uu ahaa mid ka mid ah sawirada cajiibka e la qaaday sanadkan 2024 oo gabagabo ku dhaw

Ahn Gwi-ryeong oo u dhalatay Kuuriyada Koonfureed oo qori kula dhagan askari

Xigashada Sawirka, OhmyTV via AP