Waa kuwee Soomaalida ka mid ah boqolka qof ee qaaradda Afrika sanadkaan ugu saamaynta badan

Sawirka saddexda qof ee Soomaalida ah kana mid noqday 100-ka qof ee sanadkaan ugu saamaynta badan qaaradda Afrika.

Xigashada Sawirka, New African Magazine

Qoraalka sawirka, Sawirka saddexda qof ee Soomaalida ah kana mid noqday 100-ka qof ee sanadkaan ugu saamaynta badan qaaradda Afrika.

Wargeyska New African ee fadhigiisu yahay London ayaa soo saaray liiska sannadlaha ah ee aadka loo sugayey ee 100ka qof ee Afrikaan ee ugu Saameynta Badan sanadka 2024. Liiskan wuxuu xusayaa guulaha iyo waxqabadka ay ku tallaabsadeen Afrikaan ka kala yimid waaxyaha iyo qaybaha kala duwan ee bulshada kuwaas oo saameyn wanaagsan ku yeeshay qaaradda iyo dunida intii lagu jiray sannadkan dhamaanaya.

Waxaa xusid mudan in sanadkaan boqolkaas qof ay kamid yahiin saddex qof oo Soomaali ah, dhammaantoodna ay rag yahiin, kuwaas oo ka kala socda Soomaaliya iyo Kenya.

Maxamed Harawe, Soomaaliya

SAWIRKA: Maxamed Harawe

Xigashada Sawirka, New African Magazine

Qoraalka sawirka, SAWIRKA: Maxamed Harawe

Filim-sameeye muhiim ah oo feker dheer leh

Maxamed Harawe waa filim-sameeye xambaarsan feker qoto dheer, kaasoo ka tagay dalkiisii hooyo ee Soomaaliya sanadkii 2009 si uu ugu barto soo saarista filimada dalka Austria. Tan iyo markaas, wuxuu sameeyay filimo muujinaya dhinac Soomaaliya ah oo inta badan ka maqan indhaha warbaahinta caalamka.

Wuxuu ku dhashay Muqdisho sanadkii 1992 xilli ay jireen abaar, macaluul, iyo imaatinka 25,000 oo askari oo Mareykan ah. Wuxuu ku biiray dugsiga farshaxanka ee Muqdisho laakiin wuxuu sii watay barashada filimada markii uu u guuray Austria. Saddex sano gudahood ayuu sameeyay filimkiisii ugu horreeyay ee gaaban, Wait a Minute, laakiin waa filimkiisii 2012 ee Life on the Horn oo muujiyay xiisihiisa sii kordhaya ee dhinacyada adag ee nolol.

Filimka gaaban (25 daqiiqo), oo uu qoray hagayna Maxamed Harawe, waa sawir murugo leh balse cad oo ku saabsan tuulo xeebeed Soomaaliyeed oo la baaba'aysa dhibaatooyinka deegaanka, qax khasab ahna bulshada u keenaysa.

Filimkani wuxuu ku guuleystay abaalmarino dhowr ah oo ay ka mid yihiin Filimka Gaaban ee Sheekada ugu Wanaagsan ee Carthage Film Festival iyo Abaalmarinta Uppsala International Festival taas oo lagu xuso filim sameeyihii caanka ahaa ee reer Sweden Ingmar Bergman.

Filimkiisii xigay wuxuu ahaa sanadkii 2022. Filimka Will My Parents Come to See Me, oo soconaya 28 daqiiqo, wuxuu u xaqiijiyay in laga yaabo in Maxamed iibsado sanduuq gaar ah oo abaalmarinnada filimkaan uu ku gurto uu sameeysto, isagoo ku guuleystay lix biladood oo ay ku jirto Filimka Gaaban ee ugu Wanaagsan ee Austrian Film Festival.

Guusha ugu dambeysa ee Harawe waa filimkiisii ugu horreeyay ee dhameystiran, The Village Next to Paradise, ama "Tuulo Janno" oo lagu duubay miyiga Soomaaliya iyadoo la adeegsanayo jilayaal aan xirfadeysaneyn. Filimkani wuxuu ka soo muuqday Cannes – oo ah horumar muhiim ah oo taariikhi ah ka filim Soomaaliyeed ahaan. Waxa kale oo filimkan laga soo xushay Mumbai Film Festival, waxaana UK lagu soo bandhigay BFI London Film Festival bishii Oktoobar 2024.

Maxamed Caddow, Kenya

Sawirka Maxamed Caddoow

Xigashada Sawirka, New African Magazine

Qoraalka sawirka, Sawirka Maxamed Caddoow
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Hormuud; kor u qaadista aqoonta cimilada ee Afrika

Maxamed Caddoow wuxuu aasaasay Power Shift Africa (PSA), oo ah xarun fikir oo ku saabsan tamarta iyo cimilada sanadkii 2018, si uu u abaabulo tallaabooyinka cimilada ee qaaradda Afrika.

Tan iyo markaas wuxuu noqday mid ka mid ah codadka ugu horreeya ee Afrika ee arrimaha cimilada. Waxuu asal ahaan kasoo jeedaa dabaqad bulsho ah oo negi, kacaa-kufka noloshooduna ku tiirsanayd gargaarka bini'aadantinimada. Cadaalad darada dhanka cimilada ahina waxay sababi doontaa in qoysas badan ay mutaan nolosha qoyskiisa oo kale.

Wuxuu aaminsan yahay in inkastoo Afrika ay faa'iido weyn ka heli karto ka qaybgalista firfircoon ee la dagaallanka isbeddelka cimilada – iyadoo ah gobol aad ay u samaaysay isbeddelku cimiladu isla markaana leh khayraad dabiici ah oo aad u badan loona baahan yahay si loo dhimo qiiqa – haddana ay tahay bulshada ugu yar ee wax ka og arrimahaan. hay'adda uu sameeyay ee PSA waxay u taagan tahay inay tan beddesho isagoo bixiya falanqeyn casri ah, fikrado siyaasadeed oo xal diiradda saaraya, iyo wacyigelin warbaahineed oo wakhti ku habbooon lagu eegayo aragti Afrikaan ah oo dhalad ah.

Wuxuu u arkaa tamarta dib loo cusboonaysiin karo inay tahay aag mudnaanta leh. Ururkiisuna waxuu sii dhisay madallo gaar ah oo ka kooban ururada bulshada rayidka ah ee Afrika, si loo dardargaliyo dadaallada lagu hormarinayo awoodda weyn ee tamarta dib loo curin karo ee qaaradda.

Ka hor intii uusan bilaabin PSA, Caddow wuxuu hogaaminayey siyaasadda cimilada caalamiga ah iyo dadaallada u doodista ee hay'adda Christian Aid in ka badan toban sano. Intii uu joogay hay'addan wuxuu ka caawiyay aasaasida Ururka Cadaaladda Cimilada ee Pan-Afrika (PACJA), kaas oo ka kooban in ka badan 1,000 urur oo ku baahsan 48 waddan. Sidoo kale waa Gudoomiyihii hore ee Guddiga Shabakadda Climate Action Network.

Cali Maxamed, Kenya

Sawirka: Cali Maxamed

Xigashada Sawirka, New African Magazine

Qoraalka sawirka, Sawirka: Cali Maxamed

Diblomaasi awood leh dhinaca wadahadalada isbeddelka cimilada

Cali Maxamed, oo ah ergayga gaarka ah ee isbeddelka cimilada xafiiska Madaxweynaha Kenya, ayaa noqday Guddoomiyaha Kooxda Dhex-dhexaadiyeyaasha Afrika (AGN) sanadkii 2024 – waa isbahaysi matalaya danaha Afrika ee wadahadallada caalamiga ah ee isbeddelka cimilada. Wuxuu door muhiim ah ka qaatay mideynta dalalka Afrika si ay u dalbadaan maalgelin caddaalad ah oo la xiriirta cimilada iyo istaraatiijiyado wax ku ool ah oo ku saabsan la-qabsiga saameynta cimilada shirkii COP29.

AGN waxay xoogga saartay baahida ahmiyadda ay leedahay in dalalka hodanka ah oo inta badan ah kuwa ugu isticmaalka badan gaaska wasakhowga keena ay tahay inay bixiyaan taageero dhaqaale oo ku filan si Afrika ay ula qabsato saameynta sii kordheysa ee isbeddelka cimilada.

Maxamed wuxuu aaminsan yahay in isbeddelka cimilada uu yahay halis weyn oo ku wajahan Afrika iyo jiilasha mustaqbalka, haddana uu sidoo kale yahay fursad lagu heli karo kobac cagaaran, abuurista shaqooyin, iyo beddelidda dhaqaalaha. "Afrika waxay diyaar u tahay inay door weyn ka qaadato dadaalka caalamiga ah ee dhimista qiiqa kaarboonka iyo inay hormuud ka noqoto hirgelinta warshadaha casriga ah ee cagaaran," ayuu yiri ka hor COP29.

"Waxaan haysannaa inta badan macdanta muhiimka ah ee dunidu u baahan tahay si loo yareeyo kaarboonka tamarta iyo gaadiidka. Waxaan heysannaa saddex-meelood hal awooda caalamka ee ku saabsan xakamaynta kaarboonka iyada oo loo marayo khayraadka dabiiciga ah. Waxaan haysannaa fursadda ugu weyn ee lagu kordhin karo wax soo saarka cuntada. Iyo tan ugu muhiimsan, qaaraddeenna waa mid da'yar, dhiirran, oo faa'iido leh," ayuu xusay isagoo ku boorinaya hoggaamiyeyaasha Afrika inay ka faa'iideystaan fursaddan oo ay u rogaan dhibaatada cimilada fursad weyn.