Muxuu yahay howlgalka cusub ee Puntland sheegtay inay ku cirib tirayso ururka Daacish ee Soomaaliya?

.

Xigashada Sawirka, baraha bulshada

Maamul gobleedka Puntland ayaa shaaciyay in ay doonayan in ay bilaaban howlgal ka dhan ah kooxda ISIS ee ku sugan bureyda gobolada Puntland.

Dhawaan ayay ahayd markii ay Puntland soo bandhigtay hub iyo ciidan ay sheegtay in ay ka qeyb qaadan doonan dagaalka ka dhanka ah Daacish.

Wasiirka warfaafinta ee Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sheegay in kooxda Daacish ay sanooyiinkii u dambeeyay ay dhibaatooyiin amni darro iyo dilal ka geysteen deegaanada Puntland.

"In badan ayay buuraha gaadmo ka wadeen , beec-mushtarka ayay soo faragaliyeen, dadkey dhibeen, culumo ayay laayeen, waxgarad bay laayeen oo cuqaal bay laayeen" ayuu yiri Wasiir Dirir oo la hadlay BBC da.

Wasiirka warfaafinta ee Puntland ayaa BBC u sheegay in ay ka go'an tahay dowlad goboleed ka cirib-tirka kooxda ISIS ee ka howgasha meelo ka mid ah deegaanada Puntland.

"Dowladda Puntland waxay go'aansatay in buuraha ay ku dhuumaaleysanayaan oo ah dhul qorfa ah oo adag oo boqolala kilo mitir dheerarkoodu dhan yahay inay soo afjarto" ayuu yiri.

Mar aan waydiinay goorta uu howlgalka bilaabanayo ayuu sheegay in la diyaariyay ciidamadii gooni ah oo ay u qorsheeyeen howlgalkaan cusub.

"Holwgalka waa uu bilaabmay oo ciidamadii waa la geeyay meeshii ay ka gaari lahaayeen oo nimanku ay ku dhuumanayeen oo buuraha ahaa waa la geeyay, waad maqlaysay in ciidamadii iyo saraakiishii ay isa soo taageen iyaga oo diyaarsan howlgalkaasi daqiiqad kasta wuu bilaaban karaa" ayuu yiri.

Balse waxa uu sheegay in Puntland ay fursad siineyso xubnaha ka midka ah ururka ee doonaya in ay isaga baxaan ka hor inta uusan bilaaban dagaalku.

"Waxaan jeclan lahayn inay isa soo dhiibaan dhaqan-celin ayaa loo sameynayaa gurigii iyo meeshii uu ka yimid ayaa loo celin doonaa" ayuu yiri Ceydiid.

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid dirir.

Xigashada Sawirka, Wasaaradda Warfaafinta Puntland

Maxaa xilligan ku soo beegay howlgalka?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Kooxda Daacish ayaa sanadihii u dambeeyay waxay ka hwlgalayeen qaar ka mid ah deegaanada Puntland gaar ahaan buuraleyda Galgalo.

Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa marar badan dagaalo kula galay dhulka Buuraleyda, balse ma suuragalin in halkaasi laga saaro.

Wasiirka warfaafinta ee Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, oo aan waxa ka waydiinay waxa ku soo beegay howlgalka xilligan ayaa sheegay in marka laga soo tago in ay muddaba diyaar garow ku jireen ay hadana sugayaan in xaalado siyaasadeed oo ka jiray gobolka ay dhinac u dhacaan.

"Marxalado is garab yaalay ayaa jiray oo doorashoyiin iyo arrimo kale oo fara badan haddana fursaddii ugu dambeeysay ee diyaar garowga ayaa la marayaa oo ciidamada waa la habeeyay. Dee cadow isma eegan karno, diyaar garow ayaan ka galnay oo waa oo diyaar garoobaynay" ayuu yiri isaga oo sharraxayay sababta ka dambeysay in howlgalka ay bilaabaan xilligaan.

Wasiirka oo an wax ka waydiinay cidda dagaalka ka dhanka ah Daacish ka gacan siinaysa ayaa sheegay, in dadka Puntland iyo dwoladda ay isku tashadeen, balse sidoo kale dagaalka uu yahay mid caalami ah oo ay tahay in laga wada qeyb qaato.

Waxa uu yiri: "Dadka reer Puntland iyaga iyo dowladooda isku tashaday, saaxibada caalamka ah, dagaalkani waa dagaal caalami ah. Argagixiso weeye. In uu aduunku kaqeyb qaato waan ugu baaqeynaa uma saaxiibo la'in, laakiin waa shaqo ciidan oo muhiim ma ah in halkan laga shaaciyo hebel iyo hebal ayaa ka qeyb galaya ma ahan."