Ardayda jaamacadaha Maraykanka oo walaac badani soo wejahay sababo 'tarxiil' la xidhiidha

.

Tirada ardayda ajaanibta ah ee lagu beegsaday Mareykanka ayaa korodhay, iyada oo dad bandanna la masaafuriyay kadib bannaanbaxyadii khuseeyey Falastiin

Toddobaadyadii la soo dhaafay, arday badan oo ajaanib ah oo ku nool Mareykanka ayaa la kulmayey dhacdooyin isdaba joog ah, kuwaas oo laga arkayey barahooda bulshada: wakiillo dhar-cad ah oo si lama filaan ah u kaxaynaya ardayda, iyagoo gelinaya baabuurro aan summad lahayn kuna ridaya xabsiyo dadka lagu hayo, ayaa la baahiyey.

Qaar badan oo lagu qabtay dhacdooyinkan – oo muuqaaladooda lagu duubay fiidiyowyo si weyn loogu faafiyay internetka – looma haysto wax dambi ah, balse waxay u muuqdaan kuwo si gaar ah loogu beegsaday ka-qaybgalka bannaanbaxyada taageersan Falastiin ee ka dhacay jaamacadaha Mareykanka.

Maamulka Madaxweyne Trump ayaa si isdaba joog ah u sheegay in fiisaha ama dalkugalku uu yahay "sharaf" la siin karo ama lagala noqon karo qofka waqti kasta, sababo kala duwan darteed.

Hase yeeshee, tallaabadan xukuumadeed ayaa u muuqata mid si ballaadhan u sii fidaysa. Sida uu sheegay warbixin cusub oo uu daabacay bogga Inside Higher Ed, in ka badan 1,000 arday oo ajaanib ah ama arday dhawaan ka qalin jabiyay jaamacado kala duwan oo ku yaalla guud ahaan Mareykanka ayaa lagu wargeliyay in fiisahooda laga laabtay ama xaalkii shacrciyeed ee ay ku joogeen la beddelay.

Qaar badan lama ogaysiin sababta saxda ah ee fiisaha loogala laabtay. Jaamacadaha badankood waxay ogaadeen kaliya markay fiiriyeen xogta dowladda ee lagu diiwaan geliyo fiisaha ardayda ajaanibta ah.

Isku-darka xadhigyada bartilmaameedka ah iyo tirada badan ee fiisayaasha la laalay ayaa abuuray cabsi iyo walaac ka jira jaamacadaha — laga bilaabo kuwa dowliga ahaa ee waaweynaa ilaa jaamacadaha Ivy League ee loogu jecel yahay Mareykanka.

"Qofka xiga ayaad noqon kartaa," ayuu yidhi mid ka mid ah ardayda dhigta jaamacadda Georgetown, oo haysta fiiso waxbarasho kana faallooda arrimaha Israa'iil iyo dagaalka Gaza. Wuxuu hadda jeebka ku sita warqad ay ku qoran yihiin xuquuqdiisa dastuuriga ah, haddii mar un la joojiyo.

Arday kale oo ku sugan Texas ayaa sheegay in uu cabsaday, xitaa inuu dukaameysto ayuu ka baqayaa oo uu guriga ka baxo.

Jaamacadaha qaar, waaxyaha cilmi-baadhista ayaa dareemay saameyn toos ah, maadaama cilmi-baarayaal dibadda uga maqnaa Mareykanka ay diideen inay dib ugu soo laabtaan sababo la xidhiidha cabsi ay ka qabaan in loo diido gelitaankooda dalkaas.

Ardayda badankood oo la hadlay BBC-da waxay codsadeen in aan magacyadooda la shaacin, iyagoo ka baqaya in la bartilmaameedsado haddii ay ku soo baxaan warbaahinta.

BBC-da waxay la xirdhiidhay Wasaaradda Waxbarashada Mareykanka si ay uga hesho faallo arrintan ku saabsan.

.

Xigashada Sawirka, .

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sababaha fiisayaasha looga laabtay ardayda ajnabiga ah ayaa kala duwan, sida laga soo xigtay xogta maamulka Mareykanka. Qaar ka mid ah kiisaska waxaa sal u ahaa dambiyo hore oo sharciga la xidhiidha, halka kuwo kale loo cuskanayo khaladaad yar sida xawaare xad dhaaf ah oo lagu qabtay. Laakiin xogta ugu badan ee la helay waxay muujineysaa in ardayda la beegsaday ay ka qeybqaateen bannaanbaxyada taageersan Falastiin.

Xogtaas waxaa si toos ah u xaqiijiyay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, oo sheegay in dad badan oo fiisayaashooda laga laabtay ay qeyb ka ahaayeen mudaharaadyo siyaasadeed oo ka dhacay jaamacado kala duwan.

Maamulka Trump wuxuu ol'ole ballaadhan ugu jiraa sidii uu tallaabo uga qaadi lahaa dadka uu ku eedeeyay inay halis ku yihiin ardayda Yuhuudda ah ee dhigata jaamacadaha Mareykanka. Bannaanbaxayaasha ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay taageero u muujiyeen kooxda Xamaas – oo Mareykanka si rasmi ah ugu magacaabay urur argagixiso ah.

Rubio ayaa yidhi: "Mar kasta oo aan helo mid ka mid ah wareerkan qof ku sugan, waan kala laabannaa fiisahooda. Waxaanan sidaas sameynaa maalin kasta."

Ururrada u dooda xuquuqda madaniga ah ayaa si adag uga horyimid xadhigyada iyo qorshaha lagu musaafurinayo ardayda, iyagoo ku tilmaamay xadgudub ka dhan ah xuquuqda dastuuriga ah ee hadalka xorta ah.

Ardayda la beegsadayna waxay diideen in lala xidhiidhiyo Xamaas, iyagoo sheegay in waxa loo beegsaday uu yahay hadalkooda siyaasadeed ee ku saabsan dagaalka Gaza iyo taageerada ay dowladda Mareykanka siiso Israa'iil.

Jaamacadda Georgetown, qoraallo ay ardaydu u bixiyeen "ilaali ardaydeena" ayaa lagu dhejiyay musqulaha jaamacadda, taasoo muujinaysa cabsi iyo murugo ku fidaysa goobtii ardaydu caadiyan ku raaxeysan jireen xilli gu'ga.

Mid ka mid ah dhacdooyinka ugu xanuunka badan wuxuu dhacay bishii Maarso, markii Badar Khan Suri, oo ah cilmi-baare ka tirsan Georgetown, laga qabtay banaanka gurigiisa oo ku yaalla Virginia. Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa ku eedeysay inuu faafiyay nacaybka Yuhuudda (antisemitism) isla markaana xidhiidh la lahaa qof "argagixiso lagu tuhunsan yahay ama la yaqaan".

Taas waxaa loola jeeday aabbaha dhalay xaaskiisa, oo dhalasho Mareykan ah leh kana soo jeeda Falastiin, horayna u ahaan jiray la-taliye u dhowaa hogaamiyihii Xamaas ee la dilay, Ismaaciil Haniyeh.

Qareennada Suri waxay sheegeen inuu ninkan la kulmay dhowr jeer oo kaliya, islamarkaana loo beegsanayo sababo la xidhiidha qoryska xaaskiisa.