Sidee loo go'aaminayaa abaalmarinta nabadda ee Nobel ee 2025

Ku guuleystayaasha abaalmarinta Nobel Peace Prize ee 2025 ayaa lagu dhawaaqi doonaa 10 Oktoobar.

Xigashada Sawirka, Reuters

Waxaa lagu wadaa in ku guuleystayaasha abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize ee 2025 lagu dhawaaqi doono 10 Oktoobar.

Haddaba yaa go'aaminaya cidda ku guuleeysata? Guddiga Nobel ee Norway ayaa ka kooban shan qof oo uu soo magacaabay baarlamaanka Norway. Xubnaha ayaa inta badan ah siyaasiyiin hawlgab ah, laakiin had iyo jeer ma aha siyaasyiin. Gudigga hadda xilka haya ayaa waxaa hogaaminaya madaxa laanta Norway ee PEN International oo ah koox difaacda xoriyatul qawlka. Xubin kale ayaa ah aqoonyahan.

Dhammaantood waxa soo bandhigay xisbiyada siyaasadda Norway, magacaabistoodu waxay ka tarjumaysaa dheelitirka awoodda baarlamaanka Norway.

Yaa ku Guuleysan kara?

Jawaabta oo kooban waa: qof kasta oo ku habboon tilmaanta ku qeexan dardaarankii1895 ee Alfred Nobel, u ololeeyihii warshadaha. Waxay sheegaysaa in abaalmarinta, furto tab cusub, sida qofka "ka sameeyay intii ugu badnayd ama ugu wanaagsanayd si loo horumariyo iskaashiga quruumaha, baabi'inta ama dhimista ciidamada dowladaha, iyo aasaaska iyo dhiirigelinta shirarka nabadda".

Jawaabta aadka u adag ayaa ah in abaalmarinta " loo baahan yahay in lagu meeleeyo xaaladda hadda jirta", sida uu sheegay Kristian Berg Harpviken, xoghayaha guddiga abaalmarinta, kaas oo diyaariya shaqada guddiga abaalmarinta. Wuxuu ka qaybqaata doodaha balse ma codeeyo.

"Waxay eegi doonaan adduunka, iyagoo eegaya waxa ka dhacaya, sida isbeddellada caalamiga ah, wa maxay welwelka ugu weyn, maxay yihiin hababka ugu rajo-gelinta badan ee aan aragno," ayuu u sheegay Reuters.

"Hananaanka ayaa macnahiisu noqon karaa wax kasta oo ka imaanaya geeddi-socod nabadeed oo gaar ah ilaa nooc cusub oo heshiis caalami ah oo ku socda horumar ama mid dhawaan la qaatay."

Yaa soo magacaabi kara?

Kumanaan qof ayaa soo jeedin kara magacyo: xubno ka tirsan dowladaha iyo baarlamaanada; madaxda hadda jirta; macalimiin jaamacadeed oo taariikhda, cilmiga bulshada, sharciga iyo falsafada ah; iyo kuwii hore ee Nobel Peace Prize ku guulaystay, iyo kuwo kaleba.

Sanadkan waxaa la magacaabay 338 qof. Liiska buuxa waxa uu ku xiran yahay qasnadda 50ka sano.

Xarunta nabadda ee Nobel

Xigashada Sawirka, Nobel Peace Center

Qoraalka sawirka, Xarunta nabadda ee Nobel

Sidee ayey guddigu go'aanka u gaaraan?

Magacaabista ama musharaxnimda ayaa xiranta 31 Janaayo. Xubnaha guddiga waxay samayn karaan magacaabistooda ugu dambayn kulankooda ugu horreeya ee Febraayo.

Waxay ka wada hadlayaan dhammaan magacaabista, ka dibna waxay dejiyaan liis kooban. Qof kasta oo la magacaabo ayaa la qiimeynayaa oo waxa baaraya koox la-taliyayaal joogto ah iyo khubaro kale.

Guddigu waxay kulmaan bishiiba hal mar si ay uga hadlaan magacaabista. Go'aanka wuxuu u eg yahay in la gaaro bilaha Agoosto ama Sebtembar, ayuu yiri Harpviken.

Guddidu waxay is-afgarad ka gaaraan xulitaankooda. Haddii aysan gaarin go'aan wadajir ah, go'aanka waxaa lagu gaarayaa cod aqlabiyad ah.

Markii ugu dambeysay ee xubin guddiga ka mid ah ay shaqada uga tagto iyadoo mucarada ah ama wax diiddan waxay ahayd 1994-kii, markaas oo hoggaamiyihii Falastiin Yaasir Carafaat uu abaalmarinta la wadaagay Shimon Peres iyo Yitzhak Rabin ee Israa'iil.

Yaa la magacaabayaa ama sharaxan?

Iyadoo liiska buuxa ee magacaabista uu yahay mid sir ah, musharaxiinta waa u madax banaan yihiin inay shaaciyaan laakin ma jirto si loo xaqiijiyo waxa ay shaciyeen.

Magacyada sanadkan la shaaciyay waxaa ka mid ah Maxkamada Caalamiga ah ee Dambiyada, NATO, Chow Hang-tung oo u ololeeya Hong Kong oo xiran iyo Qareenka Xuquuqda Aadanaha ee Canada Irwin Cotler.

Hogaamiyayaasha Cambodia, Israa'iil iyo Pakistan ayaa sheegay inay magacaabeen madaxweynaha Maraykanka Donald Trump. Magacaabistooda waxaa la sameeyay gu'gii iyo xagaaga taas oo ka dambeysa waqtiga kama danbeysta ah ee magacaabista ee 31-da Janaayo, markaa ansax ma noqoneyso in ay ka mid noqoto abaalmarinta 2025.

Trump ma ku guuleysan karaa abaalmarinta?

Kaliya haddii uu beddelo siyaasaddiisa, sida ay qabaan khubarada Nobel oo ku doodaya in uu hadda burburinayo nidaamka caalamiga ah ee dunida ee guddiga abaalmarintu ay qadariyaan.

Taa baddalkeeda, guddiga ayaa laga yaabaa in ay keenaan ururro ka shaqeeya bini'aadannimada, saxafiyiin, ama hay'ad Qaramada Midoobay ah, ayay yiraahdeen. Amaba waxa ay keeni karaan wax lama filaan ah.

Ku guuleystaha sannadkii hore waxa uu ahaa Nihon Hidankyo oo u dhasahy dalka Jabaan kaas oo ka badbaaday bamka atomiga. Khatarta hubka nukliyeerka ayaa ah mid muddo dheer uy guddigu diiradda saarayeen.

Muxuu helaya qofka ku guuleysta abaalmarinta Nobel?

Waxa uu helayaa Bilad, shahaado, 11 milyan oo lacagta Swedishka ah ee krone, taas oo u dhiganta ($1.19 milyan) iyo tixgelin degdeg ah oo caalami ah.

Goorma ayey dhaceysaa munaasabadda ku dhawaaqista

Waxa lagu dhawaaqi doonaa maalinta Jimcaha ee 10ka Oktoobar saacadda markay tahay 12:00 wakhtiga Afrikada Bari, taas oo looga dhawaaqayo Machadka Nobel ee Norway ee Oslo, waxana ku dhawaaqi doona guddoomiyaha guddiga, Joergen Watne Frydnes.

Xafladan ayaa ka dhici doonta hoolka shirarka ee magaalada Oslo 10-ka bisha Disembar oo ku beegan sanad guuradii ka soo wareegatay geeridii Alfred Nobel.