Madaxweyne Putin oo booqasho lama filaan ah ku tagay magaalo ka tirsan dalka Ukraine

Madaxweyne Putin iyo Mikhail Razvozhayev, barasaabka Sevastopol, oo ku sugan Crimea oo Ruushku qabsaday

Xigashada Sawirka, Reuters

Warbaahinta dowladda Ruushka ayaa ku warrameysa in madaxweyne Viladimir Putin uu booqasho lama filaan ah uu ku tagay magaalada Mariupol ee dalka Ukraine oo ay qabsadeen ciidamada Ruushka kaddib markii ay burburiyeen inta badan kaabayaashii magaaladaas.

Muuqaal rasmi ah oo la baahiyay ayaa muujinaya Mr Putin oo baabuur ku dhex maraya waddooyinka xilli habeen ah, ka dibna booqanaya goobo ku yaalla magaalada balse BBC -du ma aysan xaqiijin goobaha uu sida gaarka ah u nooqday.

Waxa ay noqon doontaa booqashadii ugu horreysay ee Mr Putin uu ku tago dhulka dhawaan la qabsaday ee Ukraine. Wakaaladda wararka ee Tass ayaa sheegtay in uu halkaas ku tagay diyaarad helikobter ah oo uu la kulmay qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Muqaalka, ayaa waxaa la maqlayay sarkaal Ruush ah oo Mr Putin u sharaxaya sida ay u dhisan tahay magaalada.

Mariupol waxaa gacanta ku haya ciidamada Ruushka in ka badan 10 bilood.

Wararka booqashadan ayaa imaanaya sanad kadib markii Moscow ay weerar dhanka cirka ah ku qaaday Mariupol oo ay gabbaad ka dhiganayeen boqollaal shacab ah.

Dhismayaal ayaa dumay, waxaana la rumeysan yahay in ugu yaraan 300 ay ku dhinteen halkaasi.

Ukraine iyo hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa sheegay in weerarkii lagu qaaday magaalada uu u dhigmo dambi dagaal.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ayaa sheegtay Jimcihii in ay soo saartay warqad lagu soo xirayo Mr Putin oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo la xiriira in carruurta Ukraine si sharci darro ah loogu tarxiilay Ruushka. Waxay la macno tahay in hadda la xiri karo haddii uu cag soo dhigo mid ka mid ah 123 dawladood ee xubnaha ka ah maxkamadda.

Sabtidii Mr Putin ayaa booqasho aan la shaacin ku tagay Crimea, si uu u xuso sanadguuradii sagaalaad ee ka soo wareegtay markii Ruushka uu gobolkaas ka go’yay Ukraine.

Waxa uu booqday dugsi faneedka cusub ee Ruushka, xerada carruurta iyo mashaariicda dhaqameed ee mustaqbalka, sida matxafka cusub ee Ruushka iyo madxafka diinta Masiixiga, warbaahinta dawladda Ruushka ayaa sidaasi sheegtay.

Maamulka Kyiv ayaa wacad ku maray in ay xoreynayaan dhammaan dhulalka uu Ruushka qabsaday oo ay ku jirto Crimea oo Ruushka uu qabsaday sanadkii 2014-kii.

Mr Putin ayaa sidoo kale la sheegay in uu kula kulmay magaalada Rostov-on-Don, oo ah magaalo Ruushku ku taal bariga Mariupol, intii uu ku guda jiray booqashadiisa.

Ciidammada Ruushka ayaa markii hore dhinaca bariga Crimea ka galay magaalada Mariupol, oo ah magaalo ay ku noolaayeen 450,000 oo qof, taas oo dhinacyada laga hareeyay isla markaana duqeyn culus ay muddo ka socotay. Biyaha iyo korontada ayaa la jaray, iyadoo dadka magaaladana ay BBC-da u sheegeen xilligaas inay aad u walwalsan yihiin.

Magaaladan waxay leedahay dekadaha ugu waa wayn Ukraine, waxaana u suura gashay Ruushka markii uu qabsaday kadib inuu sameeyo marin dhanka dhulka ah oo isku xira Crimea iyo gobollada kale ee uu Ruushku baritaaro ee Luhansk iyo Donetsk.