Khadar Bashiir: Waa kuma orodyahanka maanta Soomaaliya uga qeyb galay tartanka orodka?

Xigashada Sawirka, Khadar Bashiir Yuusuf
Orodyahanka Khadar Bashiir, ayaa maanta kaga qeyb galay dalka Hungary, magaalada xarunta u ah ee Budapest orodka Marathonk-ka.
Tartankan ayaa ahaa afar wareeg, oo wareeggiiba uu ahaa 10km, halka 2km ay ahayd mid gaar ah.
Orodyahanka, ayaa markii uu jaray masaafo gaareysa illaa iyo 27km, waxaa soo gaarey dhaawac, dhanka sinta ah, taasoo keentay inuu ka baxo tartanka orodka, sida uu u sheegay BBC-da guddoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Soomaaliya, Faarax Cali Macalin, .
Khadar Bashiir, ayaa ku orday 21km masaafo gaareysa, oo la yiraahdo half Marathon muddo gaareysa hal saac iyo lix daqiiqo, halka ciyaartooyda kale ay ku sameeyeen inta u dhaxeysa hal saac iyo lix daqiiqo, iyo hal saac, shan daqiiqo, iyo ilbiriqsiyo.
Faarax ayaa tilmaamay in inkastoo uu dadaalay orod yahan Khadar Bashiir, haddana ay u suura gali weysay inuu dhammeysto orodka.
Guddoomiye Faarax, ayaa ku nuux nuux sadey iney muhiim ahayd orod yahan Khadar Bashiir, mar haddii uu dhaawacmay inuu ka baxo ciyaarta.
Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu sheegay Faarax in haddii isagoo dhaawac ah uu sii wado orodka Khadar Bashiir, ay ku keeni karto mustaqbalka dhibaato ka weyn middii uu maanta la kulmay.
Sidoo kale, orodka waxaa dhammeysan waayey ku dhawaad labaatan orod yahan, oo iyana ka baxay orodka kahor inta aanu dhammaan.
Jawiga magaalada Budapest, ayaa maanta waxay ahayd mid aad u kulul.
Waa kuma Khadar?

Xigashada Sawirka, Khadar Bashiir iyo orod yahan kale
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Orodyahan Khadar Bashiir, ayaa muddo dheer kusoo dhex jiray ciyaaraha orodka, sida Marathon-ka, iyo half Marathon-ka.
Ciyaaryahankan, ayaa orodkiisu wuxuu ku salaysnaa waqti mucayina.
Orodyahan Khadar Bashiir, ayaa kamid ahaa 83 ciyaar yahan oo xul ah, oo maanta ku tartamaysay orodka magaalada Budapest.
Khadar Bashiir, ayaa kusoo jiray orodka in ka badan toban sano, isagoo tababarka ku qaata dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.
Kolkii hore, Khadar Bashiir, ayaa ku ordi jiray magaca Soomaaliyeed, maadaama uu yahay ciyaar yahan si xirfadeysan u orda.
Laakiin labo sano kahor, ayuu si rasmi ah ugu biiray xiriirka ciyaaraha fudud ee Soomaaliya, sida uu sheegay guddoomiyaha xiriirkani Faarax Cali Macalin.
Khadar Bashiir Yuusuf, ayaa dhashay sanadkii 1997-dii.
Waxaa sidoo kale jiray ciyaar yahano kale oo Soomaali ah, oo u ordayey dalalka kale sida Holland, Canada, America iyo hey’adda UNHCR, sida orod yahan u ordayey dalka Holland, oo la yiraahdo orodyahan Cabdulraxmaan Aadan Nageeye.
Orodyahan Khadar Bashiir inuu ku biiro xiriirka ciyaaraha fudud ee Soomaaliya, ayaa mas’uuliyaddeeda waxaa lahaa orod yahanka kale ee Soomaaliyeed, Cabdulraxmaan Nageeye, kaasoo ku qalqaaliyey orodyahan Khadar Bashiir, inuu ku biiro xiriirka ciyaaraha fudud ee Soomaaliya, sida uu guddoomiye Faarax sheegay.
Tartankan, ayaa wuxuu noqonayaa kii saddexaad oo uu orod yahan Khadar Bashiir Soomaaliya ku matalo oroddada caalamiga ah.













