Waa kuma wiilka uu dhalay mid ka mid ah aasaasayaasha Xamaas ee jaajuuska u ah Israa'iil

Wiil uu dhalay Sheekh Xasan Yuusuf oo ka mid ahaa aasaasayaashii Xamaas, kaasoo ka soo goostay kooxda, si basaasnimo ahna ugu shaqaynayey sirdoonka Israel ayaa uga digay ameerikaanka iyo sunida inteeda kale sida aabihii iyo ciidankiisu ay u doonayaan inay uga guulaystaan dadka reer Israa’iil, ayna shareecada ugu soorogaan dunida.

Muscab Xasan Yuusuf oo lo yaqaanno ‘amiirki cagaarnaa’ ayaa u jaajuusayey Israa’iil intii u dhaxaysay 1997 ilaa 2000, xogta uu bixiyeyna waxay noqotay mid ka hortagta is qarxin iyo weerarro kale.

Waraysiyo is xigxigay oo warbaahinta Maraykanku ay la yeesheen ayuu kaga digay in aabihii iyo Xamaas aan marnaba la qancin karin haddii lasiiyo dhulka Falastiin oo kaliya, ayna u dagaallamayaan dagaal dimeed oo iyaga xaggooda aan dhamaad lahayn.

“Waa dhaqdhaqaaq diimeed, waana waxa uu qof kasta ka cabsanayo inuu yiraahdo. Xamaas haddii ay ahaan lahayd daqdhaqaaq siyaasadeed, waan qancin lahayn hankooda siyaasaded,laakinse Xamaas waa dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo aan rumaysnayn xudduud siyaasadeed. Waxay doonayaan in ay dhisaan dawlad islaami ah oo ay ka dhisaan burburka dawladda Israa’iil.

Wuxuu intaa ku daray “Waxay doonayaan inay burburiyaan dawladda iyo dadka Israa’iil. Waxay doonayaan inay dilaan qof kasta oo taageera Israa’iil, ka dibna ay abuuraan dawlad islaami ah”.

Telefishanka CNN wuxuu u sheegay "Tani ma aha dhamaadka, waayo hankoodu waa inay dunida oo dhan wada gaaraan. Waxay doonayaan inay aakhiritaanka dhisaan dawlad islaami ah”.

Wuxuu intaa ku daray inay dagaal ku qaadaan Israa’iil dhowrkii sanaba mar “marka ay lacag doonayaan”.

“Dagaalkan Israa’iil ma aysan bilaabin. Xamaas ayaa billowday, waa dhiig lacag lagu raadinayo“ ayuu yiri. “Waa in aan banaanka soo dhignaa waxa ay yihiin. “Ma aha dhaqdhaqaaq qaran“ ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Muscab oo difaacaya jaajuusnimadiisa wuxuu intaa ku daray in loo baahan yahay in la aado “maska madaxiisa“ oo yaalla buu yiri Dooxa, Beyrut iyo meel kasta oo ay joogaan "madaxa halaga jaro dabadu ha dhimatee“ ayuu yiri.

Aabaha dhalay ninkaas wuxu ka mid ahaa 60 hogaamiye oo tdobaadkii hore la soo xiray ka dib markii weerar lagu qaaday daanta galbeed.

Muscab Xasan Yuusuf wuxuu ku dhashay 5tii Maajo ee sannadkii 1978-kii Ramallah oo 10 KM u jirta Quddus. Hay’adda sirdoonka gudaha Israa’iil ee Shin Bet waxay u aragtaa isha ugu qiimaha badan. Waxaa la aaminsan yahay in dhowr goor oo la xiray ka dib ay is fahmeen isaga iyo sirdoonka Israa’iil.

Wuxuu gacan ka gaystay in laga hortago tiro weerarro dilal ah, isagoo sidoo kalena kashifay unugyo xamaas ka tirsan. Wuxuu kaloo Israa’iil ka caawiyey inay ugaarsadaan mintidiinta oo xitaa ay soo xiraan aabihii, Sheekh Xasan Yuusuf

1999 ayuu ka baxay diinta islaamka isagoo qaatay diinta masiixiga. Wuxuu ka soo tagey daanta galbeed sannadkii 2007, wuxuuna u soo guuray Maraykanka. Magaalada San Diego ayuu muddo ku noolaa.

Aabbaha dhalay ninkaas oo ka mid ah raggii wax ka aaaasay ururka Xamaas wuxuu ka mid yahay dadka aad u fog marka laga hadlayo qaddiyadda Falastiin. Sheekh Xasan Yuusuf oo ila qabashiida ahaa maas’uuliyiinta Xamaas ee daanta Galbeed wuxuu ka mid ahaa dadaka aaminsan inaan Israa’iil wax wadahadal ah lala yeelan.

Waxaa kaloo loo arkaa inuu ka mid yahay "hogaamiyeyaasha ruuxiga ah ee Xamaas“.

Shiikhu wuxuu dayriyey wiilkiisa Muscab wuxuuna u arkay inuu dhabarka ka jabiyey qaddiyadda Falastiin, laakinse dad badan oo Maraykan iyo Israa’iiliyiin ah waxay u arkaan Muscab inuu geesi yahay.