You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sida haweenkaan Masiixiyiinta ah ay u diideen in ka baxaan Qasa oo duqeyn culus ay ku socoto
Maria del Pilar iyo Maria del Perpeto Socorro oo asal ahaan ka yimid dalka Peru waa adeegayaal ka tirsan Kaniisad ku talla magaalada Gaza, taas oo ah Kaniisadda Katooliga kaliya ee ku taal Dhulka Falastiiniyiinta.
Mataanahan waayeellada ah, waa adeegayaal Masiixiyiin ah oo ka tirsan Machadka Caalamiga ah ee (IVE) kuwaas oo, ay weheliyaan soorooyin ka socda kooxo diimeed kale, waxay isku dayayaan inay caawiyaan in ka badan 600 oo qof oo Gaza iyo gudaha kaniisadda ku nool, oo ay ku jiraan carruurta naafada ah iyo dadka waayeelka ah ee xanuunsanaya.
Israa’iil ayaa billowday duqeymaha Qaza dhowr saacadood kaddib markii Xamaas ay weerartay Israa’iil 7-dii Oktoobar, halkaas oo ay ku dishay 1,400 oo qof, in ka badan 200 qofna ay qafaasheen.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza, oo ay maamusho Xamaas, in ka badan 5,000 oo muwaadiniin ah, oo ay ku jiraan 2,000 oo carruur ah, ayaa lagu dilay duqeymahan.
Giancarlo Petraza Ruiz, oo ah madaxa qaybta qunsuliyada ee safaaradda Peru ee Masar, ayaa BBC-da u sheegay in safaaradda Peru “ay samaysay dadaal kasta oo ay muwaadiniinta Peru iyo qaraabadooda uga soo wareejin lahayd Qaza iyagoo geynaya Masar”.
Si kastaba ha ahaatee, labadan haweenka ah ayaa ku adkaystay inay sii joogaan Qaza.
Maria del Pilar, oo ah mid kamida haweenkan ayaa wax laga weydiiyay sida kaniisadda oo aan biyo iyo koronto lahayn ay ugu shaqeeyay waxa ayna ka warrantay sida uu xaalku yahay.
“Kaniisada waxaa jooga ilaa 600 oo qof. Sida magaalada inteeda kale, biyo ma haysanno, laakiin waxaan gudaha kaniisadda ku leenahay ceel biyood, biyahaas waxaan u isticmaalnaa in wax lagu dhaqo iyo suuliga oo kaliya, laakiin ma naqaano inta aan sii wadi karno in aan isticmaalno. Waxaan dadka u soo iibinnay biyaha la cabbo iyadoo qiimuhu uu ahaa saddex jibaar intii uu ahaan jiray.
Waxaa jiray in ku dhawaad labaatan masiixiyiin ah ay ku dhinteen weerar circa ah oo ay fulisay Israa’iil, balse Israa'iil ayaa beenisay in ay bartilmaameedsatay kaniisadda, afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Israa'iil ayaa BBC-da u sheegay in ay "waxyeello nafeed" ka dhalatay weerar ay Israa'iil ku qaadday " kaabayaasha dhaqaalaha ee Xamaas oo ku yaalla meel u dhow kaniisadda."
Haweeneydan oo arrintaasi faah faahin ka bixineysa iyo sida ay wax u dheceen ayaa tiri, “Waxaa lagu dilay duqeynta Israa’iil, waxaana burburay qolkii ay jiifeen, waxaana taasi keentay in qaar badan oo ka mid ah saaxiibadeen Masiixiyiinta ah la laayo, sidoo kale waxaa ku dhintay carruur”.
“Muddo dheer kadib markii ay qaraxyadu bilowdeen, waxaan markii ugu horreysay ka soo baxay kaniisadda, si aan uga qayb galo aaska qoysaska Masiixiyiinta ah, waxaan isku dayay in aan awood u yeesho in aan waxyar qaboojiyo, inkastoo aan ogahay in xanuunkoodu uu yahay mid aan la qaboojin Karin”.
Mar laweydiiyay halka lagu aasay dadka dhintay ayey sheegtay in kaniisad waliba ay leedahay xabaalo u gaar ah.
Maria, oo wax laga weydiiyay muuqaalladii argagaxa lahaa ee ay aragtay intii lagu guda jiray aaska ayaa tiri, “Nasiib darro waxa aan arkay wax laga naxo, oo aan ilaawi doonin, Marka aad ka soo qaybgasho aaska, waxa aad dareemaysaa murugo ay wiil iyo aabihiis isku macsalaameynayaan waliba aragtidii ugu dambeysay, waxaase xanuunka ugu badan la kulmaya hooyada iyo aabbaha ay carruurtoodu ka dhinteen, Waxaa jira qoysas waayay dhammaan carruurtoodii, haa dhammaan carruurtoodii hal mar”.
Waxa ay sharraxaad ka bixisay sida ay cunnooyinka ku helaan maadaama gawaari kooban oo gargaar ah ay magaalada gaareen, waxa ay sheegtay in ay si dhow u wada shaqeeyaan kaniisadaha Katooliga iyo Ortodokska iyadoo sheegtay in ay iibsadaan dhamaan waxyaabaha ay u baahanyihiin oo waliba aad qaali u ah.
Qunsuliyada Peru ee dalka Masar ayaa ku dhawaaqday in ay qaaday tallaabo lagu soo wareejinayo muwaadiniinteeda goboka, Maria wax oo la weydiiyay in ay doonayaan in ay Qasa ka baxaan iyo inkale ayaa tiri,” Maya, waxay nagala soo xiriireen safaaradda Peru ee Israa'iil iyo sidoo kale qunsuliyada Peru ee Masar, waxayna noo sheegeen in ay hayaan dhammaan macluumaadka nagu saabsan, waxay diyaar u yihiin xuduudka si ay noogu gudbiyaan meel nabdoon, laakiin weligood nama ay waydiin waxa aanu samaynayno”.
“Waxaan halkan ku noolahay afar sano tanina waa noloshayda. Tani waa kaniisaddayda. Waxaan la noolaa dadkan, mana rabo inaan baxo. Waxay u baahan yihiin caawimadayda”.
“Haa, si fiican ayaan uga warqabaa khatarta jirta, waxaana maalin walba maqlaa dhawaaqa qaraxyada. Waxaan filayaa in qof kasta oo kaniisadda ku jira uu si fiican uga warqabo khatartan.
Dhammaan kuwan Masiixiyiinta ah waxay aadi karaan gobollada koonfureed si ay naftooda u badbaadiyaan, laakiin midkoodna ma doonayo inuu halkan ka tago. Qof kastaa wuxuu rabaa inuu sii joogo kaniisaddiisa.
Israa'iil ayaa ogeysiisyo ku baahisay waqooyiga Gaza, iyadoo ka digaysa in kuwa aan tagin koonfurta Marinka Gaza "lagu eedeeyo inay la shaqeeyaan ururrada argagixisada." Maria ayaa ka hadashay sida xaalku yahay iyo waxa ay qorsheynayaan.
“Kaniisaddayada waxaa ku jira carruur naafo ah. Waxaa noo yimid dad ku socda kuraasta curyaamiinta oo aan awoodin in ay lugeeyaan, waxaana jooga dad waayeel ah oo aan awoodin in ay dhaqaaqaan. Waxaan haynaa bukaan kansar qaba ah oo lagu sameeyay qalliin maskaxda. Sidee ku suurtoobaysaa in 600 oo carruur, waayeel, jirran iyo dad curyaan ah loo wareejiyo meel kale? ma awoodno. Middaani inooma suurowdo.
Waxaanan aaminsanahay inay tahay sabab bini'aadantinimo oo ay fahmi karaan inaanan dadkan dhaqaajin karin.
Waxaan rabnaa nabad, waxaan rabnaa uun nabad.