You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxaad ka ogtahay Israa'iiliyiinta gacanta Xamaas ku jiray ka hor weerarkii 7 dii October?
Xamaas waxay weerarkii 7 dii October ku qabsatay in ka badan 200 oo maxaabiis ah, balse waxaa jira maxaabiis hore oo Israa’iiliyiin ah oo ay gacanta ku hayeen.
Mid kamid ah maxaabiistaas waxay Xamaas gacanta ku dhigtay sanadkii 2014 kii waxaana lagu magacaabaa Afria manjestu, halka kan kalana lagu magacaabo Hisham al-Sayed kaas oo ay Xamaas gacanta ku dhigtay 2015 kii. Balse dad kooban ayaa war u haya arrintaas.
Si lamid sidaas, sanadkii 2014 kii markii laba askari oo Israa’iiliyiin ah oo lagu kala magacaabo Hadar Joldin iyo Oron Shaul lagu dilay gudaha xabsiga Xamaas, ayaa walaac xoog leh la soo darsay qoysaska maxaabiisya kale ee meesha ku haray, labadaas maxbuus ayaa la dilay sanadkii 2014 kii, xilligaas oo dagaal xun uu dhex maray ciidamada Israa’iil iyo Xamaas.
Xamaas ayaa dunida galbeedku u ictiraafsan yihiin ‘urur argagixiso’. Xilliyo hore ayaa waxaa jiray Xamaas ay madax furasho xoog leh ku dalbadeen maxaabiis ay gacanta ku dhigeen.
Oron Shaul walaakiis oo la lagu magacaabo Efiram Shaul, ayaa sheegay in muddo ka badan toban sano aysan xog ka helin Xamaas, iyaga doonayay inay ogaadaan halka uu ka dambeeyo maydka wiilkoodu, isaga oo sheegay inay ka rajo dhigeen inay dib u heleen maydka.
“Sanadkii 2014 kii ayaa ciidamada Israa’iil ee Gaza waxay god hoostiis la heleen koofidii Oron iyo jaakaada aan xabadu Karin ee uu xirnaa, laakiin wixii intaas ka dambeeyay waa ay iska hilmaameen iinay labada may baadi goobaan,” ayuu BBC u sheegay Afiram.
“Hadda oo aanba ka hadlayo waxa ka badan 200 oo maxaabiis ah, waa fursad fiican oo aan ku baadi goobi karno maydka walaalkeey. Dawladdu ma aysan sameyn dadaal macne leh oo ay ay dib ugu soo celineyso maydka walaalkeey, balse hadda fursad ayayba haystaan. Dadaalada waa in la sii laba jibaaraa.”
Wuxuu sheegay in hadda loo baahan yahay in ISraa’iil ay gasho heshiis bani’aadanimo si loo soo daayo maxaabiista.
“Hadii ay Xamaas rabto koronto iyo biyo, waa inay na siiyaan maydadka iyo maxaabiista kale.”
“Sii fursad ay ku fikiraan”
Israa’iil muddo dheer ayay dalbaneysay in la sii daayo maxaabiista, lana keeno maydadka askarta dhimatay.
Sanadkii 2011 kii kadib wadahadal qarsoodi ahaa Israa’iil waxay la soo wareegtay askari xirnaa oo lagu magacaabo Gilad Shalit, taa badalkeedana waxay sii deysay 1,027 maxaabiis Falastiiniyiin ahaa oo ku xirnaa xabsiyada Israa’iil.
Israa’iil hadda waxaa ka go’an inay tirto magaca Xamaas taas oo sababaysa dhimashada kumanaan ruux oo shacab ah iyo hanti.
Isbadalka kasta ee maxaabiiseed wuxuu noqon doonaa mid adag oo muran dhaliya. Iyada oo ay badaneyso dhimashada Gaza ayaa hadana waxaa sii kordhaya carada dadka Israa’iil.
Hijai Hadas oo ah taliye hore ee milatariga Israa’iil iyo sarkaal hore oo ka tirsanaa sirdoonka, ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay wadahadalka lagu siidaayay askariga Israa’iil.
Wuxuu BBC u sheegay in kiisaska qaar ee ku saabsan afduubyada Falastiin uu yahay mid siyaasadeed, sida xaalku haatan yahayna aysan suuragal ahayn inuu dhaco wax wadahadal ah.
Wuxuu sheegay in ra’iisulwasaare Natenyahu ay u fududeed xilligaas inuu sameeyo is dhaafsi maxaabiiseed muran badan ku hareereysnaa. Heshiiskaas ayaa la dhameeyay laba sano ka hor inta aan la soo dayn askariga.
Hadas ayaa yiri: “Waqtigaan qiimuhu ma noqon doono maxaabiis ay Xamaas rabto, siyaabo kala duwan ayay noqon doonta in loo bixiyo.”
Wuxuu sheegay in Israa’iil ay hadda haysato dhawr qiyaar: hawlgal toos ah oo ay ku soo badbaadiso maxaabiista, in la adeegsado dhaqaale iyo wixii lamid ah iyo in hugaamiyaasha Xamaas la siiyo fursad.
Dooq saddexaad ayaa ku sii daray, “Waa in cadaadis la saaraa Xamaas, lana siiyo fursad ku fikiraan si ay heshiis ay nafahooda ku badbaadsadaan u galaan.”
“Waxaan aaminsanahay in Xamaas ay haysato inta badan maxaabiista, laakiin iyaga dhan gacanta kuma wada hayso. Waan hubaa Isra’iil waxay sameynaysaa wax walba oo macquul ah si ay u hesho dibna ugu soo celiso iyada oo adeegsanysa ciidan.”
Waxa kale oo uu sheegay in xitaa hadii dagaal balaaran ay Israa’iil ku qaado Gaza ay ku qasbanaan doonto in ay heshiis maxaabiista ay ku soo deynaso gasho.
Waxa kale oo uu sheegay in Isra’iil ay qiimeynayso nafaha dadkeeda oo ay bixineyso wax walba oo suuragal ah.