Ma laga yaabaa inuu dhaco dagaalkii saddexaad ee dunida hadii Iran iyo Maraykanku soo galaan dagaalka Gaza

Caalamka ayaa ku mashquulsan weerarkii aan hore loo arag ee ciidamada Xamaas ay ku qaadeen Israa’iil 7-dii October, iyo sidoo kale cawaaqib xumada ka dhalan karta, sida weerarrada Israa’iil ee Gaza iyo suurtagalnimada in weerar dhulka ah lagu qaado Gaza.

Waxaa jira boqollaal su’aalood oo ku saabsan saameynta colaaddu yeelan karto iyo waxa uu keeni karo, waxaana dad badan ay is weydiiyeen in dalal kale ay ku lug leeyihiin dagaalka iyo in kale.

Weriyeyaasheenna oo in badan oo ka mid ah ay hadda ku sugan yihiin gobolka ayaa su'aalaha hoos ku qoran waxa ay hor dhigay dadka u dhuun daloola dagaaladaan iyo hadba xaalka meesha uu marayo iyagoona soo uruuriyay jawaabaha.

Haddii Iran iyo Ameerika ay galaan dagaalkan, suurtagal ma tahay in ay horseedaan dagaalkii saddexaad ee adduunka?

Jeremy Bowen, oo ah tafatire caalami ah oo BBC-da ka tirsan, kana soo jeeda koonfurta Israel, ayaa yiri: ‘’Mr Joe Biden oo wax laga weydiiyay suurtagalnimada faragelinta Iran ama xulafadeeda Xisbullah ee Lubnaan, wuxuu ka gaabsaday in uu ka jawaabo.

Maraykanka ayaa laba markab oo dagaal ah u diray bariga dhexe si ay fariin adag ugu noqoto Iran in aanay galin colaadan.

Waxay sheegeen in haddii ay cidi soo farageliso, ay wajihi doonaan dhammaan ciidamada Maraykanka, ma aha oo kaliya Israel.

Cabsida ugu weyn ee jirta ayaa ah in hadii uu iska hor imaad ka dhaco Bariga Dhexe loo kala safan doono Maraykanka iyo xulafadiisa iyo Iiraaniyiinta iyo xulafadooda.

Labada dhinacba way ogyihiin khatarta, Hadii colaadaasi ay ka baxdo dagaal qabow oo ay isu badasho dagaal kulul, waxa bariga dhexe ka qarxi kara dagaal weyn oo meelo badan ku fidi kara.

Waa maxay hadafka dagaalka ay qaadi rabaan ciidamada dhulka Israel?

Liz Dost, oo ah weriyaha BBC-da uga soo warama koonfurta Israel ayaa tiri:

Maalmihii hore ee Dagaaladka, Israa'iil waxay wacad ku martay inay "Dagaal culus la gali doonto Xamaas" iyadoo burburinaysa awoodda gantaallada ee ururka iyo sidoo kale in ay weerarto shabakadooda kuwaas oo deegaan u ah godad dhulka hoostiisa ku yaal.

Israa'iil waxay leedahay awood ciidan waxa ayna dhowr jeer oo hore sameeyeen isku dayo ah in ay burburiyaan kaabayaasha dhaqaalaha ee Xamaas.

Laakiin hadda ma cadda waxa ay Israa’iil kala kulmi karaan Qaza.

Xamaas ayaana muddo badan waxa ay wadeen dib u dhisid iyo qalabeyn ciidan iyo abaabul xoog leh, iyagoona diyaar u ah in ay wajahaan jawaabaha adag ee uga imaan kara Israel.

Weerarka laga baqayo in ciidamada lugta ee Israa’iil ku galaan gudaha Qaza ayay isku diyaarinayaan in ay wajahaan ururka Xamaas, waxa ayna wacad ku mareen in ay magaaladooda difaacdaan waana kuwo diyaar u ah in ay u dhintaan hadafkooda.

Muxuu ahaa hadafkii Xamaas ee weerarkaan?

Weriyaha dhanka amniga Frank Gardner wuxuu leeyahay: "Afhayeenka Xamaas Mohammad Zaif ayaa sheegay in ay heystaan wax ku filan oo uu kala jeeday "in ururka uu gaaray isku filnaasho."

Waxa uu sidoo kale sheegay in weerarkani uu jawaab celin u ahaa daan daansiga iyo faragalinta ay Israeliyiinta ku hayeen Gaza iyo Daanta Galbeed iyo sidoo kale bahdilka ay ku hayeen Xamaas iyo Falastiiniyiinta.

Falanqeeyayaasha ayaa rumeysan inay jiri karaan sababo kale oo aan la shaacin.

Kahor inta uusan dhicin weerarkaan, Israel iyo Sacuudi Carabiya ayaa ku sigtay in ay kala saxiixdaan xiriirkooda oo heshiis gaaraan.

Iran iyo Xamaas labaduba way ka soo horjeedeen xidhiidhkan, Sacuudiga ayaana hakiyay wadahadaladaasi.

Laakiin hoggaanka Xamaas ayaa ogaaday kala qaybsanaanta iyo qilaafka ka dhexjira gudaha Israa’iil taas oo ay sabab u tahay dib-u-habaynta garsoorka ee ay soo jeedisay xukuumadda garabka midig ee Benjamin Netanyahu.

Weerarka ay qaadeen ayaa sidoo kale dhabarjab xanuun badan ku noqday Israa’iil.

Muslimiintu waxay ka hadlaan walaaltinimada Islaamka. Sidee Muslimiinta Masaarida u ilaalin karaan xuduudka Gaza?

Tafatire, Jeremy Bowen, oo ka soo warrama koonfurta Israa'iil, ayaa yidhi: Islaamku waa diin, laakiin qasab maaha inay meesha ka saarto khilaafaadka siyaasadeed iyo amniga qaranka.

Waxaan hubaa in malaayiin Muslimiinta Masar ah ay doonayaan in la yareeyo dhibaatada lagu hayo dadka rayidka ah ee Gaza.

Laakiin dawladda Masar ma ogola in si caadi ah loogu soo galo Gaza oo la sii maro isgoyska Rafah, xitaa xilliyada nabadda, Tan iyo markii Xamaas ay xukunka la wareegtay 2007, Masar ayaana saaxiib dhaw la ahayd Israa’iil waxa ayna ka garab siisay go’doomin lagu sameeyay Gaza.

Xamaas ayaana asal ahaan ka soo jeeda ururka Ikhwaanul Muslimiin oo ah urur lagu aasaasay Masar qarni ka hor.

Ikhwaanul Muslimiinku waxay rabaan inay qaabeeyaan dawladaha iyo bulshooyinka meelaha ay xukumaan waxa ayna ku saleeyaan ku dhaqanka caqiidada Islaamka.

Maamulka Masaarida ee hadda talada haya ayaa dhowr jeer xiriir la sameeyay Xamaas, waxaana uu horay u dhex dhexaadiyay Xamaas iyo Israa’iil, Balse masar ma doonayso in ay aragto qulqulka qaxootiga Falastiiniyiinta.

Xeryaha Qaza ayaa weli jira 75 sano ka dib markii loo aasaasay in la dejiyo dadka qaxootiga ah ee ay deegaanadoodii ka saartay Israa’iil oo aan loo oggolaan in ay dalkooda ku laabtaan.

Xamaas ma gashay dambi dagaal?

Weriye Paul Adams oo ka faalooda arimaha bariga dhexe ayaa ku jawaabay:

Dagaalkii 7-dii Oktoobar, Israa’iil waxay u ahayd fal argagax leh, waxa uuna xasuusiyay dagaalo muddo ka hor ah iyagoona sanado badan isku arkayeen in ay iyaga gacan sareeyaan.

Dowladda Benjamin Netanyahu ayaa wacad ku martay aargudashada boqolaalka looga dilay dagaalka iyagoona sheegay in ay dileen ugu yaraan labo taliye oo Xamaas ah oo ay u arkeen inay mas’uul ka yihiin weerarkii dhacay.

Waxaa laga yaabaa in su’aalo la iska weydiiyo hoggaanka siyaasadda ee ururka, oo ku nool Qatar iyo Lubnaan, kuwaas oo qaarkood ay sheegeen in aysan ka warqabin qorshaha garabkooda millatari uu ku doonayo in lagu weeraro gudaha Israa’iil.

Maxay Qaramada Midoobay u faragelin la'dahay weerarrada cirka ee Israa'iil ee Gaza?

Weriyaha Diblomaasiyadda James Landale ayaa ku jawaabay:

Sababta ugu weyn ee dalal badan aysan ugu boorin Israa’iil inay joojiso duqeymaha dhanka cirka ah ayaa ah inay aqbaleen in Xamaas ay soo weerartay dalkaan, isla markaana uu dalkaasi xaq u leeyahay inuu is difaaco.

Waxa laga doodi karo waa xakamaynta sida Israa'iil isu difaacdo.

Qaramada Midoobay ayaa uga digtay Israa’iil inay ka fogaato waxyeelo soo gaarta dadka rayidka ah.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa maalmo ka hor yiri: "Waa in la ixtiraamaa oo la dhowraa sharciga caalamiga ah ee bini'aadantinimada iyo sharciga xuquuqul insaanka, dadka rayidka ah waa in la ilaaliyo oo aan marnaba loo isticmaalin gaashaan bani'aadam."

Maxay ciidamada Israa’iil oo awooddooda sirdoon iyo qalab casri ah oo wax lagu dhageysto wata u arki waayeen calaamadaha digniinta ah ee weerarka Xamaas?

Yolande Kennel, weriyaha Bariga Dhexe ee Jerusalem, wuxuu leeyahay:

Horey ciidamada Israa’iil waxa ay saxafiyiinta uga furteen xarunta laga hago kormeerka Gaza, waxaana cad in ay hayaan xog aad u wanagsan oo ah dhaq dhaqaaqa dhulka ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo kamaradaha kale.

Israa'iil sidoo kale waxay leedahay shabakad sirdoon oo xog-ururin ballaaran.

Dagaalladii May ay la gashay ururada Jihaadiyiinta Islaamiga ah, waxaa la arkayay sida saxda ah ee ay Israa’iil xogta uga heli karto halka ay joogaan dagaalyahannada ka soo horjeeda.

Saraakiisha ciidamada Israel ayaa shirarkooda ku qirtay in ay ku fashilmeen dhanka amaanka iyo sirdoonka marka loo eego weerarkii dhimashada iyo dhaawaca badan ka soo gaaray ee Xamaas.

Laakiin waxaa jira xogo sheegaya in Israa’iil ay haysato liis dheer oo faahfaahsan oo ku saabsan meelaha ay Xamaas ku sugan tahay oo ay beegsan doonto marka ay ciidamadeedu soo galaan gobolka.

Haddii Lubnaan ay soo dhex gasho, intee ayay le'eg tahay xoogga Xisbullah marka loo eego Xamaas?

Hugo Bashega ayaa warbixintan ka soo diray koonfurta Lubnaan wuxuuna yidhi:

Ururka Xisbullah oo ah dhaqdhaqaaq ciidan, siyaasad iyo bulsho oo reer Lubnaan ah, ayaa Israa’iil waxay muddo dheer u aqoonsanaysay inay tahay cudud aad uga saameyn badan Xamaas.

Sida laga soo xigtay xarunta istaraatiijiyada iyo daraasaadka caalamiga ah, kooxdan aadka u hubaysan ee ay taageerto Iran ayaa haysta ku dhawaad 130,000 oo gantaalo ah.

Inta badan hubkani waxa uu ka kooban yahay gantaalo yar yar oo ay dadku qaadi karaan iyo madaafiic.

Laakin Hezbollah waxa ay haysataa gantaalada lidka diyaaradaha iyo maraakiibta sidoo kale gantaalo la hago oo awood u leh in ay si qoto dheer u galaan Israa’iil.

Hezbollah aad ayey uga casrisan tahay waxa Xamaas haysato.

Hoggaamiyaha Xisbullah ayaa sheegay inuu haysto 100,000 oo dagaalyahan, inkastoo qiyaasaha madax-bannaani ay tiradan ku sheegeen inta u dhexeysa 20,000 iyo 50,000 oo dagaalyahanno ah. Qaar badan oo ka mid ah dadkan ayaa ah kuwo la tababaray oo khibrad u leh dagaalka waxayna sidoo kale ka soo dagaallameen dagaalka sokeeye ee Suuriya.

Marka la barbardhigo, sida ay Israel sheegtay, Xamaas waxay leedahay ilaa 30,000 oo askari.

Xamaas ma ka dhistay Marinno hoos mara isbitaallada iyo dugsiyada hoostooda?

Liz Dost, oo ah weriyaha BBC-da uga soo warama koonfurta Israel, ayaa tiri:

Marinada Qaza ayaa ah goobo aad u baaxad weyn oo ciidamada Israa’iil ay ugu yeeraan Qasada labaad dhulka hoos.

Daloolada hoose waa qayb muhiim ah oo kaalin weyn ka qaata hawlgallada Xamaas, waxaana loo isticmaalaa in lagu raro badeecadaha, laguna raro dadka, lagu kaydiyo hubka iyo rasaasta, laguna sameeyo xarumo laga maamulo ururka.

Waxaa la og yahay in godadkaan si weyn loogu xoojiyay shubka oo ay leeyihiin koronto, waana kuwo aad u qoto dheer, mararka qaarkoodna ilaa 30 mitir ayay hooseeyaan, oo ay adagtahay in si buuxda loo sheego halka ay ku yaalaan.

Laakin waxay aad ugu dhowdahay in shabakada baaxadda leh ee dhulkan aadka u yar ay hoos mari doonto xaafado, isbitaalo iyo dugsiyo dadku ku badan yihiin.

Waxaa jira warar sheegaya in isgoysyada qaar ay leeyihiin meelo laga soo galo oo ku yaala dabaqyada hoose ee dhismayaasha, masaajida, iskuulada iyo dhismayaal kale oo dadweyne, taasoo u ogolaaneysa dagaalyahanada inay ka baxsadaan in la ogaado. Milateriga Israa’iil ayaa marar badan ku eedeeyay Xamaas inay ku dhuumaaleysanayaan godadkan.

Maxaa Gaza ku dhici doona?

Weriye Paul Adams ayaa ku jawaabay:

Israa’iil ayaa sheegtay in ay rabto oo kaliya burburinta Xamaas mana jirto sabab ay ugu fakarto in ay dib u qabsato goobtii ay ka baxday 20 sano ka hor.

Qaar ka mid ah xubnaha mucaaradka ku ah Israa’iil ayaa sheegay in loo baahanyahay in Dowladooda ay ka taliso Qaza si ay meesha uga baxdo weerarada laga soo abaabulayo marinka oo ay ku dhimanayaan shacabkooda iyo in Israa’iil ay si buuxda u maamusho, dhinacyada ka soo horjeeda ayaana u arka in aysan suurtagal noqo karin arinkaas.

Dabcan digniinta Israa’iil ee ku wajahan Falastiiniyiinta in ay guryahooda ka baxaan ayaa waxa ay cabsi ku abuuraysaa marinka Qaza oo looga baqayo in Israa’iil leedahay hadaf dahsoon oo keeni kara in ay soo noqoto wixii dhacay 1948-kii oo ay falastiiniyiintu u arkayeen dulmi, taas oo sababtay in boqolaal kun oo Falastiiniyiin ah laga saaro guryahooda.

Sarkaal hore oo ka tirsan ciidamada Israa’iil ayaa sheegay inuu rajaynayo in Israa’iil, ay gacanta ku dhigi karto Daanta.

Waxaa kaloo jira wadahadallo ku saabsan in Gaza lagu wareejiyo maamulka Falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed, taas oo lagu qasbay inay ka baxdo Gaza 2007 ka dib dagaal gaaban oo dhiig badan ku daatay oo dhexmaray iyaga iyo Xamaas.

Iyadoo la tixgelinayo burburka ay sababeen duqeymaha Israel, dib u dhiska Gaza waxay noqon doontaa hawl aad u weyn.