Maxaa kugu dhacaya haddii aad afka ka neefsato, maxayse culimada caafimaadku ka dhaheen?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dad badan ayaa inta badan la kulma hargab inta lagu jiro xilliga gu'ga iyo neefsashada oo ku adkaata sababtoo ah sanka oo xiran.
Iyaga oo aan awoodin in ay ka neefsadaan sanka, qaar baa afka ka neefsada. Ma wanaagsan tahay in afka laga neefsado? Maxaa dhacaya haddii aad tan sameyso? Aan aragno waxay khubaradu yiraahdaan.
Celcelis ahaan waxaan neefsannaa 10,000 ilaa 12,000 litir oo hawo ah maalintii. Hawadani waxa kale oo ay ka kooban tahay boodh, bakteeriya, fayras. Kuwani waxay maraan marinka neefsiga waxayna gaaraan sambabada.
Balse uma baahnid inaan ka walwalno arrintan. Nidaamkeena neefsashadu waa yaqaan sida loo nadiifiyo wasakhdaas. Maxaa yeelay nidaamka neefsashada, kaliya qaybo yaryar oo ilaa saddex micron ayaa u gudbi kara sambabada.
Sidee habdhiska neefsigu u sifeeyaa wasakhda iyo jeermiska aynu neefsano hawada? Si aad u ogaato jawaabta su'aashan, marka hore waxaan u baahanahay inaan ogaano waxaa loo yaqaan "Cilia".
Cilia, waa timo dhuudhuuban oo ku samaysay sankeena kuwaas oo ka khafiifsan tahay caarada irbadda.
Waxa jira kumanaan timahan ah oo ku jira marinkeena neefsiga. Inta u dhaxaysa 25 iyo 35 oo timahaas ah ayaa laga helaa unug kasta oo sanka ah. Midkiiba waa shan ilaa todoba microns.
Waxay ku jiraan unugyo, waxayna u eg yihiin burush. Shaqadoodu waa inay ka hortagaan galitaanka noolaha yaryar ee ballac ahaan ka yar 0.5 mm sankeena.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shaandhooyinka ku jira sankeenna

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhanka kale, nudaha sanka ku jira ayaa sidoo kale u adeega si ay u shaandheeyaan jeermiska hawadu qaado. Waxaa kal eoo jira inay jeermiska qaar u ogolaadaan inuu jirka galo balse kaliya waa mid aan waxyeelada u lahayn jirkeena.
Sida laga soo xigtay IAGs, unugyada difaaca jirka ee ay soo saaraan unugyada nooca-B, waxay door weyn ka ciyaaraan ka hortagga cudurada waxyeelada leh inay ka gudbaan dalooolka sanka oo ay galaan jirka.
Maxaa dhacaya markaad afka ka neefsato?
Shaqada ugu weyn ee afkeenu qabtaa waa in cunadu sii marto, balse ma jiraan shaandho wax sifaysa oo ku taalla afkeena haddii aan ka neefsano.
Afkeennu wuxuu leeyahay nidaamka microbes-ka cuntada taas oo ah kaliy aah inay qabto inay saameeyaan jirkeena.
Taasi waa sababta aynaan cuntada sanka uga cunin. Sidaa darteed, ha ka neefsan afka.
Maxaa dhacaya markaad afkaaga ka neefsato muddo dheer?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dadka qaar ayaa afka ka neefsada sababo la xiriira isbeddellada hidde-sidaha qaarkood iyo sidoo kale dhibaatooyinka marin-haweedka sanka.
Neefsashada afka waxay keentaa dhibaatooyin hurdo.
Daraasad la soo saray ayaa lagu ogaaday in caruurta yar yar ay saamayn ku yeelato haddii ay afka ka neefsadaan gaar ahaan saamyn ay ka gaarto dhanka lafaha wajiga.
Waxaa kale oo cilmi baaris lagu sheegay in ay keento dhibaatooyin ku dhaca lafaha iyo ilkaha.
Dadka qaangaarka ah ayaa sidoo kale daraasaduhu sheegayaan in neefsashada afku ay u keeni karto xanuuni ka haleela dhanka wejiga, qoorta iyo sidoo kale madax xanuun.
Sannadkii 2020-kii waxaa arrintan daraasad ka sameeyey Golaha Guud ee Kulliyadaha Dhakhaatiirta Ilkaha iyo Stomatologists ee Spain oo si gaara daraasadooda ugu eegay samaynta neefsashada afka.
Daraasaddu waxay daaha ka qaaday in kala bar carruurta da’adoou tahay labo iyo tobban sano jir ay neefsashada afku u keento dhibaato weyn oo dhanka ilkaha ah.
Daraasad la mid ah ayaa sidoo kale lagu ogaaday in dadka qaangaarka ah, ay neefsashada afku dhibaato kaga samayso dhanka qoort, taasoo keenta muruqyada oo xanuuna
Haddii aad wax shaki ah ka qabtid faa'iidooyinka neefsashada sanka, isku day neefsashada afka.
Haddii neefsashada sanku ay tahay arrin caadi ah, neefsashada afka waxay keentaa xoogaa cadaadis ama falcelin jirka ah.
Si kastaba ha ahaatee, khubaradu waxay ku talinayaan inaad afkaaga ka neefsan karto oo keliya xaaladaha degdegga ah marka ay jiran kuwaas oo cilmi baariysadu muujinayaan in haddii waqti dheer sii socoto ay waxyeeladu sii badan karto













