Moroko: Waa gabar ku dhalatay dhulgariir noloshuna uga bilaabatay wadada dhinaceeda

Gabar ku dhalatay dhulgariir

Ilmaha ay dhashay Khadiijo weli magac ma leh, laakiin gurigeedii ugu horreeyay waa teendho waddada dhinaceeda ku taal.

Waxa ay dhalatay daqiiqado yar ka hor dhulgariirkii ku dhuftay Moroko habeenimadii Jimcaha.

In kasta oo hooyada iyo gabadheeduba bed qabaan, haddana cusbitaalka Marrakesh oo ay ku jireen waa laga saaray. Baaritaan degdeg ah ka dib, waxaa laga codsaday inay baxaan saddex saacadood ka dib dhalmada.

"Waxay noo sheegeen inaan ku qasbanahay inaan baxno cabsi laga qabo dhulgariir dambe awgii," ayay tiri khadiijo.

Iyaga oo umul cusub ah, Khadiija iyo ninkeeda waxay isku dayeen inay taksi u raacaan subaxnimadii hore ee Sabtida gurigooda oo ku yaal magaalada Taddart ee buuraha Atlas, oo qiyaastii 65km u jirta Marrakesh.

Laakin markii ay halkaasi ku sii socdeen ayaa waxa ay ogaadeen in wadooyinku ay go’een dhul go’ay uu dhul gariirku keenay awgii, waxa ayna dhaafi waayeen tuulada Asni.

Qoyskan ayaa tan iyo markaas daganaateendho ku taal wadada weyn dhinaceeda.

"Wax caawimo ah ama gargaar ah kama helin mas'uuliyiinta," ayay noo sheegtay, iyadoo haysa ilmaheeda oo dugaal ka dhiganaysa qorraxdana kaga gabanaysa teendhi jilicsan.

"Waxaan ka codsanay dadka qaar ee tuuladan inay bustayaal nagu caawiyaan."

Tan iyo markaas, waxay ku guuleysteen inay dhistaan teendho iska nugul. Khadiija waxa ay noo sheegtay in ay ilmaha yar u hayso oo kaliya hal joog oo dhar ah.

"Ilaah oo keliya ayaan leennahay," ayay raacisay.

Saaxiibada xaafadooda ayaa qoyska u sheegay in gurigoodu uu aad u burburay, mana garanayaan goorta ay heli karaan meel ku haboon inay degaan.

Moroko

Cadhada sii kordhaysa

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Meel aan ka fogayn teendhadii Khadiija waxaa ka muuqda calaamado muujinaya niyad-jabka sii kordhaya ee ka imanaya caawinta yar ee gaadhay magaalooyinka iyo tuulooyinka dhulka miyiga ah ee buuraleyda ah ee koonfurta Marrakesh.

Asni waxa ay 50km u jirtaa Marrakesh, balse dadku waxa ay sheegeen in ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah.

Dad cadhaysan ayaa isku gadaamay weriye deegaankaas ka tirsan, iyaga oo cadhadii kula kufay isaga.

"Annagu ma haysanno cunto, ma haysanno rooti iyo khudaar, waxba ma haysanno," ayuu yiri mid ka mid ah dadkaas oo diiday in magaciisa la sheego.

"Cid noomay iman, waxbana ma hayno, Ilaah iyo boqorka oo keliya ayaannu haysannaa."

Tan iyo markii uu dhulgariirku ku dhuftay waxa uu ku noolaa hareeraha waddada weyn ee tuulada isaga iyo afar carruur ah oo uu dhalay. Gurigiisii weli wuu taagan yahay laakiin dhammaan gidaarada ayaa aad u dildilaacsan, waxayna aad uga cabsi qabaan inuu dumo.

Xoogaa busteyaal ah ayey soo qaateen waxayna ku guulaysteen in ay soo laabtaan hadda busteyaasha oo kaliya ayey ku seexdaan.

Gaari weyn oo nooca xamuulka qaada ah ayaa soo ag maray waxayna dadka qaar isku dayeen in ay joojiyaan, iyaga oo rajo ka qaba inu agab iyo cunno sido. Laakiin orod ayu uku dhafay.

Weriyaha oo ku sugnaa bartamaha dadka ayaa waxaa goobta ka qaaday ciidamada booliska, waxaana weli daba socday dad doonaya cid ay ku cadha baxaan.

dad

Teendhooyin

Dadka qaar ayaa sheegaya inay teendhooyin ka heleen maamulka, balse ma jirto tiro teendhooyin ah oo ku filan dhammaan dadka u baahan.

Waxaa halkan ka dhow Mbarka, oo ah qof kale oo ku nool teendho.

Waxay nagu hogaamisay waddooyin u baxa dhinaca gurigeeda oo aanay hadda ku noolaan karin.

"Ma haysto wax aan ku dhiso guriga, ma garanayo waxa dhici doona," Mbarka ayaa yiri.

"Waqtigan xaadirka ah, dadka deegaanka ayaa na caawinaya."

Waxay la noolayd labadeeda gabdhood, wiil ay soddoh u tahay iyo saddex ay ayeeyo u tahay.

Markii gurigu bilaabay inuu gariiro ayay bannaanka u soo yaaceen, waxaa ku sigtay inuu kusoo dumo guri aad uga weyn kooda oo dhidibbadu u dilaaceen kadibna soo siibtay balse u dhacay dhinaca kale.

"Waxaan u maleyneynaa in dowladdu ay na caawin doonto," ayuu yiri wiilka ay soddogga u tahay ee Abdelhadi, "laakiin waxaa jira 120 tuulo oo aagga ka dhow."