Colaadda Itoobiya: Yaa guuleystay Abiy Axmed iyo TPLF?

Xigashada Sawirka, Fana Broadcasting Corporate
Quwadaha shisheeye ayaa si weyn u soo dhaweeyay xabad joojinta ay wada saxiixdeen xukuumada Itoobiya iyo madaxda Tigrayga ee lagu soo afjarayo dagaalka arxan darada ah ee ka socda waqooyiga dalkaasi, isla markaana loogu furayo mucaawinada dadka halista ugu jira macluusha, balse su’aashu waxay tahay in uu guulaysan doono iyo in kale.
3 maalmood ka dib markii sacabka loo tumay xafladii lagu saxiixayay heshiiska oo ka dhacday caasimadda dalka Koonfur Afrika ee Pretoria, ayaa waxaa wali cirka isku sii shareeraya dhawaqa madaafiicda iyo diyaaradaha ku dul wareegaya buuraha Tigrayga.
Heshiisku wuxuu si weyn u waafaqsan yahay ujeeddooyinka Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed markii uu bilaabay wax uu ugu yeeray "hawlgal sharci-fulin" oo ka dhan ah xisbiga talada haya ee gobolka - Tigray People's Liberation Front (TPLF) - laba sano ka hor.
Waxaa jiri doona hab wada xaajood ah oo hub ka dhigis loogu sameeynayo dagaalyahanada Tigrayga.
Heshiiska uu Mr Abiy la galay TPLF uma dhicin sidii ay rabeen "Dowladda Tigray".
Heshiiska waxa uu diidayaa doorashadii 2020 ee Tigray, oo ay ku guulaysteen TPLF, wuxuuna qorsheynayaa doorasho cusub.
Si kastaba ha ahaatee, dowlada dhexe ayaa ka dalbatay kooxda TPLF inay gabi ahaanba isa soo dhiibto balse taas uma aysan suurogelin.
Waxa ay dowladda ballan qaadday in ay meesha ka saarayso in kooxda TPLF ay tahay urur Argagixiso, ayna gorgortan siyaasadeed kala gali doonto sidii Tigray loo maamuli lahaa.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Heshiisku wuxuu xooga saarayaa in labada dhinacba ay u hogaansamaan dastuurka federaalka ee jira.
Waxaa ka mid ah in lagu xalliyo xaaladda degaannada ay ka midka yihiin galbeedka Tigray-ga EE qaniga ku ah beeraha - oo ay la wareegeen gobolka dariska ah ee Axmaarada toddobaadyadii hore ee dagaalka - iyadoo loo marayo hab dastuuri ah.
Qodobka bini’aadantinimo ee heshiiskani waxa uu albaabada u furayaa soo afjarida gaajada ee galaafatay nolosha dad gaaraya hal milyan oo qof.
Kadib laba sano oo go’doomin iyo gaajo, iyo cadaadis militari oo aan kala joogsi lahayn oo kaga yimid ciidamada isku dhafka ah ee Itoobiya iyo Eritrea oo ay weheliyaan ciidamada gobolka Axmaarada, madaxda Tigraygu waxay sameeyeen tanaasulaad aad u weyn.
Xisaabtoodu waxay u muuqataa inay ka fakareen badbaadada dadka Tigray ay naftoodu halis ku jirto.
In ka badan hal milyan oo qof ayaa barakacay tan iyo markii ay dagaalladu dib u soo cusboonaadeen bishii Ogosto, iyaga oo aan awoodin in ay goostaan dalagyadii at tabcadeen.
Dadka ayaa u dhimanaya cudurro la daweyn karo iyadoo isbitaallada ay ka dhammaadeen dawooyinka aasaasiga ah sida insulin iyo antibiyootiga.

Xigashada Sawirka, AFP
Su'aalo muhim ah
Waxaa jira su'aalo badan oo aan laga jawaabin. Saddex ayaa si gaar ah muhiim u ah.
Tan koobaad waa Eritrea.
Sida laga soo xigtay dublamaasiyiin reer galbeed ah, weerarka milatari ee lagu jabiyay xayndaabka difaaca Tigrayga wuxuu ahaa hawlgal ay iska kaashadeen Eritrea iyo Itoobiya oo laga soo hagayay Asmara.
Ereteriya laguma xusin magac ahaan heshiiska. Laakiin qoraalka waxaa ku jira qodob lagu soo afjarayo "wadashaqeynta lala yeelanayo xoog kasta oo dibadda ah oo cadow ku ah labada dhinac", kaas oo loo maleyn karo in loola jeedo Eritrea.
Dad badan ayaa shaki gelin doona in dowladda federaalku ay awood u leedahay fulinta arrintan. Madaxweynaha Eritrea Isaias Afewerki ayaan heshiiska qayb ka ahayn, wuxuuna leeyahay awood uu ku sii wado dagaalka iyadoo aan loo eegin heshiis kasta oo uu gaaro Mr Abiy.
Su’asha labaad waa la socodka iyo xaqiijinta
Heshiisku waxa uu guul u yahay Istaraatiijiyadda Diblomaasiyadeed ee Itobiya ee ah in Beesha Caalamka ay soo farageliso.
Habka kormeerka, xaqiijinta iyo u hogaansanaanta ayaa ka kooban kaliya dad yar - ugu badnaan 10 qof - kuwaas oo u warbixiya guddiga Midowga Afrika (AU) ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo.
Waa dhaqan caadi ah in heshiisyada nabadeed ee heerkoodu sareeyo ay markhaati ka noqdaan saaxiibada caalamiga ah.
Xaaladdan oo kale, AU waxay u oggolaatay oo keliya UN, US iyo urur goboleedka Igad ee Bariga Afrika, laakiin midkoodna ma saxiixin heshiiska.
Saddex waa cadaaladda iyo isla xisaabtanka
Heshiisku wuxuu dhigayaa in dawladda Itoobiya ay dejiso "siyaasad cadaalad u dhisan oo ku-meel-gaar ah ahna heer qaran ah oo dhammaystiran", iyada oo aan la sheegin inay jiri doonaan baaritaanno caalami ah, tusaale ahaan Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ama Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Afrika.
Mr Obasanjo waxa uu arkay in saxiixidda heshiiska ay tahay tillaabada ugu horreysa, isla markaana fulintiisa ay tahay shaqo aad u adag.
Rajada nabadda iyo soo afjarida gumaadka iyo gaajada ka jirta Tigrayga iyo xasilinta Itoobiya waxay inta badan ku xiran tahay daacadnimada dowladda federaalka ah iyo qaabka ay u wajahdo.
Tijaabada ugu horreyso ayaa noqon doonta ballan qaadka dowladdaee ah inay si wadajir ah shirarka ula qabtaan kooxda TPLF iyo in la joojiyo "dacaayadaha hadalada iyo nacaybka ee cadowtinimada horseedaya ".
'Erayada bahdilaadda ah'
Dadka Tigreega ah ee jooga gudaha iyo qurbaha ayaa si niyad jab leh u soo dhaweeyay heshiiska.
Waxaa suurtogal ah in qaar ka mid ah taliyayaasha Tigreegu ay doorbidaan inay sii wadaan dagaalka jabhadeynta ah intii ay u hoggaansami lahaayeen waxa ay u arkaan inay yihiin shuruudo nabadeed oo bahdil ah.













