Mo Farah ma ka hadhay tartanka Olombigga ee Tokyo 2021?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Rajadii Mo Farah oo laba goor oo hore ku guulaystay horyaalka orodka Olombigga ee 10,000 mitir ee uu haatanna ugu safan lahaa UK tartanka Olombigga, ayaad mooda in ay hoos u dhacday maadaama oo uu ku soo bixi waayey is reebreebka tartanka 10,000 mitir ee Yurub.
Ninkan oo haatan 38 jir ah ayaa kaalinta sideedaad galay oo wuxuu ku xigay ninka ay isku wadanka yihiinee Marc Scot, tartankaas oo sidoo kalena loo arkayey is reebreebka Olombigga.
Mo Farah wuxuu tartankaas oo ka dhacay Birmingham ku dhameeyey 27 daqiiqo iyo 50.54 il-bidhiqsi taas oo 22 il-bidhiqsi ka badan intii la doonayey.
Wuxu markii dambe sheegay inuu qabay dhaawac ka gaadhay kuraanta bidix.
"Waan ka niyad jabay natiijada" ayuu yidhi.
"Tobankii maalmood ee u dambeeyey waxay ahaayeen kuwo fiican laakiin wax kastaaba ha dhacaane waxaa muhiim ahayd in aan ka soo qayb galo is reebreebkan" ayuu intaa ku daray.
Farah wuxuu haystaa ilaa 27 Juun si uu u soo gaadho wakhtiga u suurto gelin kara inuu ka qayb galo tartanka Tokoyo oo ah 27:28.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhanka kale waxa uu xoogga saari karaa 26 Juune inuu ku guulaysto horyaalka Ingiriiska si ay ugu suurto gasho inuu u tartamo Olombigga 5,000 mitir kaas oo uu billada dahabka ah ku qaatay ciyaarihii Olombigga London 2012 yo Rio 2016 labadaba.
Hase yeeshee guul darradaa uu kala kulmay is reebreebku waxay tilmaan u noqon kartaa inuu ka noqon karo qorshihiisii ahaa inuu ciyaaraha ka fadhiisto marka uu ka qayb galo tartanka Olombigga Tokyo ka dib.
Farah wuxuu saddexdii sano iyo badhkii u dambeeyey ku fooganaa inuu mar kale dhigo wacdarihiisii uu hore u dhigay oo kale, laakiin isku daygiisii ahaa inuu u weecdo dhanka orodka dheer ee Maaratoonka wuu ku guul darraystay.
Guushii ugu horraysay ee 10,000 mitir tan iyo waagii uu ku guulaystay 2017 tartankii ka dhacay London Stadium, waxa muuqatay inuu hore u soconayo.
Tartanka ciyaaraha fudud ee Olombigga waxay ahayd in lagu qabo magaalada Tokyo ee dalka Japan sannadkii hore ee 2020 hase yeeshee safmarka korona ee dunida ka dillaacay awgii ayaa loo baajiyey.
Waxay se sheegeen gudida qaban qaabada ciyaarahaasi in sannadkan bisha Juulaay oo uu bilaabmi doono 23 keeda, aadna loo xadidi doono tirada taageerayaasha ah ee u daawasho tagi karta.
Hore ayaa Japan u shaacisay in ay joojinayso in dad daawadayaal ahi dalka dibadiisa ka yimaadaan, waxaana la waday in dadkii tigidhada sii goostay loo celiyo lacagtoodii.
Tarkanku wuxuu bilaabmi doonaa 23 Juulaay 2021 waxaanu socon doonaa ilaa bisha Ogost horraanteeda oo la soo gabagabayn doonaa 8 Ogost.











