Dhaktar ciyaartoyda dhiig siin jiray oo xukun lagu riday

Sports doctor Mark Schmidt (c) in court in Munich during his trial, 15 Jan 2021

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Mark Schmidt (oo ay maxkamad amartay in wajigiisa la qariyo) waxaa lagu helay in ka badan 20 dambi

Dhaktar u dhashay waddanka Jarmalka oo ka shaqeyn jiray waaxda ciyaaraha ayaa lagu riday xukun ku dhow shan sano oo xabsi ah kaddib markii lagu helay in uu mas'uul ka ahaa shabakad ciyaartoyda awooddooda dhinaca tamarta si sharci darro ah u kordhin jirtay intii u dhaxeysay sannadihii 2012-kii ilaa 2019-kii.

Mark Schmidt, oo 42 jir ah, ayaa sidoo kale lagu ganaaxay in uu bixiyo lacag dhan €158,000 (£140,000; $190,000), waxaana laga mamnuucay in uu dhakhtarnimada ku sii shaqeeyo saddex sano oo ka dambeysa xilliga xabsiga uu dhammeysto.

Xukunkan waxaa dambiilaha ku ridday maxkamad uu fadhigeedu yahay magaalada Munich ee dalka Jarmalka.

Shabakadda ayaa habka awood kordhinta sharci darrada ah u sameyneysay ciyaartoyda qaar ka mid ah dalalka caalamka ee ka qeyb gala tartamada dhinaca hawada iyo waliba kuwa baaskiillada.

Schmidt waxaa la xiray bishii February ee sanadkii 2019-kii kaddib markii weerar ay booliska ku qaadeen gurigiisa oo ku yaalla magaalada Erfurt ee dalka Jarmalka iyo guri kale oo uu ku leeyahay magaalada Seefeld ee waddanka Austria.

Xilligaas, shirkad ka shaqeysa dalxiiska dhinaca hawada ayaa magaalada Seefeld ku qabaneysay tartan weyn oo ay isugu imaanayeen ciyaartoyda dhinaca hawada ku tartama.

Dhowr ciyaartoy oo ka kala yimid dalal kala duwan ayaa halkaas lagu xiray kaddib markii laga shakiyay in ay si sharci darro ah tamartooda ku kordhinayeen si aysan u daalin durba.

Hal ciyaartooy oo u dhashay dalka Austria ayaa markaas gacanta lagu dhigay isagoo dhiig uu ku socdo si loo xoojiyo qulqulka dhiigga ee wadnihiisa, taasoo horseedeysa in uusan daalin.

Xarigga dadkaas ayaa layaab ku noqday kana argagixiyay dhammaan dadka tartamada noocaas ah ka qeyb qaata ee guud ahaan dunida.

Adeegsiga kordhinta awoodda sharci darrada ah ee loo isticmaalo socodsiinta dhiigga ayaa la sameeyaa si ciyaartoyda loogu kordhiyo unugyadooda dhiigga cas, taasoo ka caawineysa in ay awood xoog leh yeeshaan.

Qoraalka Muuqaalka, How does blood doping work?

Kordhinta awoodda ee dhiigga loo isticmaalo ayaa dalka Jarmalka laga mamnuucay sanadkii 2015-kii.

Schmidt ayaa maxkamad lasoo taagay bishii September, waxaana dacwadda ku wehlinayay ilaa afar qof oo ay isku kiis ahaayeen, kuwaasoo qudhooda ay maxkamadda Munich ku heshay dambiyadii lagu soo oogay.

Dhakhtarkan ceeboobay ayaa isbuucii lasoo dhaafay qirtay dambiga uu galay. Warqad uu qoray oo ay qareennadiisa maxkamadda ka hor akhriyeen ayuu ku yidhi: "Tallaabo khaldan ayaan qaaday aniga ayaana eeddeeda iska leh."

Wuxuu sidoo kale raalligalin siiyay afarta qof ee dambiga kula jirtay, kuwaasoo uu sheegay inuu ka qoomameynayo sida uu mustaqbalkooda ugu ciyaaray.