Taliban iyo xukuumadda Afghanistan oo xabbad joojin muddaysan shaaciyey

Cutubyo ka tirsan ciidamada dawladd Afghanistan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Cutubyo ka tirsan ciidamada dawladd Afghanistan

Ururka Taliban ayaa ku dhawaaqay seddex maalin oo xabbad joojin ah oo ay ugu tala galeen munaasabadda ciidul fitriga.

Xabad joojinta oo billaabmeyso maanta oo Axad ah oo Afghanistan looga dabbaad degayo munaasabadda ciidda.

Madaxweynah Afghanistan Ashraf Ghani oo soo dhaweeyey xabbad joojinta seddexda maalmooda ee uu ku dhawaaqay ururka taalibaan ayaa sheegay iney ciidamdiisu ixtiraamayaan go'aankaasi.

Xabbad joojinta uu ku dhawaaqay ururka Taliban ayaa u muuqata mid raja gelinayo dalka Afghanistan oo ay soo daashadeen dagaallada aan dhammadka lahayn.

Xabbad joojin noocan oo kale ahayd oo munaasabadda ciidda 2018-ki lagu dhawaaqay ma noqon mid sii socota.

"Cadowgeenna meel kasta oo uu jooga weerar ha ku qaadina. Haddii weerar la idinku soo qaadana isdifaaca oo keli ah," ayuu yiri afhayeenka ururka Taliban Zabuhullah Mujaahid.

Wuxuuna intaa ku daray in xabbad joojinta loogu tala galay oo keli munaasabadda ciidul-fitriga.

Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani oo soo dhaweeyey xabbad joojinta Taliban wuxuu sheegay inuu ciidamadiisa ku amray iney go'aankaasi u hoggaansamaan.

Dagaalyahannada Taliban

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Dagaalyahannada Taliban

Wuxuuna shaaca ka qaaday iney sii dardar gelinayaan sii deynta maxaabiista ay dowladdu ka hayso ururka taalibaan, isla-markaana ay dowladdu qaadeyso tallaabbooyin adag.

Isdhaafsiga maxabiista ayay labada dhinac ku heshiiyeen xilliga ay saxiixayeen heshiiski nabadeed ee Mareykanka iyo Taliban bishii Fabraayo ku dhex maray dalka Qatar.

Sahacbaka Afghanistan iyo kormeerayaasha caalamigaba waxay rajo ka muujiyeen weerarrada labada dhinac ay isku qaadayen ee yaraaday ay sababtay heshiiska uu Mareykanka ciidamadiisu kalabaxayo Afghanistan oo ay Taliban iyo Mareykanka kala saxiixdeen.

Balse weli dhinacyada Afghanistan isku haya waxaa horyaalla qodobba muhiim ah oo heshiis waara u horseedi kara oo ay ka mid yihiin sii deynta maxabiista Taliban ee ay dowladda Kabul gacanta ku hayso iyo Taliban oo aqoonsada dowladda Afghanistan.

Qarax horraanti bishan ka dhacay Isbitaal ku yaalla Kabul waxaa ka dhalatay cambaareyn xooggan oo loo jeediyey ururka Taliban. Inkasta oo Taliban uu diiday inuu qaraxaasi uu wax lug ah ku lahaa.

Qaraxaasi oo sababay inuu madaxweyne Ghani uu amar ku bixiyo in dib loo billaabo weerarradi ka dhanka ahaa ururka Taliban iyo ururrada kale ee ka dagaallama gudaha Afghanistan.

Horraanti bishan ayaa la soo afjaray muran wakhti dheer qaatay ee awood qaybsiga oo u dhaxeeya Madaxweyne Ashraf Ghani iyo ninka ay iska soo horjeedaan ee Cabdullah Cabdullah.

Ciidama uu horkacayo Mareykanka iyo ururka Talibaan dagaalka u dhaxeeya ee ururka Taliban talada dalka Afghanistan looga tuuray wuxuu dalka Afghanistan ka socdaa 18 sano.