Qalalaasaha Afghanistan: Haweeneyda naas nuujisa carruurta hooyooyinkood lagu laayay weerarka isbitaalka

Xigashada Sawirka, Firooza Omar
"Waxaan naas nuujinayay canuggeyga waana qiirooday. Waxaan dareemi karay dhibaatada ay marayeen carruurta kale," ayey tiri Firooza Omar.
Talaadadii lasoo dhaafay, ugu yaraan 24 qof, oo ay ku jiraan carruur markaas dhalatay, hooyooyin iyo kalkaaliyaal, ayaa si arxan darro ah loogu laayay weerar ay koox mintidiin ah ka fuliyeen isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee ku yaalla magaalada Kabul ee caasimadda u ah dalka Afghanistan.
Firooza, oo 27 jir ah, waxay TV-ga ka daawatay warka ku saabsan weerarkaas. Waxay fahantay xaaladdaas kaddib markii ay la hadashay saaxiibbadeed, ayna aragtay sawirrada iyo muuqaallada lasoo galiyay.
Iyada lafteedu waa hooyo heysata cunug afar bilood jira.

Xigashada Sawirka, Firooza Omar
Iyadoo naas nuujineysa cunuggeeda, waxay ka fikirtay carruurta hooyooyinkood waayay kaddib markii ay dhasheen, dareenka la xiriira fikraddaas ayaana ka tan batay.
Dhiirranaan
Waxay go'aansatay inay baxdo oo ay caawiso carruurtaas.
Waxaa xigay inay qaaddo tallaabo dhiirranaan ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Xilli uu soo dhawaa waqtigii afurka [weerarka wuxuu dhacay intii lagu guda jiray bishan Ramadan], waxaan u sheegay seygeyga arrinta aan damacsanahay ee ku saabsan caawinta carruurta rajoobay."
Seygeeda wuu ku raacay islamarkiiba, wuxuuna u xaqiijiyay inuu wiilkooda yar xannaaneyn doono.
Xilligaas uu weerarka dhacayay, ciidamada Afghanistan waxay badbaadiyeen 100 haween ah iyo carruurtooda oo ku jiray isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Dasht-e-Barchi.
Isbitaalka wuxuu qiyaastii 2km u jiraa meesha ay ku nooshahay Firooza.
Carruur ooyeysa
Waa laga yaabaa inuu iska gaabnaa masaafaha ay ugu safartay isbitaalka, laakiin wuxuu ahaa mid khatar badan, maadaama magaaladu ay tahay meel aad looga cabsado inuu xilli kasta weerar ka dhaco.

Xigashada Sawirka, Firooza Omar.
"Markii aan tagay isbitaalka, waxaan arkay qiyaastii 20 carruur ah. Qaarkood way dhaawacnaayeen. Waxaan la hadlay kalkaalisooyinkii waxayna ii sheegeen inaan naaska nuujiyo carruurta aad u ooyeysa."
Kaddib waxay nuujisay afar carruur ah, kuwaasoo midba midka kale ay uga sii gudbeysay.
ka hor inta aysan Firooza gaarin halkaas, kalkaalisooyinka waxay isku dayayeen inay carruurtaas siiyaan cuntooyin loo sameeyay caano ahaan.
"Qaar ka mid ah dhallaanka way diidayeen inay caanahaas cabaan," ayey tiri Firooza.
Saameyn xasilooni ah
Waxay carruurta u noqotay wehel dhab ah oo xasiliya.

Xigashada Sawirka, Firooza Omar
"Markii aan naas nuujiyay, aniga xitaa waxay igu yeelatay saameyn xasilooni ah. Waan ku faraxsanaa inaan caawinayay."
Markii ay guriga kusoo laabatay, waxay ahayd cunigeeda tookadiisa.
"Labo saacadood kaddib, waxaan u imaaday inaan cunugeyga naas nuujiyo." ayey tiri Firooza.
Waxay xaaladda ay la kulantay ku soo qortay baraha bulshada, waxayna hooyooyinka kale ku boorrisay inay go'aankeeda oo kale qaataan, ayna nuujiyaan carruurta ooyeysa.
Waxay sheegtay inay haween kale imaadeen isbitaalka, sidoo kalena carruurta naas nuujiyeen.
'Dambi dagaal'
Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkii dhacay Talaadadii, kaasoo ay hay'adaha xuquuqda aadanaha ku tilmaameen "dambi dagaal".
Xukuumadda Kabul waxay milatarigeeda ku amartay inay raadiyaan dadkii falkaas ka dambeeyay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Magaalada Kabul waxaa 40-kii sano ee lasoo dhaafay ka dhacay dagaallo badan iyo qalalaase.
Sidaasoo ay tahayna, dilkii loo geystay hooyooyinka iyo carruurta waxaa lagu tilmaamay qalalaasihii ugu xumaa ee la xasuusto.
Firooza waxay sheegtay inay ka walwalsan tahay dhibaatooyinka aan dhammaadka lahayn ee ka taagan magaaladeeda.
"Halkii ay hooyooyinkood dhabta ugu jiri lahaayeen, carruurtan waxay naas ka nuugaan dumar aan aqoon u lahayn," ayey tiri.
Firooza, oo ah qof baratay cilmi nafsiga, waxay dooneysaa inay dhammaan dadka u istaagaan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen caawinta qoysaska dhibaateysan ee Afghanistan.
'Waan ku faraxsanahay inaan cunug korsado'
Waxay la xiriirtay qaar ka mid ah saaxiibbadeed si ay lacago ugu aruuriyaan carruurtaas, oo dhaqaalahaas lagu dabaro raashinkooda marka naaska laga gooyo.

Xigashada Sawirka, Firooza Omar.
Waxay sheegtay in marka laga soo tago carruurta dhaawaca ah, kuwa kale laga saaray isbitaalka uu weerarka ka dhacay.
Laakiin waxay ka walwalsan tahay kuwa aan lahayn qoysas ay dib ugu laabtaan.
"Waxaan mudnaanta siinayaa carruurta rajooyinka noqday," ayey tiri.
"Waan ku faraxsanaan lahaa inaan qaato mas'uuliyadda hal cunug oo aan la korsado wiilkeyga kale."










