19 qof oo ku dhimatay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Dimiqshiq.

Xigashada Sawirka, Sana via Reuters
Telefeeshinka Qaranka Suuriya ayaa sheegay in ugu yaraan 19 qof ay ku dhinteen tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii qof ismiidaamiyey uu bam iskula qarxiyey fagaaraha Taxriir ee magaalada Dimiqshiq.
Baabuurka qaraxa uu ku fuliyey Is-Qarxiyuhu ayaa mid ka mid ah saddex gaadhi oo ay Booliisku eryanayeen, labadii kale ee baabuur ee waxyaabaha qarxa siddey ayaa la qabtay oo la burburiyey.
Warka ayaa intaasi raacinaya in laamaha amaanka ee Suuriya ay ka hortageen argagixisada intii aanay gaadhin bartilmaameedkooda oo ahaa goobaha ugu mashquulka badan magaalada Dimishiq maalmihii ugu horreeyey ee shaqada ka dib fasixii Ciidul Fadriga.
Muuqaalada ayaa muujinaya burburka gawaadhi daadsan banaanka hore masjid ku yaal deegaanka Baytara ee gawaadhida ku kala wareegto oo u dhow magaalada qaybta qadiimka ah.

Xigashada Sawirka, Sana via Reuters






